Sign in to follow this  
Fiqikhayre

1st of August and first day of Ramadan coinciding

Recommended Posts

This was only Garoowe, State Capital of Puntland. The urban population centres of Gaalkacyo, Bosaso as well as other parts of the large State still to come.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Goboladda Sanaag & Bari Oo Maanta Laga Xusay 1-August

 

Boosaso ( RBC Radio) Waxaa maanta guud ahaan Daafaha Caalamka laga xusay maalinta 1-August oo ah markii dhidibada loo taagay dawlada somaliyeed Puntland oo (13) sano Jirsatay.xuska ayaa waxaa si weyn looga dareemay magaloyinka kala duwan ee Puntland xaflada xuska maalinta kowda August oo ah Markii la dhisay dawlada Puntland. Xaflada ayaa lagu soo bandhigay hal-kudhigyo iyo boodhadh ay ku qoran yihiin ereyo lagu soo dhaweynayo sanad guuradii 8aad ee dhismihii dawalada Puntland.

 

Magalada Boosaso. Xaflada heer sare ah oo ay soo agaasimeen maamulka degmada iyo ururada haweynka ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta gobolka bari.

 

Waxaana halkaasi ka soo qayb-galay Gudoomiyaha gobolka bari C/samad Maxmed galan,duqa Boosaso Maxmuud Faarax iyo hormuudka ururada haweynka gobolka bari oo dhamaantood soo wada diyaariyay xafladani qabsoomidooda.

Gudoomiyaha gobolka bari C/samad maxmed oo halkaasi qudbad dheer ka jeediyay ayaa hambalyo u diray dhamaan shacabka Puntland gaar ahaan kuwa gobolka bari, sifo ku aadan Maalinta Kowda August iyo Dhalashada Bisha Ramadaan.

Mudane galan ayaa waxaa uu ku dheeraday muhiimada uu lahaa dhismaha dawalada Puntland, waxyaabaha Puntland u qabsoomay muddadii ay dhisneeyd iyo heerar kala duwan ee soo martay Puntland.

 

Gudoomiyaha ayaa Dhinaca kale Munaasbada Ramadaanka iyo Kowda August waxaa uu kaga faa’ideystay baaq nabadeed uu diray dhamaan shacabka Gobolka bari oo ku aadan arimaha amni ee waayadan ka soo cusboonaaday qaybo ka mid ah gobolka bari beelaha wada daga. Sidoo kale xaflada ayaa waxaa ka hadlay duqa boosaso Maxmuud farax oo hambalyo u diray dhamaan shacabka Reer Puntland gaar ahaan kuwa boosaso oo sheegay in uu leeyahay ramadaan wanagasan.

 

Duqa Magalada Boosaso ayaa Amaanay dhamaan dadkii ka soo qayb-galay xafladan oo ah mid si weyn loo soo qaban qaabiyay,isagoona hoosta ka xariiqay in loo baahan yaha mar walba isku duubni iyo wada jir. Sidoo kale duqa magalada boosaso ayaa ku aamanay dadka barkacayaasha sida ay uga soo qayb-galeen xaflada kowda August oo maanta Puntland laga xusaayo. Maxmuud Faarax ayaa sidoo kale ka hadlay arimaha la xiriira cibaadad Bisha barakeysan ee ramadaanka oo sheegay in cid walba waajib ku tahay sidaas darteedna dadka Inta caafimaadka Qabta ay soomaan.

 

Waxaana ugu danbeytii uu baaq ku aadan arimaha amniga u diray dhamaan shacabka gobolka bari oo sheegay in ay yihiin dad aan kala maarmin oo looga baahan yahay isku duubni iyo wada jirid. Ururada haweynka gobolka bari ayaa ka hadlay xafladan oo ku dheeraday ahmiyada ay leedahay kowda August oo sheegen in xili hore u diyaargarooben.

 

Maryan maxmed xasan oo ah gudoomiyaha Haweynka gobolka bari ayaa soo jeedisay sida lagama maarmanka ah ee loogu baahan yahay in xili walba loo xasuusnaado maalintan dhalashada Puntland. Maryan Guduudo ayaa sidoo kale sheegtay habka diyaargarowga ururada haweynka gobolka bari in uu ahaa mid aad u sareeya dhamaantoodna ay ka Go’neyd in ay u soo baxaan Kowda August.

 

Gudoomiyaha Haweynka degmada Boosaso khadro dhuungale oo soo jeedisay qudbad ka hadleeysa horumarka Puntland gaadhay intii ay dhisneyd ayaa ku dabaqday howshaas in ay ku lug lahaayeen mar walba ururada Haweynka Puntland.

Waxaana ay sheegatay in mar walba haweyn ahaan ay mar walbaa ilaaliyaan jiritaanka Puntland dhamaantoodna xil gaar ah iska saarayaan cidii ka hor imaato dhismaha Puntland.

 

Qaybaha barkacayaasha kamamka kala duwan ee Magalada boosaso ayaa sidoo kale ahaa kuwo soo xaadiray xaflada sanad guuradii 8aad ee dhismaha dawlada Puntland. Horjoogayaasha kamamka ********,kaam shabelle iyo kuwo kale ayaa halkaasi amaan Buuxda u soo jeediyay amniga ka jira Puntland oo sheegen in ay soo door-bideen markii ay ka imaanayeen konfurta dalka somalia.

 

Xaflada lagu qabtay boosaso ayaa waxaa ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan waxaana dadka wajiyadooda ka muuqday sida ay ugu faraxsan yihiin maalintani in ay nabad ku gaadhan.

 

Gobolka Sanaag

 

Magalada Badhan ee xarunta gobolka sanaag ayaa lagu qabtay xuska maalinta kowda Augst oo ay ka soo qayb-galeen shacab aad u farabadan maamulka gobolka iyo kan degmada ciidamda qalabka sida.

 

Gudoomiyaha gobolka sanaaga Maxmud siciid nuur oo qudbad dheer halkaasi ka jeediyay ayaa hambalyo u diray dhamaan shacbaka puntland meel ay joogan oo ku aadan maalintan Kowda August oo sheegay in ay muhiim u tahay xuskeeda. Sidoo kale gudoomiye Dabeyl ayaa ku dheeraday isku duubnida dadka reer sanaag oo sheegay in ay tahay mid waajib ah mar walba iyo in ay u midoobaan cid kasta oo amnigooda wax yeeleynesa.

 

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale digniin u diray dhamaan kooxaha bisha barakeysan ee Ramadaan fura goobaha laga cunteeyo ee ku yaala gobolka sanaag. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Ururada haweynka gobolkasi oo sheegay in maalintani muhiim u tahay dhamaan shacabka Puntland meel ay joogan in ay xusaan Kowada August.

 

Maryan Cali oo ka mid ah Horjoogaysha ururada haweynka ee ka dhisan badhan ayaa ku dheeratay qaabka isku soo baxa ee degmada Badhan oo sheegatay in uu ahaan mid qaban-qaabadiisa soo diyaarinaayen muddo dheer. Intaasi ka dib ayeey soo hadal qaaday dhismaha Puntland iyo sida loo gaadhay oo ahayd dadka reer Puntland oo hor boodayaan siyaasintooda oo gartay in ay danahooda raacdaan oo dhistaan Puntland.

 

Loogana baahan yahay dadka reer Sanaag in ay iska ilaaliyaan cid kasta oo arimo laaluush kala timaad dhinaca maamulka Somaliland oo faragalin ku haya qaybo ka mid ah Sanaag. Ugu Danbeytiina waxaa halkaasi ka hadlay qayabaha kala duwan ee Bulshada oo si isku mid ah ugu hambaliyeeyay shacabka Puntland Ee Maanta u jooga xafladaha kala duwan ee lagu xusaayo maalinta kowda August.

 

Mohammed A Rashiid

 

RBC Radio Boosaso

RBCBoosaso@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
13 Anniversary of formation of Puntland State termed Puntland Day by Somali caricaturist Amin Amir: Peace, Unity, Progress, Equality and Fairness as painted and depicted by the artist on the above picture.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Presidents speech anticipated during a special ceremony in the evening to commemorate 1st of August the 13 anniversary of the State's formation/establishment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this