Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: The Prime Minister of Turkey, Recep Tayyip Erdogan arrives in Mogadishu

Recommended Posts

Wafdiga la socda Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga oo noqonaya kii ugu ballaarnaa ee yimaada Soomaaliya muddo 20-sano ah

 

Jimco, Ogoosto 19, 2011 (HOL) – Wafdiga la socda ra’iisul wasaaraha dalka Turkey Recep Tayyip Erdogan oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, ganacsato iyo fannaaniin Turki ah ayaa noqonaya kuwii ugu ballaarnaa ee yimaada Soomaaliya tan iyo 1991-kii oo ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ah: shan wasiir oo ka tirsan xukuumadda Turkiga oo ay ka mid yihiin: wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka beeraha, wasiirka caafimaadka, waxaana wasiirradan la socda xaasaskooda iyo qaar ka mid ah caruurtooda.

 

Sidoo kale, waxaa wafdiga ka mid ah xaaska ra’iisul wasaaraha Turkiga iyo saddex cunug oo uu dhalay, kuwaasoo isugu jiray laba laba gabdhood iyo wiil. Wafdiga oo ka koobnaa 70-xubnood ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa afar heesaa oo u dhashay dalka Turkiga iyo ganacsato si weyn looga yaqaan dalkaas.

 

Wafdigan ayaa waxaa keenay saddex diyaaradood oo mid ka mid ah uu dhaawac gaaray kaddib markii ay baalkeeda midig ku dhufatay dhulka xilligii ay cago-dhiganaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 

Ciidammo gaaraya 100-askari oo si gaar ah u tababaran ayaa la socda wafdiga, kuwaasoo aad u ilaalinaya ammaanka ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa, waxaana ciidamadan ay ku hubeysan yihiin hub casri ah iyadoo wafdiga ay ku tageen goobihii ay booqdeen gaadiid caadi ah oo aysan xabbadu karin.

 

Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa booqday laba xero oo ku yaalla degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag ayaa u qaybiyay dadkaas gargaar isugu jiray cunno nafaqeysan, lacag iyo dawo, isagoo wareystay dadka qaarkood weydiiyayna xaaladdooda iyadoo ay ka muuqatay wajigiisa murugo xooggan oo ku aaddan dhibaatada haysta barakacayaashii uu la kulmay.

 

Suxufiyiin caalami ah ayaa ka mid ahaa wafdiga, kuwaasoo si toos ah u tabinayay booqashada ra’iisul wasaaraha Turkey uu ku tagay Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaad kala socotaa taariikh nololeedka Ra'iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan?

 

Jimce, August 19, 2011(HOL) - Tayyib erdogan waxaa uu ku dhashay xaafadda Kasımpaşa ee magaalada Istanbul February 26, 1954 , isagoo ka dhashay qoys dan yar ah.

 

Erdogan aabihiis ayaa la sheegay inuu ahaan jiray askari ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga.

 

Waxaa u ku biiray siyaasadda markii uu jirsaday 17 sano, xilligaas oo uu kamid noqday hogaamiyayaasha ururkii ardada ee kasoo horjeedday nidaamkii shuuciyadda.

 

Sidoo kale Erdogan ayaa ka tirsanaa mid kamid ah naadiyada kubbada cagta ee xaafadda Kasımpaşa ee magaalada Istanbuul.

 

 

Receb Tayyib Erdogan iyo marwadiisa Emina Erdogan

 

Erdogan oo kasoo jeeda qoys muxaafidiin ah oo diinta Islaamka ku dhagan ayaa guursaday 1978 xaaskiisa Aamina Erdogaan oo ah haweenay ku caan baxday xirashada xijaabka oo aan ku badnayn haweenka dalka Turkiga, iyagoo dhalay 2 wiil iyo 2 gabdhood.

 

waxaa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Marmara qaybteeda dhaqaalaha iyo maamulka culuumta , markaasoo uu ku biiray dhaqdhaqaaqii uu waday ra’iisul wasaarihii militarigu afgambiyeen Necmettin Erbakan oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Islaamiyiinta Turkiga.

 

Sannadkii 1991-kii ayaa loo doortay xildhibaan , balse uma ayan suura galin inuu baarlamaanka fariisto kadib markii ay militariga cilmaaniyiinta ah ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyda Islaamiga ah ee ka jiray dalka Turkiga.

 

Erdogan oo lagu tilmaamo inuu ahaa siyaasi aad u firfircoon, waxaa loo doortay duqa magaalada taariikhiga ah ee Istanbuul 1994, markaas oo uu magaalada Istanbuul ka dhisay ilaa iyo 50 buundo oo lagu yaraynayay mashquulka waddooyinka..

 

Waxaa kale oo uu wax ka qabtay biyaha iyo nadaafadda Istanbuul , isagoo ku guulaysay abaal marinta ay bixiso hay’adda qaramada midoobay ee UN-HABITAT iyadoo loo aqoonsaday maayarka ugu wanaagsan ee caalamka.

 

1997 ayaa xabsiga loo taxaabay Erdogan markaas oo maxkamadda sare ee Turkigu ay mamnuucday xisbigii uu ka tirsanaa oo uu hogaaminayay ra’iisul wasaare Necmettin Erbakan , kadib markii uu ka qayb qaatay dibad baxyadii ay ka dhigayeen magaalada Istanbuul taageerayasha xisbiga daryeelka Turkiga, waxaana lagu xukumay Erdogan 10 bilood oo xabsi ah.

 

Isla xilligaas Erdogan waxaa laga mamnuucay siyaasadda, waxaana laga xayuubiyay xilkiisii maayarnimada.

 

1999 ayaa xabsiga laga sii daayay.

 

Sannadii 2001 ayuu aasaasay xisbigiisa cadaaladda iyo horumarka oo ay wada hogaaminayeen isaga iyo madaxweynaha hadda Cabdalla Guul.

 

2002 ayaa xisbiga caddaalada iyo horumarka uu ku guulaystay aqlabiyadda kuraastii baarlamaanka , balse Erdogan ma noqon ra’iisal wasaare madaama laga mamnuucay siyaasadda waxaa xilka qabtay gudoomiye ku xigeenka xisbiga ahna madaxweynaha haatan Cabdalla Guul.

 

 

2003 ayaa maxkamadda sare oo ay awood ku leeyihiin militariga ilaaliya cilmaaninimada Jamhuuriyadda Turkiga ay soo saartay go’aan ay ku diiday doorashadii baarlamaaniga ee dhacday 2002 waxayna amartay maxkamadu in markale lagu celiyo doorashada.

 

Doorashadii ku celiska ahayd ayuu markale xisbiga Erdogan helay aqlabiyadda codadkii, nasiib wanaagna waa la qaaday xayiraaddii saarnayd , wuxuuna noqday ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga.

 

Erdogan markii uu qabtay xukunka wuxuu sare u soo qaaday dhaqaalaha dalka Turkiga, wuxuu xuquuq badan u ogolaaday dadka Kurdiyiinta ah ee dalkaasi, wuxuuna dagaal siyaasadeed la galay militariga cilmaaniga ah oo ugu dambayntii uu ku guulaystay inay iska casilaan xilalkii ay hayeen , Turkiguna uu noqdo waddan dimuqraadi ah oo shacabku ay leeyihiin xuquuqo badan.

 

Waxaa kale oo uu ka qaaday xayiraadda saarnayd gabdhaha xijaabka qaata oo aan loo ogolayn inay ku galaan xijaabka jaamacadaha dalka iyo waliba xarumaha dawladda.

 

Waxaa uu xiriir wanaagsan la yeeshay midowga Yurub , isagoo ku guulaysan waayay inuu Turkigu noqdo xubin buuxda kadib markii ay Faransiiska iyo Jarmalku ka biyo diideen in dal Islaam ah oo ay ku noolyihiin 80 milyan loo ogolaado xubinnimada midowga Yurub.

 

Taa badalkeeda Erdogan waxaa uu u soo wareegay dhanka waddamada Islaamka, waxaana uu xiriir adag la yeeshay markii ugu horreysay wadamada carabta iyo Iiraan, taasoo loo arkayay in Erdogan uu kaga aargudanayay reer Yurub.

 

Erdogan ee saddex jeer oo is xigta loo doortay ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, waxaa uu noqday hogaamiye u dooda xuquuqda shucuubta Islaamka ah ee la dulmiyay.

 

Waxaase si wayn loo xasuustaa markii uu si kulul u caayay madaxweynaha Yuhuuda Shimon Berez shirkii Davos xilligaas oo uu difaacayay falastiiniyiinta markinka Qaza.

 

Waxaa kale oo uu hoos u dhigay xiriirkii u lalahaa Israel markii ay dishay 9 qof oo u dhashay Turkiga oo mucaawino u siday marinka Qaza, isagoo ka qaatay safiirkiisii Israel , xiriirkiina u jaray Yuhuudda.

 

Dadka wax ka qora taariikhda Erdogan waxaa ay ku tilmaameen inuu yahay nin Yuhuudda aad u neceb, taasoo soo dedejisay markii uu xukunka qabtay inuu xumaaday xiriirkii u dhexeeyay Turkiga iyo Israel.

 

Erdogaan maanta waxaa uu ku suganyahay magaalada Muqdisho, isagoo u gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilli u caalamku indhaha ka *****shay.

 

Hogaamiyahan oo horumar gaarsiiyay dalkiisa ayaa tagay Soomaaliya oo aysan ku dhiirran hogaamiyayasha caalamku inay booqdaan, iyagoo u sababaynaya dhanka ammaanka, balse Erdogan waxaa uu meesha ka saaray arrinkaas, isagoo Soomaaliya xaaladda ka jirta ku tilmaamay inay tahay imtixaan laga qaadayo aadamaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

While calling on the world's nations to reach out to Somalia, he also asserted that Turkey would act as if it is the only nation helping the famine-stricken country. Turkey will soon open an embassy in Mogadishu and take several measures to help Somalia improve its infrastructure, which include digging wells to improve water supply, building field hospitals, a highway between the Mogadishu airport and the city centre, as well as facilities for waste management to clean up Mogadishu's rubbish-strewn streets, Erdogan said. He said Housing Development Administration of Turkey (TOKI) will also build houses and schools in the famine-hit country.

Read full article at http://www.investors.com/NewsAndAnalysis/Newsfeed/Article/135070641/201108191237/Turkish-premier-urges-international-community-to-help-Somalia.aspx

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Erdogan to set up Somali embassy, pledges projects

 

Sat, 20 August 2011

 

 

MOGADISHU — Turkish Prime Minister Tayyip Erdogan, keen to strengthen Ankara’s ties with the African continent, said yesterday he would set up an embassy in Somalia and promised major infrastructure projects in Mogadishu.

The visit by Erdogan, the first leader from outside Africa to visit for nearly two decades, was aimed at drawing attention to the famine sweeping across the Horn of Africa nation, which is leaving at least 3.7 million Somalis at risk of starvation.

 

A four-year insurgency between Al Qaeda-inspired fighters and the Western-backed government has turned the capital into a bleak mass of bullet-ridden houses, pothole-filled roads, mountains of rubble and overcrowded, makeshift camps filled with tens of thousands of Somalis.

“This place is in flames, and it’s possible to put out the fire,” Erdogan told a news conference at the end of his one-day trip, during which he stopped by several refugee camps, a Turkish-run clinic and a damaged hospital.

 

“This tragedy here is a test of humanity, human values, modernity and modern values. We’re here to tell the world this test should be passed successfully to prove that Western values are more than empty rhetoric,” said Erdogan, who was accompanied by his family and five cabinet ministers.

 

Erdogan’s visit also reflects Turkey’s efforts to boost its profile in Africa as it has done in the Middle East in recent years and to promote itself as a model democracy.

 

Turkey is behind other emerging countries such as China, Brazil and India in the race for new markets in Africa, but under Erdogan’s AK Party government, Turkey has boosted trade with the continent and opened several new embassies there particularly in Africa.

“We are going to build an embassy here soon. Our ambassador is going to start working at a location provided by Somalia, and later we will be given a large plot of land to build our own embassy,” Erdogan said to wide applause during a news conference with the Somali president.

 

Somalia has only five functioning embassies operating in the country: Djibouti, Sudan, Libya, Yemen and Ethiopia.

 

The capital, which has been at the heart of a four-year insurgency between extremists and the Western-backed government, was packed with security forces, including Turkey’s own special forces who flew in with Erdogan.

Turkish flags fluttered in the coastal breeze and posters adorned the walls of mortar-blasted buildings and Somalis lined up to greet the motorcade as it rushed through the city, waving flags and applauding “Turkey! Turkey!”

“Prime Minister Erdogan’s visit tells us the Turkish people are closer to us than any other nation on earth,” said resident Abdirashid Ali Omar.

“The Turkish people are here to share with us in our time of need. It is momentous.”

 

Erdogan, who enjoys huge popularity in other countries as a strong and charismatic leader, has appealed for aid for Somalia throughout Ramadhan, a time when donation to charity is emphasised.

Erdogan also pledged to build a major road linking Mogadishu airport to the city, dig wells, send garbage trucks and build schools and houses to spare Somalis from living in camps. He has sprinkled his speeches with references to piety which will play well with his traditional voter-base of conservative Turks.

 

Erdogan has criticised wealthy Western nations for not doing more to alleviate the food crisis.

At an Istanbul meeting on Wednesday of the Organisation of the Islamic Co-operation (OIC) countries pledged $350 million in aid to fight the famine. Erdogan said he expected more from them.

— Reuters

Share this post


Link to post
Share on other sites

While calling on the world's nations to reach out to Somalia, he also asserted that Turkey would act as if it is the only nation helping the famine-stricken country. Turkey will soon open an embassy in Mogadishu and take several measures to help Somalia improve its infrastructure, which include digging wells to improve water supply, building field hospitals, a highway between the Mogadishu airport and the city centre, as well as facilities for waste management to clean up Mogadishu's rubbish-strewn streets, Erdogan said. He said Housing Development Administration of Turkey (TOKI) will also build houses and schools in the famine-hit country.

 

Practical steps for showing that Turkey cares. As the man who reversed the wicked notion of secular extremism that dominated Turkey in the last 70 years, Tayyib Ordogan has the credibility to fulfill the promises he makes.

 

This goes along way to raise Somalia's profile...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this