Sign in to follow this  
Nabad_dadaye

xagjirnimo ama daba ****** wax udhaxeeya ma jiraan?

Recommended Posts

Xagaan ka bilaabaa

 

1: waxaad tidhi sidan:

Marka ugu horeeysa wahaabiyada maan caynin, waxaan iri kaliya firqadaas alnajadiga waxay caan ku yihiin fudeeydka iyo inay wax waliba simplification ku sameeyaan iyo ka eegida meel soke,iyo degdegida dagaal hurinta FIDNADA iyo takfiirinta waa xaqiiq man-haj ka yimid lagu naaneeyso wahaabiyada

Hadalkan waxba kama jiraan, waa dacaayad raqiias ah akhi. Manhajka takfiirinta dadkan aad wahaabiyo ku sheegaysid maynan keenin, waa hadaad taariikhda wax ka ogtahay. Marka laabaad, horayna waan kuugu soo sheegay "takfiirintu" diintay ka mid tahay. Hadaad leedahay diinta marnaba lagama bixi karo, waa ra'yigaada. Laakiin ogow rayigaada diinta ha ka dhigin.

Cadho aad jamaaco u qabtidna yaynan ku indha tirin.

 

Cilmi dhan oo la dhaho "Shurudu wa mawanicu takfeer" baa jira. Culimaduna kutub badan bay ka qortay, mana aha wahaabiyo waxay doraad la timid.

 

 

2: Marka labaad waxaad qortay:

 

taa waxaan ula jeedaa eeg foolxumada ka jirta maanta Somalia, in dadkii somaliyeed muslimiinta ahaa 100% suniyiinta ahaa ay maanta qoorta isaga jarayaan kalmado abuse lagu sameeyey ee ah gaal(murtad) bla bla(mushrik) iyo waxyaalo kaloo aad u foolxun,

Waxan waxaa la dhahaa "hadal la iska tuuray"! sxb. soomaalidu 20 sano ka badan bay is laynaysay, marka kalmadda "murtad" 4 sano ka hor saaxadda soomaalida maysan soo galin. Hadeer haday soo gashayna, maaha sidaada in la dhaho "Ala sidee Murtad loo dhihi karaa qof"! Su'aashu waxaa weeye, maxaa "murtad" qofkan loo yidhi. Markaas ka bacdi baa la eegi karaa qofkan waxa lagu haysto inay sax tahay iyo in kale.

 

Laakiin maaha waxa in "feelings" lagu dhiso. Waa mas'alo diin ah.

 

3: Marka sadexaad waxaad tidhi:

 

Aniga shaqsiyan arrintan takfiirinta waxaan aamisanahay qof xaq u leh baniaadam ah haba yaraatee ma jirto inay gaaleeyso qof muslim ah oo afkiisa ka qiranayo inuu islaam yahay, waayo haddii bulshada islaamka ay ogolaato taa waxaa dhaceyso ALFIDNA, fidna aad u foolxun ee la mid ah midda Somalia ka socota ee aan telefishinada ka daawano hooyo somaliyeed caruurteedii 3 jidka uga soo geeriyoodeen labana nafta ka sii baxeyso ee xerada dhadhaab kenya 20 maalmood u soo lugeynayey.

Waa sidaan horay u soo sheegay, akhi mas'alada ah "Allah kaliyaa wax gaalaysiiya, markaa qofka afka ka sheega muslim inuu yahay waxkastuu ku dhaco wali waa muslim" dib ugu noqo.

Ehlul cilmigu sidaas kulama qabaan. Waa ra'yi xagaada kaliya ka yimid.

Shareecadeenu waxay leedahay xuduud, qofkii ka baxana diintuu ka baxayaa.

Tusaale Allah baa quraanka ku sheegay "qofkii gaal walaal ka dhigta, oo muslimiinta ka xigsada inuu gaal yahay"! Marka anaguna siduu Allah yidhi uun baynu ku dhaqmi. Again kor baan ku qoray in uu jiro cilmi la dhaho "Shurud wa mawanicu takfeer"! Fadlan dib ugu noqo arintaas akhi.

 

Hadaad dhahdid qofkastaa wuxuu doono ha sameeyo, aduunka fasahaad baa ka dhacaya.

 

 

4: Marka afraad waxaad tidhi:

 

AL MISKIIN waxaan kaloo aad uga xumahay inaad aayadii allah ee aheeyd وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ

aad si qalad ah u macneeysatay sxb. aayadan micnaheedu waa FIDNADU=(abuuritaanka cunfiga/dagaalka/ dawlad la,aanta أَشَدُّ مِنَ القَتلِ waa ay ka xuntahay Dilka.

allah subxaana watacaala kalaabkiisa quraanka kariimka waa luqatul carabiga وَالفِتنَةُ qofka basic arabic yaqaana xitaa micnaheedu waa fahmayaa waa WALFIDNATU=FIDNADA.

Halkan baad qaladka ugu wayn ku gashay akhil xabiib. Aayada sidaan u fasiray horta marka hore hawadayda maynan ka iman, wallahu yuxibu Al-saadiqiin.

 

Marka koobaad: Waxaad tidhi waxaa laga wadaa "abuuritaanka cunfiga/dagaalka/ dawlad la,aanta"

Waana qalad akhi. Mufasiriinta kutubtooda bal fiiri, iyo waxay aayadan ku fasireen. Tusaale ahaan hadaynu eegno mufasirka wayn ee caanka ah Ibn kathir jumlada أَشَدُّ مِنَ القَتلِ wuxuu ku fasiray waa "Al fitna" inay tahay "shirk(gaalnimo).

 

Marka yacni: Gaalnimadaa ka daran "dagaalka/dilka"! Bal adigu u'r self fiiri suratul baqarah aayada 191 wuxuu mufasirku ka yidhi. Mida kale aayadu waxayba ku soo dagtay dagaal ay saxaabo galeen wakhti aan la dagaalami jirin. Markaa quraysh baa tidhi "ala bal fiiriya saxaabadi Muxamed, xataa bilihii aan la dagaalami jirn bay dhiig daadiyeen" markaas bay aayadu soo dagtay.

 

Markaa akhil xabiib Allah ka cabso tafsiirka quraanku ciyaar ciyaar maaha, wuu ka muhiimsan yahay doodeena oo dhan.

 

 

5: Waxaad kaloo tidhi:

 

umadaha muslimiinta qarnigan nool habayaraatee uma baahna in dagaal cunfi, fidna lagu kiciyo. umadaha islaamka waxay u baahan yihiin inay wadamadan reer galbeedka (mareykan europe) inaan kula tartarno waxa loo yaqaan modern technology,medicine, science, industry.

Akhi with all due respect, Fitnada ugu wayn ee wadamada muslimiinta ka socota, maaha dagaalka ay wadaan "islaamiyiintu" akhi, run in la isu sheego weeye. Islaamiyiinta ka hor, xataa wadamada muslimiinta maraykanka iyo xulafadiisa baa xukuntay. Hadeerna wali waa sidii.

 

Xor la'aantaas na haysata baa fitnada ugu wayn ah. Ma Islaamiyiinta dartii buu sucuudigu daba Dhi-lif u yahay? Ma islaamiyiinta shalay timid bay dawladda soomaaliya sidaas ahayd for the last 20 years?

 

Aad baan uga yaabaa fakarka noocaad ah runtii. In uusan qofku arkin dhibaatooyinka aan faraha lagu tirin karin ee ka taagan wadamdeena muslimiinta ah, laakiin uu arko wax yaroo dhowr sano ka hor bilowday.

 

Islaamiyiinta dhibka ay nagu hayaan, waxaa boqol jeer ka daran ka ay Maraykan, Itoobiya, Israa'iil ku hayso wadamdeena muslimiintee kala duwan.

Marka bal ninyahow indhaha kala fur. Islaamiyiin baa meel qarxiyey kaliya ha ku daba dhiman.

Qalado badani inay jiraan amba waan qirsanahay, laakiin waxba waxbay ka daran yihiin.

 

 

Inaad the situation of the muslims maanta siday yihiin ku faraxsantahay, waa arin qariib igu ah.

 

7: Waxaad kaloo tidhi:

sxb waxaad leedahay dagaal XABADA rasaasta, xitaa warshad sameeysa ama qoriga sida loo sameeyo ma taqaanid ee waxaad ka tahay eber. marka bal xabada aad rideyso iyo qoriga yar ee kalashnikovka gaalkii sameeyey hadduu warshadiisa kaa xirto bal maxaad ku dagaalameysaa??

Sxb, hadalkaas waa dacaayad. Anigu waxaas ma odhan aad qortay. Mida kale, Kalashnikov ma taqaanid sida loo sameeyo maaha a reason for not to defend our muslim countries. MA waxaad leedahay masaakiinta falastiin, ciraaq, afqaanistaan, kashmiir, chechniya jooga "is dhiiba hub fiican ma haysatiin e"

 

Walaal, hub yari ama hub badni, muslimiiintu waligeed isma dhiibayso, hadii ra'yigaada lagu noolaan lahaana, yuhuuda mar horay falastiin baa'bi'in lahayd. Marka Alxamdulillah, Allahu mawlana walaa mawla lahum.

 

 

8. Waxaad kaloo tidhi:

 

waa xaqiiq waxyaalo qaladaad eexasho ayey ku kacaan wadamadan mareykanka iyo xulafadooda laakiin eeg adiga iyo aniga qaxooti waxaan ku nahay wadamadan reer galbeedka,nabad ayaan ku heeysanaa. haddii aad dooneysid inuu cadawgaaga respect ama tixgelin ku siiyo sida kaliya aad uga guuleysan karto waa inaad uga hor martaa ama kula tartantaa modern technology

Akhi xoogaa adoo iga raali ah arintaasi "waa dream" aan base ku lahayn aduunka hadeer aynu ku noolnahay.

The first step to compete with anyone is marka hore inaad is xoraysid.

Adoo isticmaar(guumaysi) ku jira, baad leedahay modern technology baan ku tartami.

Bal marka hore cadawgaada iska saar, wadankaadana xor u noqo, markaas ka bacdi baa la bilaabi karaa hawlaha kale.

Bal Soomaaliya oo Itoobiya laga xukumo baad leedahay aynu tartan samayno? Marka hore bal dawlad xor ah aynu yeelano, oo dadkeeda u shaqaynaysa.

 

Ugu dambayn, anigu wadamada muslimiinta ma gaalaysiin, hadaan gaalaysiiyey maanaa ugu yeedhi lahaa "wadamo muslimiin ah", marka bal intaas meeshaas aynu ku dayno.

 

Marka bal aan ku soo khatimo su'aalo walaal:

 

Wadamada muslimiinta maanta miyaad aaminsantahay inay xor yihiin from the western world? Oo ay maraykanku ugu horeeyaan?

 

Mida labaad: Maxaad u aragtaa oo xal la taabto ah si lagu xaliyo dhibaatooyinka ina haysta? Wada hadal iyo "na daaya" waynu aragnay inaynan shaqaynaynin e. Bal fiiri Falastiin hadeer, maxaa xal u ah hallkaas?

Soomaaliyana maxaa xal u ah?

 

Akhi mana rabo jawaab ah "nabadda ha lagu dadaalo", waayo taas dadkoo dhan baa u socda. Bal plan ma haysaa? aan ahayn iska hadal, iyo shirar bilaa micne ah.

 

Ma waxaad aaminsantahay wadamada muslimiintu maanta siday xukaamtoodu yihiin baad ku qanacsantahay? Oo waxba naga maqna baad leedahay, Alaylahe "islaamiyiinta oo na dhibay mooyee", ma sidaas baan hadalkaaga u fahmayaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Miskiin;738792 wrote:

Akhi with all due respect, Fitnada ugu wayn ee

 

wadamada muslimiinta ka socota, maaha dagaalka ay wadaan "islaamiyiintu"

 

akhi, run in la isu sheego weeye. Islaamiyiinta ka hor, xataa wadamada

 

muslimiinta maraykanka iyo xulafadiisa baa xukuntay. Hadeerna wali waa sidii.

 

aad baan u kala fikrad duwanahay xaqiiqdii. anigu sida aamisanahay fidnada ka jirtaa Somalia, afghanistaan iyo

 

fidnadaas waxaa inta baddan ka masuul ah(fitno walayaasha sida taliban al shabab, alqaida ciraaq nimankii algeria ka dagaalami jiray ee laga guuleystay, nimankaas islaamka ceebeeyey waxay ka siman yihiin sida suicide bombers waa from PAKISTAAN , ciraaq, somalia, algeria. chechtnia

 

alxamdulilaah 2011 ciraaq ay yaraatey dadkii is qarxinayey ee shacabka xasuuqayey ayna

 

maanta 2011 ciraaq 90% ay tahay Nabad buuxda. fidnatada uu allah quraankiisa ku yiri

 

al fitna tun ashhadu bil qatl waxaa masuul ka ah dad fitna maskax dhaq lagu sameeyey ee asaliyan ka socda manhajka( salafiga) aka wahaabiya.

 

.

 

somaalidaa ku maah maahda Shibiri marbeey Dab afka ku qaadey markiina

 

aqalkeedii ayey ku gudtay dabkii.

taa waxaan ula nimankaan aad ugu yeertay

 

islaamiyiinta waxa kaliya ay sameeyaan waa xasuuqa shacabkooda.

 

tusaaale

 

Ciraaq markii uu mareykanka qabsadey shacabka suniyiinta ee reer ciraaq

 

waxay galeen dagaal dib u xureyn ah wadankooda kaga xureynayaan

 

mareykanka, dagaalkii iyagoo bilaabay ayaa waxaa ugu yimid jihaadistayaal ka

 

yimid wadamada dibadaha ayna ugu badneeyd sacuudiga, nimankaa oo isku

 

bah yihiin(al shabaab) dagaalkii mareykanka looga soo horjeeday waa ay

 

afduubteen oo dagaalkii oo dhan waxay u badaleen SUICIDE BOMBING, CAR

 

BOMBING KILLING CIVILIANS making takfiiri( the new abused word) (murtad)

 

killing iraqis more than gaalos.

 

marka nimankii suniyiinta ahaa markii ay arkeen

 

FIDNADA ay wadaan nimankaa wahaabiyiinta ahaa ayey go'aansadeen inay

 

iyaga iska sifeeyaan, alxamdulilaah dagaal dheer ka dib dadkii dibada ka yimid

 

ee alqaida isku magacaabey ee zarqaawi hogaamiyaha u ahaan jiray maanta

 

ciraaq waa laga tirtiray almost 95% waana laga guuleeystay.

 

faaiidada laga helay

 

in suniyiinta ciraaq ka guuleystaan fidnowalayaashii waxay keentay in

 

mareykanka ciidankiisii ciraaq uu kala baxo, inta dhimana the end of 2011 uu

 

dhamaan ciidankiisa uu kala baxayo.

 

maanta ciraaq alxamdulilah waa nabad,

 

dhaqaalaha ciraaq wuuu sii kordhayaa, ciraaqiyiinta deggan qurbaha sideena oo

 

kale wadankooda ayey bilaabeen inay u dalxiiis tagaan waqtiyada summerka.

 

.

 

 

Al-Miskiin;738792 wrote:
Ma Islaamiyiinta dartii buu sucuudigu daba Dhi-lif u

 

yahay? Ma islaamiyiinta shalay timid bay dawladda soomaaliya sidaas ahayd for

 

the last 20 years

 

 

xaqiiqdii Somalia siiba koonfurta Somalia 20kii sano ugu ugu danbeeyey haddii

 

an ka bilaawno waqtigii warlordska iyo waqtigii dawladihii cabdiqaasim salaad,

 

cali mahdi iyo xitaa aydiid waa wixii ka horeeyey 2006 before nimankaa ugu

 

yeertid islaamiyiinta ay somalia koonfurteeda yimaadeen fidnadii ay dhaliyeen

 

ayaa million jeer ka foolxumeeyd midii jirtay waqtiyadii hogaamiye kooxeedyadii.

 

aniga waxaan ahay nin reer koonfureed ah waxaa ku dhashey Baydhabo

 

waxaan ka soo jeeda beelaha degga bay and bakool. laakiin xamar ayaan ku

 

soo koray of course kama mid aheeyd wixii xamar loogu yeeri jiray beelaha

 

hubeysan,

 

walaahi waa magaca allah xamar waxaan ka soo tagay 2002 xiligaas

 

waxaa madaxweyne ahaa cabdiqaasim salaad xasan , magaalada mogadishu

 

iyo my home town baydhabo oo waqtigaa ay maamulayeen RRA walaahi dhibka

 

maanta ka jiraa iyo 2002 markaan jooogay ka jiro waxay kala yihin cirka iyo

 

dhulka. mogadishu xiligaa jaamacado iskuulo ardeyda ka qalin jabisa deeqo

 

waxbaro loogu diro wadamada dibada ayey laheeyd. xamar dagaaalkeedu

 

wxuuu ahaa adigoo xaafada boondheere jooga ayaad galabtii BBC ka

 

maqleysaa xamar dagaal degamada kaaraan ku dhex maray MUUSE SUUDI

 

YALAXOOW IYO CUMAR FINISH walaahi waa adigoon xitaa xabad aadan

 

maqal, waayo dagaalka qabqablayaasha wuxuu ahaa dagaaal socda saacad

 

wax ka yar, xamarna qof is ogaayd ma laheeyn, bbc uun baan ka maqli jirnay

 

dagaal, dhinaca kale waxaa jirtay degmooyinka ay maamulaan hogaamiye

 

kooxeedyada meelaha laga galo inay isbaaro ooli jirtay isbaaradaas waxaa

 

normal aheeyd inay gawaarida lacago ka qaataan, marmarna dadka socda

 

inkastoo aad u yareeyd.

waa ay dhici jirtay in moryaaan qof uu dilo, laakiin

 

waligeed soomalida kuma riyooon xitaa foolxumada hadda jirtaa in DIINTA

 

lagaa saaro takfiirin ka dibna qoorta MIDI aan af laheeyd lagaaga jiro. acuudu

 

bilaahi.

 

Bay and bakool waxaa maamulayey xiliggaa RRA waxayna aheeyd dhul nabad

 

ah kama jirin wax dhibaato ah, hay'adaha gargaarka ee al shabaab dadka ka

 

xayireen ee cuno qabateeynta ku soo rogeen waqtigii RRA waa ay shaqeeyn

 

jireeen oo ma aysan jirin famine starvation kumayaal kun ay ku geeriyoodeen oo

 

ay sababeen al shabaab.

 

marka nimankan islaamiyiinta aad ugu yeerto waxay noqdeen KA DAROOW

 

DIBI DHAL. somalia waxay ka dhigeen HELL on the earth.

 

 

 

Kalashnikov ma taqaanid sida loo sameeyo maaha a reason for not to

 

defend our muslim countries

. yes waa reason xaqiiqdii first horta sameeyso qoriga aad ku dagaalameysid, ilaheey caqli uu gaalka siiyey mid la mid ah ayuu ku siiyey maxaa kuu diiday inaad sameeysato warplanes, submarinessatellite guided weapons, ama waxaad dooneysaa wiil yaroo BOMB isku soo xidhay hoteel shaamoow inuu soo dhex fadhiistay isku dhex qarxiyo hes fellow somali muslims isagoo mooda inuu jihaadayo? ama a bakistani person bomb caloosha uga xidhan masaajid soo dhex galo isku qarxiya sababtuna masaajidka waa suufiyiin ama dadkiina takfiirinta xalaaleystay dadka gaaleysaan(mushrikiin), ma dagaal noocaas ah ayaad dooneysaa.

 

falastiin, ciraaq,

 

afqaanistaan, kashmiir, chechniya

eeg wadamadaas aad soo dhoobtay waxaa ka horeeya your own country Somalia. waxaan hubaa million jeer inay na dhaamaan nolosha ay ku nool yihiin dadka deggan wadamadaas, atlist kama jirto famine and starvation waxa ka jira wadankeenii Somalia.

 

eeg xitaa sidaan hore kuu iri CIRAAQ waa nabad alxamdulilaah 90%

chechtnia waa nabad buuxda waad aragtay caasimada GRODZNY sida loo dhisay quruxdeeda, chechtniana waxaa maamula muslimiin madaxeyne khadirov, wuxuu caasimada ka dhisay masaajid ka mid ah masaajiada dunida ugu weeyn.

 

http://en.rian.ru/images/16067/27/160672713.jpg

waa kan madaxweyne khadirov iyo madaxweyne falastiin ku tukanaya masjidkaas maasha allah

http://www.zimbio.com/pictures/u2PLWYhMcwK/Palestinian+President+Mahmoud+Abbas+Visits

maasha allah i wish caasimadeena muqdisho inay sidaa u ekaato.

 

ra'yigaada lagu noolaan lahaana,

 

yuhuuda mar horay falastiin baa'bi'in lahayd.

 

Marka Alxamdulillah, Allahu mawlana walaa mawla lahum.

 

 

8. Waxaad kaloo

 

tidhi:

 

 

 

Akhi xoogaa adoo iga raali ah arintaasi "waa dream" aan base ku lahayn

 

aduunka hadeer aynu ku noolnahay.

The first step to compete with anyone is

 

marka hore inaad is xoraysid.

Adoo isticmaar(guumaysi) Wada hadal iyo "na

 

daaya" waynu aragnay inaynan shaqaynaynin e. Bal fiiri Falastiin hadeer, maxaa

 

xal u ah hallkaas?

Soomaaliyana maxaa xal u ah?

 

Akhi mana rabo jawaab ah

 

"nabadda ha lagu dadaalo", waayo taas dadkoo dhan baa u socda. Bal plan ma

 

haysaa? aan ahayn iska hadal, iyo shirar bilaa micne ah.

 

Ma waxaad

 

aaminsantahay wadamada muslimiintu maanta siday xukaamtoodu yihiin baad

 

ku qanacsantahay? Oo waxba naga maqna baad leedahay, Alaylahe

 

"islaamiyiinta oo na dhibay mooyee", ma sidaas baan hadalkaaga u fahmayaa?

 

Yahuuda waxay heeysataa enough nuclear arsenal oo ay awoodo iska dhaaf falastiin inay wadamada carabta oo dhan dhulka ay la sinto oo ay dambas ka dhigto. yahuuda isreal falastiiniyiinta dhulkooda ayey doonayaan. xaqiiqdiina halgamayaashii PLO waa ay soo halgameen dagaal fiican oo guulo laga soo hoyey laakiin nimanka suicide bombers waxa kaliya ay so hoyeen waa inay yahuuda more palastinian land inay soo qaadato.

Dunidan oo dhan muslim iyo gaalo baddan waxay aamisan yihiin isreal inay 1967 borderkeedii soon or later ay ku noqoto, laakiin anaga soomaali waxa kaliya na saaran waa maaha falastiin ee waa wadankeenii SOMALIA.

falastiin waxaan wax u tari karnaa STRONG somalia hadii ay jirto.

waxa ugu horeeya somaalida waajib ku ah waa soo celintii qaranimadii somalia, calanka buluuga inaan xuduudaheena sugno, dadkeena shaqo u abuurno, baasaboorkeenii sharaftisii soo noqdo, wadan dunidan ka mid ah noqono.

 

 

last waxaa tiri SOMALIA waxaa laga maamulaa ethiopia??

 

sxb nimankiina qaranimada somalia iyo calanka buluuga ee dhiiga loo soo daadiyey dadka ka soo horjeedawaad la socotaa waa al shabaab ama waxaad ugu yeerto(islamist) waxaa yaab leh sababta ay isaga dhigaan nationalist neceb axmaarada? waa arin cajiib ah. ethiopia waxay inoo jirtaa masaafo aad u dhaw nimanka jihaad doonka ee somalia jooga meey aadaan kililka shanaad ama somali galbeed oo ay la dagaalamaan somalida ethiopia ka mid ah.

 

halka xamar oo hal askari ethiopian ah aan joogin maalin waliba dadka lagu xasuuqayo,, halka baydhabo bay and bakool hal askari ethiopian ah joogin dadka mucaawinadii loo diiday kumayaal hoyooyin caruur ah ay dhimanayaan waa yaab xaqiiqdii.

 

ethiopian ma joogo somalia, waa isaga baxeen alxamdulilaah waxaana wadanka ka saaray soomali .

xitaa al shabaab kama aysan qeyb qaadan dagaalkii ethiopianka lagula dagaalamayey. dhamaan magaalooyinka maanta al shabaab heeystaan SOOMAALI kale ayey ka qabsaden. marka sxb qof calanka buluuga neceb bal maxay dhaantaa ethiopian. qof qaranimada somalia ka soo horjeeda diidan somalia inay waligeed dawlad noqoto bal muxuu dhaamaa ethiopian qofkaas?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Miskiin;738792 wrote:
Halkan baad qaladka ugu wayn ku gashay akhil xabiib. Aayada sidaan u fasiray horta marka hore hawadayda maynan ka iman, wallahu yuxibu Al-saadiqiin.

 

Marka koobaad: Waxaad tidhi waxaa laga wadaa "abuuritaanka cunfiga/dagaalka/ dawlad la,aanta"

Waana qalad akhi. Mufasiriinta kutubtooda bal fiiri, iyo waxay aayadan ku fasireen. Tusaale ahaan hadaynu eegno mufasirka wayn ee caanka ah Ibn kathir jumlada أَشَدُّ مِنَ القَتلِ wuxuu ku fasiray waa "Al fitna" inay tahay "shirk(gaalnimo).

 

Marka yacni: Gaalnimadaa ka daran "dagaalka/dilka"! Bal adigu u'r self fiiri suratul baqarah aayada 191 wuxuu mufasirku ka yidhi. Mida kale aayadu waxayba ku soo dagtay dagaal ay saxaabo galeen wakhti aan la dagaalami jirin. Markaa quraysh baa tidhi "ala bal fiiriya saxaabadi Muxamed, xataa bilihii aan la dagaalami jirn bay dhiig daadiyeen" markaas bay aayadu soo dagtay.

?

kalmada ALFITNA waa carabiga aad u sahlan micnaheeduna waa alfitna=FIDNADA , afka carabiga kalmada mushrik ama kufr=gaalnimo kuma qorna aayada.

 

xadiiska nabiga scw kaasoo isticmaalaha isla kalmada quraanka ku jira ee al fitnatun" prophet scw said , AL FITNATU NAAIMATUN NACLATALLAAH MAN AYQADAHAA

 

bal micnaha fitnadan iyo mida quraanka sidee ay u kala duwanaan karaan? qofkii badana eraygaas alfidnatu ee ku badala AL KUFR gaalnimo) waa qof doonaya quraanka inuu wax ku darsado, sidii bibelka kirishtaanka loo corrupt gareeyey u badala quraanka.

 

quraanka fasiraadiisa waxyi cirka ka soo dagay maaha. ibn khatir ama yusuf ali ama qof waliba quraanka fasirta fasiraadeeda maaaha waxyi cirka allah uga soo dajiyey waa rayigiisa siduu la ahaa, rayigiisa shaqsiyanka ah.

 

aayada fasiraadeeda waa sida ay u qoran tahay. FIDNADA KA DARAN DILKA. haddii aad eraygii FITNA ku badashid KUFR(GAALNIMO) waa wax iska cad ee ah quraanka inaad wax ku darsaneyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As-salamu Alaikum akhi

 

aad baan u kala fikrad duwanahay xaqiiqdii. anigu sida aamisanahay fidnada ka jirtaa Somalia, afghanistaan iyo

 

fidnadaas waxaa inta baddan ka masuul ah(fitno walayaasha sida taliban al shabab, alqaida ciraaq nimankii algeria ka dagaalami jiray ee laga guuleystay, nimankaas islaamka ceebeeyey waxay ka siman yihiin sida suicide bombers waa from PAKISTAAN , ciraaq, somalia, algeria. chechtnia

dhib maleh, waynu ku kala fakar duwanaan karnaan. Anigu waxaan aaminsanahay fitnada ugu wayni inay tahay Madaxda daba-dhi--lifka ah iyo reer galbeedka wadamadeena faraha kula jira & Calooshood u shaqaystayaasha wadamada muslimiinta gaalo iyo shayaadiin u soo hogaamiyey. Maalin maalmaha ka mid ahna, Allah baa ciqaabi, ciqaab cibro noqota.

 

 

Waxaad tidhi dagaakii ciraaq waa la badaloo "jihaadistayaal baa boobay dagaalkii"! nin allah ninkii rabaa inuu Ciraaq aadoo ku caawiyo walaaladii halkaas jooga waa loo ogalyahay, muslimiintu wadamadaado ma kala xigaan.

 

. yes waa reason xaqiiqdii first horta sameeyso qoriga aad ku dagaalameysid, ilaheey caqli uu gaalka siiyey mid la mid ah ayuu ku siiyey maxaa kuu diiday inaad sameeysato warplanes, submarinessatellite guided weapons, ama waxaad dooneysaa wiil yaroo BOMB isku soo xidhay hoteel shaamoow inuu soo dhex fadhiistay isku dhex qarxiyo hes fellow somali muslims isagoo mooda inuu jihaadayo? ama a bakistani person bomb caloosha uga xidhan masaajid soo dhex galo isku qarxiya sababtuna masaajidka waa suufiyiin ama dadkiina takfiirinta xalaaleystay dadka gaaleysaan(mushrikiin), ma dagaal noocaas ah ayaad dooneysaa.

aniga runtii aad baynu u kala fakar duwanahay. Aniga hadii gurgayga la ii soo galo, sida wadamada muslimiinta badan. Hub samayso iyo warshado samee uma dhaqaaqi lahayn e, inaan waxaan karo sameeyo uun buu Allah i faray. Warshadada aad ka hadlaysid iyo hubabka waawayn intaad samaynaysid, cadawgu miyuu ku sugayaa?

 

Ayadoo dadkaadii la laynayo, oo gabdhahaadii daafaha aduunka lagu kufsanayo baad leedahay mayee aynu sugnoo warshado samayno. Allah wuxuu yidhi "wa a3idu lahum mastada3tum minquwah"! Marka qofku marba intuu karo uun buu isku difaaco, waa Jihad dafc waxa la dhaho. Waa nin gurgiisa loogu soo galay iyo hawlihiisa.

 

eeg wadamadaas aad soo dhoobtay waxaa ka horeeya your own country Somalia. waxaan hubaa million jeer inay na dhaamaan nolosha ay ku nool yihiin dadka deggan wadamadaas, atlist kama jirto famine and starvation waxa ka jira wadankeenii Somalia.

fiiri walaal, waxaynu ka hadlaynay muslims in general waxaas baan tusaale u soo qaatay wadamadaas. Mida labaad, anigu waxaan aaminsahay walaalahay muslimiinta ahi meel kastay joogaan inaan qalbiga ka jeclahay, markay dhibaatoobaana la dhibanahay. Soomaali iyo kuwo kaleba. Marka maaha inaan soomaalidu yaraysanayo, ileen anaaba ka imid e.

 

eeg xitaa sidaan hore kuu iri CIRAAQ waa nabad alxamdulilaah 90%

Waa sidaan horay u idhi akhi, adigu ma rabtid waaqica muslimiinta inay wax iska badasho, kaliya uun in "wahaabiyo" cagta la mariyaa kuu diran.

Bal Ciraaqda aad ku sheegaysid 90 % safe, maaha miyaa ta la haystee, intaas oo boqolaal kun oo masaakiin ah la dilay, oo marakaykanku iyo xulafadiisu xasuuqeen?

 

Mise kuligood Islaamiyiin baa dishay? NInyhaow wararka aad cnn iyo warbaahinta gaalada ka maqashid ha rumaysan. Walaalada gaalaa laysay, oo si kasta u geshay, dumarkii kufsatay, raggiina xabsiyada ka buuxisay.

laakiin adigu ninkii "wahaabi" lagu sheegaba, meeshii doono ha lagala dhaco.

 

Ogow laakiin, Gaalo adiga iyo "wahaabiga bowdyo gaabka ah" idinma kala saari doonto. Waxaaba laga yaaba inay adigu ku hor mariso.

 

 

Yahuuda waxay heeysataa enough nuclear arsenal oo ay awoodo iska dhaaf falastiin inay wadamada carabta oo dhan dhulka ay la sinto oo ay dambas ka dhigto. yahuuda isreal falastiiniyiinta dhulkooda ayey doonayaan. xaqiiqdiina halgamayaashii PLO waa ay soo halgameen dagaal fiican oo guulo laga soo hoyey laakiin nimanka suicide bombers waxa kaliya ay so hoyeen waa inay yahuuda more palastinian land inay soo qaadato.

Akhi waa sidaan sheegay mar hore. Waxaad la dhacsantahay gaalada hubkooda iyo awoodooda, intaas baa muslimiin badan indha tirtay. Sidaa daraadeed bay paralised u noqdeen, oo ay farna qaadi waayeen. Wadamadeenii oo dhana Dictators iyo gaalo kuwo u shaqeeya uun baa haystay ilaa mar dhawayd. Hadeerna wali iska sidii.

 

Marka yuhuuda ha haysato nuclear weapoen ama yaysan haysan, muslimiintu marnaba ma ogala in Masjid al aqsa la sii haysto

 

The little resistens ay muslimiinta falastiin wadeena waxaad rabtaa inaad joojisid oo damisid. Hadhow ma adaa u gurman? Allah bay dadkani caabudaan, inay dhintaana baa ka fiican intay guumaysi yuhuud ku noolaan lahaayeen. Waayo haday ayagoo wadankooda xoraynaya dhintaan waa shuhadaa, qiimaheedna la wada ogyahay.

 

Is dhiibid an option maaha akhi, ee wax kale keen, another way.

 

 

 

Mida kale waxaad la dhacsan tahoo kale, guryo iyo masaajid waawayn. Akhi in wadanka la dhiso waxaa ka horaysa marka hore inaad xor tahay, to think as u want, to do as u want, and to gover as u want. Somalia malaha intaas.

 

 

Adigu akhi ma waxaad iska rabtaa dawlad, waxay doonto iyo siday doonto ha ahaatee? Sidaasi waa munhazimnimo, iyo niyad jab xun oo kugu dhacay. Bal hamigaada kor u yara qaad.

 

last waxaa tiri SOMALIA waxaa laga maamulaa ethiopia??

Ma beentay baa akhi? Sax maaha miyaa?

 

Mideeda kale, waxyaabo badan baad isku dhex qastay, Is qarxin, caruur la laayo, argagixiso - waxaas oo dhan anigu waan ka soo horjeedaa. Laakiin maaha waxaynu halkan doodayno, bal yaynaan dooda wareerin.

 

 

ugu damayn:

 

kalmada ALFITNA waa carabiga aad u sahlan micnaheeduna waa alfitna=FIDNADA , afka carabiga kalmada mushrik ama kufr=gaalnimo kuma qorna aayada.

 

quraanka fasiraadiisa waxyi cirka ka soo dagay maaha. ibn khatir ama yusuf ali ama qof waliba quraanka fasirta fasiraadeeda maaaha waxyi cirka allah uga soo dajiyey waa rayigiisa siduu la ahaa, rayigiisa shaqsiyanka ah.

Akhi aad baad halkan u qaldantahay. Culimadii salafku kuli way isku raacsanyihiin in kalmadaas laga wado "shirk wal kufr"! Bal kutubta tafsiirka fiiri.

 

Adigu u'r own opinion baad meesha soo dhigtay sxb. waxaas wax soconaya maaha. Culimadda aad leedahay waxay ka hadleen rayigooda, maaha sidaad mooday. Waxaa weeye qaarkood ardaydii saxaabada. aayaduna waxay ku soo dagtay saxaabadoo dagaal gashay wakhti aan dagaal lagu ogaan jirin.

 

Bal adigu xagaad ka keentay sidaas u fasiratay? Mida kale, qofkee ku yidhi "Al fitna" inay tahay dawlad la'aan? daliil bal keen, hadalkan yaa kaaga horeeyey. Tafsiirka quraanku maaha qofku wuxuu iska fasirto, waa sidaas daraadeed waxa kutub waawayn mufasiriintu u qortay. Ilaa wakhtigii saxaabada ilaa hadeer waa inuu noqdo cilmi sidaas isugu taxan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

kalmada AL FITNA aniga iyo adigaba waan ognahay insan micnaheedu aheeyn shirk ama kufr ama af soomaali(gaalnimo)

DHAMAAN culmada islaamka from indonsia ilaa turkey waxay ku macneeyeen aayadan sida ay tahay xaqiiqiyan ee AH

وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ = wal-fitnatun= fitnada way ka xuntay dilka. halkan ka akhri

http://quran.com/2/191

 

 

waxaa laga yaabaa adiga waxaad ugu yeertaan salafi oo ah sheekhyo carab asaliyan kana so jeeda bariga dhexe. kuwaa kaliya inaad u ictiraafsan tahay inay quraanka fasiri karaan kaliya, oo aadan aqoonsaneeyd masalan sheekh TURKI ama INDONISHIAN ama maleeshiyaan bakistaan ah inuu fasiri karo quraanka.

 

waad aragtaa ALFIDNA kalmadaas waa kalmad carabi easy ah, shaqana kuma laha mushrik iyo gaalnimo.

 

alfidna waa dad rabshada kiciya fidnada kiciya ,haku kiciyaan af ahaan ama ficil ahaanba. masalan qofkii maskaxda BRAINWASH ku sameeyey inuu wiil yar Denmark ka yimid uu hoteel shaamoow dad walaalihiis soomali ah muslimiin inuu isku qarxiyey xasuuqay macalimiin iyo arday isagoo aamisan janada inuu ku galayo xasuuqooda, nimankii wiilkaa ALFIDNADA baray ee maskaxdiisa badalay QATAL wax ka daran ayey sameeyeen fidna ee ah inay xasuuqaan dad aan waxba galabsan.

 

sxb hana oran kuwaa waxba igama galin. waa ay kaa galeen waayo bugaagta wahaabiyada(salafiyada) ee aad adiga sidii waxyi samada ka soo tageen inay tahay oo kale aad aamisan tahay ayey akhristeen. waxaad tihiin isku man-haj. dadka dawladaha iyo shacuubta islaamiga fitnada iyo xasuuqa ka wada , xitaa xasuuuq ka xun midka mareykanka iyo yahuuda.

 

masalan sanadkan 2011 lixdii bilood ugu horeeysay AFGHANISTAN waxaa ku geeriyooday 1500 civilians ah. 85% of those who died was killed by SUICIDE BOMBERS from taliban(wahaabis) and 15% from ciidamada mareykanka ugu weeyn yahay.

 

waa kaa fitnadu inay tahay wax aad u xun. bal muxuu faaiideeyey nin bomb isku qarxiyey wado laami dhexdeeda kaasoo dilay 30 civilians ah laga yaabee inuu diley 5 askari reer galbeed meesha taagan, laakin wuxuu sii qilaaftay 30 muslimiin ah?

 

haddii ay quraanka siduu yahay iyadoon la BADALIN ama wax aan lagu darsan u micneeysan lahaayeen kuma kaceen falxaa waxuushnimada ah. ama SUICIDE BOMBERS dunidan kama jireen. hadii ay aayadaa وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ sida ay u qoran tahay iyadoon ERAYO Cusub lagu darsan ay ugu dhaqmi lahaayeen fidno abuurida waa ay ka leexan lahaayeen, takfiirinta dad ashahaadanaya waa ay ka leexan lahaayeen.

 

cadeeynta aan haayo aniga mufasiriinta aan quraanka waxba ku darsan ee aan isticmaalo waxaa ka mid ah yusuf cali from bakistan allah ya raxma. mukhtar maxamadi from turkey. shakur khan from hindia iyo kuwo kale aad u baddan allaha khayr wada siiyee.

 

waxaadna xasuusataa tafsiirka maaha waxyi allah dhinaciisa ka soo dagay dadkaasna waajib maaha inaad raacdo, kaba sii daranee nin aad u jeedo kalmadii allah FIDNATU u badalay gaaal ama kufr. xaqiiqdii waa nimankaa dhibka ka wada wadamada islaamka waa og yihiin in aayadan وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ ay iyagu qabaneyso sidaa darteed micnihii ayeyba badaleen oo waxay u badaleen SHIRKI ayaa laga wadaa fidnada. waa cajiib waxaaba quraankii laga dhigay AL HAWAA, in qofku hawadiisa raaco oo been abuur cad sameeyo. wax aan meesha ku qorneeyna lagu darsado

Share this post


Link to post
Share on other sites

kalmada AL FITNA aniga iyo adigaba waan ognahay insan micnaheedu aheeyn shirk ama kufr ama af soomaali(gaalnimo)

DHAMAAN culmada islaamka from indonsia ilaa turkey waxay ku macneeyeen aayadan sida ay tahay xaqiiqiyan ee AH

وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ = wal-fitnatun= fitnada way ka xuntay dilka. halkan ka akhri

Akhil waan ku baryayaa waxaadan cilmi u lahayn ha ka hadlin, wallahi naseexay iga tahay iyo khayr aan kula rabo.

 

Akhil xabiib, kalmadda "fitna" ee aayada ku jirtaa, Salafkii ummaddan baa fasiray. Salaf waa dadkii noolaa sadexdii qarni ee ugu horeeye. Markaa ayagaa naga cilmi badnaa, luuqada carabiga ahna naga yaqaanay.

 

Adigu waxaad u malaynaysaa kalmadda fitno inay iska tahay "dawlad darro iyo buuq"! Akhi Kalmadda fitno waxyaabo badan baa loo isticmaali karaa.

 

Fitno marka hore luuqad ahaan waa "rabsho" oo kale. Ama dadka in la fasahaadiyo.

 

Hadaan qaylo bilaaboo dad badan kala cararariyo waxaa la dhihi karaa "fitnuu bilaabay"!

Hadaan dad badan laayo "fitnaa la odhan karaa"!

Hadaan dadka kufr iyo qudhun u keeno "waa fitno"

 

Markaa bal marka hore fahan in kalmadda fitno waxyaabo badan ay noqon karto.

 

Marka labaad, mid baad qalad u fahantay. Kalmadda "fitna" it self lagama wado "gaalnimo", laakiin anigu waxaan ku leeyahay "contextka" ay aayadu ku soo dagtay markaas waxaa laga waday "fitnada gaalnimada ah" . Yacni kufr baa markaas laga hadlayey.

 

Waayo kufr xataa waa fitno.

 

Waxaad kaloo qalad u fahantay akhi, culimadda aan soo daliishanayo Wahaabiyo iyo waxaad tidhi waa ragg carab kaliya ah. Akhil xabiib, marka hore culimadda ummadda ee boqolaal sano ka hore dhintay ha ku xadgudbin. Waxaad wahaabiyo u taqaanid maysan ahayn.

 

Ibn Kathir waa mufasiriinta ummadda kuwooda ugu waawayn, Imam Qurtubi sidoo kale. Jalaalynka sido kale. Tabari sidoo kale.

 

Kuligood waxay noolaayaan boqolaal sano ka hor, wahaabiyo waxa la dhahaa maysan jirin.

 

Quraanka adigu intaad iska eegtid iskama fasiran kartid akhi.

 

Tusaale. homepage-ka aad soo qortay http://quran.com/2/191 bal waxaa tabataa Tafsir Jalalayn wuxuu aayadan ka leeyahay: Fiiri halkan bal: http://quran.com/2/191

 

Carabiga ku qoran fiiri bal tafsiirka hoostiisa, waxaa ku qoran sidan: { والفتنة } الشرك منهم { أشد } أعظم { من القتل }

 

Marka akhi homepage-ka aad daliil u keentay xataa siday culimadu qabeen uun baa ku qoran. Mise tafsiirkaasna Wahaabiyaa qortay? Reer Ahlu Masar buuna ahaa.

 

Wali hal tafsiir iimaadan keenin oo ay culimadii hore qortay oo kalmada "fitna" ee aayadan ku jirtaa laga wado "dawlad la'aan, iyo namaad darro"! Kuli waxay dhaheen waa in this context waxaa laga wadaa "shirk".

 

Ugu damyan i fahan akhi, tafsiirka aayada waxaa sidaas yidhi Saxaabadii rasuulka, sida Cikrimah, Al-xasan(cali bin abi dalib wiilkiisii), Qatadah etc. Marka Allah ka cabsoo ha dhihin wahaabiyey ahaayeen, hawadooday ka hadleen.

 

 

Waxaad ku sii dartay:

 

cadeeynta aan haayo aniga mufasiriinta aan quraanka waxba ku darsan ee aan isticmaalo waxaa ka mid ah yusuf cali from bakistan allah ya raxma. mukhtar maxamadi from turkey. shakur khan from hindia iyo kuwo kale aad u baddan allaha khayr wada siiyee.

Dadkaas aad soo tirisay akhi waa dad mar dhawayd noola oo wakhti aan fogayn dhintay sida Yusuf ali(1953). Markaa ma waxaad leedahay ayagaa saxaabadii nabiga(salallahu alayhi wasalam) ka cilmi badnaa.

Waxaan kaloo leeyahay culimadda aad soo tirisay sida Yusuf waxay sameeyeen uun inuu quraanka ku fasiray English.

Ogowna waxaa jira wax la dhaho "Sharax" waa taas ta ay culimadii hore samayn jireen. Waayo hadaad eegtid waxa ku qoran tafsiirka Yusuf waa "fitnah" uun, muusan sheegin waxa laga wado "fitnah"! Ma fitnah reer gubtay, ma fitna reer kala tagay, ma fitna gabadh la kufsday baa. Waa fitnadee fitnada aayadu ay ka hadlayso.

 

Waa taas ta ay Saxaabadii rasuulku noo sharaxeen. Oo ay tahay IN THIS CONTEXT "fitnada shirk, gaalnimada".

 

sidoo kale waxan leeyahay, hadii la waydiin lahaa culimadda Yusuf iyo la midkiis, waxa laga wado fidnada aayadan ku jirta, waxay dhihi lahaayeen with out no doubt siday saxaabadu dhaheen uun.

 

Bal Insha Allah waxaan Allah ka rajaynayaa inaad i fahantay, aayadana si fiican u fahantay. Haday sidaas noqon waydo, bal Masjidka ugu horeeya tag oo waydii mufasiriintu maxay ka dhaheen aayada وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ, oo bal waydii dadka ehlul cilmiga ah ee joogaa meeshaas.

 

 

waxaadna xasuusataa tafsiirka maaha waxyi allah dhinaciisa ka soo dagay dadkaasna waajib maaha inaad raacdo, kaba sii daranee nin aad u jeedo kalmadii allah FIDNATU u badalay gaaal ama kufr.

Quraanka aayado badan baa jira oo aanan toos loo fahmi karin hadii aanan la helin saxaabadu waxay ku fasirtay. Markaa in la raaco salafkana waa wajib ina saaran, waayo ayagaa nabiga la noolaa, ayagaana diintay na soo gaadhsiiyey.

 

Dooda inteeda kale, dacaayad iyo waxyaalo aan loo joogin bay noqotay, aayadaas qaladka aad ka gashay uun baa i xiijisay, marka Akhil xabiib hadaadan cilmi u lahayn aayadan akhil karim ka gaabsoo, halkaas kaga hadh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ibn kathir wuxuu noolaa qiyaastiii 600 sano waqtigii quraanka uu samada ka soo tagay ama waqtigii uu noolaa rasuulka scw. ibn kathir iyo sheekhyada qoray TAFSIIRUL jalalayl dhamaantood ma aysan nooleeyn 3 dii qarni ee ugu horeeyey ee islaamka.

 

IBN kathir wuxuu dhashey 1301–1373 miilaadiyada waa qiyastiii 600 iyo xoogaa sano waqtigii rasuulka scw noolaa.

 

buuga tafsiirka jalalayl ee sidii waxyi samada ka soo tagay aad u soo daliishateyna waxaa qoray laba nin oo macalin iyo ardeygisii ahaa labadooda oo isku magac ahaa lana kala oran jiray Jalal ad-Din al-Mahalli in dhasheyna sanadkii 1459 miilaadiyada iyo ardeygisii Jalal ad-Din as-Suyuti labaa sheekh allaha u naxariistee waxay noolaayeen 800 sano ka dib waqtigii rasuulka scw uu noolaa.

 

marka waad aragtaa tafsiirka aad soo daliishatey waxba ma dhaamo midkii aan aniga kuu soo qoray ee yusuf ali 1950skii waayo dhamaan dadkaa tafsiirka sameeyey ma aysan nooleeyn 3dii qarxi ee diinteena ugu horeeysay.

 

 

marka tafsiirul jalalayl maaha waxyi cirka ka soo tagay waayo waxaa qorey sheekhyo noolaa waqti aan sidaa u soo fogeeyn haba yaraatee wax ay kaga duwan yihiina ma jirto sheekh nool 2011 tafsiir quraan ee uu tafsiiro isagoo adeegsanaya aqoontiisa shaqsi ee ilaaheey siiyey. waayo tafsiir sidiisaba maaha waxyi samada ka soo dagay.

 

taa igama aha jees jees aan ku jees jeesayo sheekhyada tafsiira quraanka, laakiin waxaan aniga shaqsiyan ka soo horjeedaa quraanka in wax lagu darsado. FITNA sida aad adiga sheegtay carabi ahaan waa rabshada, cunfiga, abuuritaanka dagaalka, laakiin haddii aad la timaado kalmado aan ku jirin aayada sida jalalayka sheekhyadii qoray aniga shaqsiyan markaa waxaa raacayaa yusuf ali ama shiikhyada kale ee u tafsiira quraanka siduu yahay iyagoon waxba ku darsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Akhi kuma odhan in Ibn kathir, qurtubi, iyo Jalaludin noolaayeen qarniyadii ugu horeeyey(the first three).

 

Laakiin waxaan ku leeyahay bal fiiri Ibn kathiir, dadkuu ka soo wariyey tafsiirka ah Al fitna inay tahay in that context "shirk" sanad sax ah oo ilaa saxaabadii socda.

 

Waxaa ku qoran kitaabkiisa:

 

Abu Al-`Aliyah, Mujahid, Sa`id bin Jubayr, `Ikrimah, Al-Hasan, Qatadah, Ad-Dahhak and Ar-Rabi` bin Anas said that what Allah said [translation of the meaning]:

 

((And Al-Fitnah is worse than killing.))

 

"Shirk (polytheism) is worse than killing.''

 

dadkaas magacyadooda la tirinayo waa sanadka xadiithka, intooda dambena waa wada asxaab. Markaa sidaas u fahan.

 

Waa sida axaadiith-ta Bukhari iyo muslim ku qoran loo soo wariyo, qofba qof kaluu afkiisa ka maqlay, ilaa ay Ibn kathir soo gaadhay.

 

Marka labaad, Culimadii noolayd wakhtigii Ibn kathir iyo culimada maanta nooli akhi wax badan bay ku kala duwan yihiin. Waayo culimadaas hore waxay ahaayeen dadkii cilmigan maanta aynu haynee kutubta ka buuxa uruuriyo, sida axaadiith-ta, kutubta tafsiirka, fiqhiga, caqiidada. Culimada maanta nooli waxay ku soo celisaa uun kutubtaas wixii ku qornaa bay dib u habaysaa inta badan. Laakiin wax kuma daraan.

 

Anigu waxaan ku leeyahay maba jiro qof Al fitna ku fasiray waxaad maanta ku fasirtay adigu. Walaa culimadii hore, iyo kuwa maanta noolba. Hadaad aniga i rumaysanayna akhi bal soo waydii culimadda nool ee aad ku kalsoontahay.

 

Mida labaad Yusuf sidaan horay u sheegay muusan tafsiirin waxa laga wado kalmadda "fitna", wuxuu yidhi uun "fitna"! kalmadda quraanka ku qoran uun buu ku soo celiyey, adigu xagee ka keentay inay tahay "cunfi, iyo rabsho, dhibaato" etc? Adaa intaa keenay akhi.

 

Ana waxaan ku leeyahay kalmadda fitno way noqon kartaa marar sidaad u fahantay, laakiin in this context waa "Al shirk" waana siday saxaabadu ku fasirtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ibn kathir quranka markuu fasirayo qaasatan aayadan ma uusan soo daliishan axaadiith. bal haduu uu soo daliishadey axaadiith bal axadiithka numberkiisa iyo chapterkiisa soo qor aan akhriyee axadiiska oranaya AL FIDNA waxaa laga wadaa SHIRK.

 

aniga waxaa kuu hayaa axadiiis isticmaalahaya isla kalmada(fitna) ee aayada ku qoran iyadoo sideeda ah axadiiskaas waa

rasuul scw said AL FITNATU NAAIMATUN NACLATALLAAH MAN AYQADAHAA .

 

aayada iyo axadiiska labadooduba alfitnatu iyo walfitnatu ayey isticmaaleeh kalmad isku mid ah. marka mid macnaheedu waa caabudida ilaahyo baddan(shirk) midna waa fitnada aan naqaano ee ah abuurista dagaalka rabshada cunfiga,isku dirka IWM.

 

waxaa macquul ma noqon karaan waa maya. aniga daliil inay aayadaa ka hadleyso FITNA WAXAAN heeystaa xadiiskan

AL FITNATU NAAIMATUN NACLATALLAAH MAN AYQADAHAA

 

bal tafsiirka jalaleyka aad soo qortay xadiiskii uu daliishadey in fitna laga wado shirk(gaalnimo) bal soo qor sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abu Al-'Aliyah, Ar-Rabi 'bin Anas waa mushaaikhdii bukhaari uu ka soo qoray ama ka soo wariyey axadiista bukhaariga. ogoowna ibn kathir ama qoraayasha jalalayl isku waqti ma aysan aheeyn bukhaari RA

bukhaari haddii ay jiraaan axadiis oranaya ALFIDNA aayadaa al baqara ku jirta waxaa loola jeedaaa gaalada(mushrikiin) waxay ku qornaan laheeyd SAHIH BUKHAARI BOOKS.

 

haddii ay sahih bukhari ku qoran tahay fasirka aayadaaas siiba kalmada fitna aayada dhexdeeda ku jirto pls soo qor sahih bukhaari numberka iyo chapterka ay ku qoran tahay xadiiskaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Akhi bal marlabaad akhri waxaan soo qoray. Kuma odhan axadiith buu isticmaalay Ibn kathir markuu aayada tafsiirayey, ee waxaan ku idhi wuxuu ka keenay tafsiirkan dadkii ka horeeyey, ayaguna waxay ka keeneen saxaabadii nabiga. Waa isla sida axaadiith-ta loo uruuriyoo kale. The only difference is waa tafsiir.

 

Taas miyaad dafiraysaa?

 

 

Dadkaas isku ag qoran khasab maaha inay kuli isku wakhti ahaadaan, midba mid buu ka soo wariyey. Markaa ka ugu dambeeyaa waa Ibn kathir, ka ugu horeeyee sidaas u fasirayna wuxuu ahaa saxaabadii nabiga, markaas saas u fahan.

 

Waliba aan kuu sii raaciyo aayada leh: حَتَّى لاَ تَكُونَ فِتْنَةٌ

 

Aayadan Ibn Cabbas oo ahaa saxaabigii asxaabta ugu cilmiga badnaa xaga tafsiirka quraanka wuxuu yidhi(isla Ibn kathir ka fiiri) waa:

 

(...until there is no more Fitnah) meaning, Shirk. This is the opinion of Ibn `Abbas, Abu Al-`Aliyah, Mujahid, Al-Hasan, Qatadah, Ar-Rabi`, Muqatil bin Hayyan, As-Suddi and Zayd bin Aslam.

Waxaan kaloo kuugu sii dari lahaa, xadiithkan Bukhari ku yaala, oo ka hadlaya isla aayada حَتَّى لاَ تَكُونَ فِتْنَةٌ

 

Volume 9, Book 88, Number 215:

 

 

Narrated Sa'id bin Jubair: 'Abdullah bin 'Umar came to us and we hoped that he would narrate to us a good Hadith. But before we asked him, a man got up and said to him, "O Abu 'Abdur-Rahman! Narrate to us about the battles during the time of the afflictions, as Allah says:-- 'And fight them until there is no more afflictions (i.e.
no more worshipping of others besides Allah
).'" (2.193) Ibn 'Umar said (to the man), "Do you know what is meant by afflictions? Let your mother bereave you! Muhammad used to fight against the pagans, for a Muslim was put to trial in his religion (The pagans will either kill him or chain him as a captive). His fighting was not like your fighting which is carried on for the sake of ruling."

Intaas oo dhan waxay tusaysaa in Al fitnah meeshan laga wado shirk, wal kufr.

 

Marka labaad, akhi hal ila fahan.

 

Khasab maaha kalmadda "Al fitnah" inay isku macne yeelato markasta. Marba waxa laga hadlayey ku xidhan tahay,

 

Hadaan dhaho "Gabadhaas fidnaa haysata", anoo ka wada in la kufsaday oo kale. Markaa ma waxaan ka wadaa "Gabadhaas dawlad la'aan baa haysata"?

 

Sidoo kale, "Al fitna" markay aayadaas khaaska ah ku jirto waxaa laga hadlayaa Shirk. waana sida ay mufasiriinta oodhani ku fasireen? Adigu halkan waxaad la soo taagantahay, Saxaabadii, Ibn kathir, jalalayn iyo mufasiriintii horee dhani way khaldameen, waxaan laga wadaa "Dawlad la'aan, rabsho, kalmadii bay badaleen"!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Naxar, mashallah you should practice more often..

 

anyways, anigu somaliga wan jeclahay wanaan ku dhereeya laakin pages and pages of af somali hadaan arko waan ku wareera lol..it takes lots of focus to read it!..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

fitna : sida mufasiriinta ku fasireen ayaada waa gaalnimo(shirki) , balse gaalnimadu waa fitno lagu suubiyo qofka wuxuu aaminsan yahay iyo iimaanka marka labada ra'yi ee walaal miskiin iyo boondheere waa isku meeshii . laakin maadaama eey aayada ku soo dagtay dhacdadii saxaabada ku suubiyeen ma ahan in daliilka aayada uu noqonayo gaalnima bas .

qaacidada fiqiga waxeey leedahay '' alcibratu bicumuumi lafdi ,laa bikhusuusi-sabab ''

hadaba hadii ayaadu eey eedeysay in qofka laga fidneeyo iimaankiisa ,ee uusan helin amaan uu ku caabudo rabigiisa ,sidaas oo kale waa la diiday in dadka amnigooda laga fidneeyo oo qalaaaso lagu kiciyo , si amnigooda nololeed loo carqala geliyo .

 

baaritaan aan waday maalmahan ayaan waxaan soo helay in arinka sadaxaad ee u dhaxeeyo in dowlada lala dagaalama ama iyo sideeda loo daba fadhiyo waa in aanan cadaalad suubinaa ee aanan qofna u eexan , cadaaladana waxey leedahay in qof walba danbigiisa lagu qaado , maslaxadahana midba mida ka weyn la qaato hadii eey is qabtaan .

 

wadamada qaar waxaa xalka ugu dhaw ee xaqa ah uu ku jiraa iney is difaacaan sida falastiin oo kale maadaama cadowga ka soo horjeeda uu yahay mid joogta ah oo waligiis inuu heysto rabo ,dhulkoodana maalin walba ka boobaya oo sii dhisanayo.

 

wadamada qaar sida soomaaliya waxaa dan ugu jirta in dagaalka lajoojiyo maadaama eeysan jirin cadow dhulka nugu heysto oo doonaya inuu naga qaato dalka , ama cadow xoog ku joogo wadanka oo shacabkoo dhan eey kasoo horjeedaan ama badan kooda eey kasoo hor jeedaan una arkaan gumeyste wadanka naga qaadan rabo , uuna joogo hal gobol ,magaca uu ku joogana eey tahay nabad ilaaliye .

 

in kastoo dadka soomaaliyeed dhamaantood isku raacsan yihiin in hadii heshiis la helo oo dowladu amnigeeda sugi karto la helo in amisom eey dhaqso isaga baxeyso ,hadii kale eey isu badaleyso israel kale taasoo keeneysa in shacabka dhan eey la dagaalaman, faaido weyn inaanan lagu qabin na waa la wada og yahay . balse wadada ugu fududu ee lagaga hortagi karo dhibaatooyin sii daba dheeraado waa in la heshiisiiyaa .

 

kasoo qaad hadii la yiraahdo waa inaan la dagaalanaa dowladan , dowladii wax kastooy isku difaaci karto suubiso ,shacabka badankiisana uu ka noqdo daawadayaal aanan dhana la jirin imisa sano ayuu soconayaa dagaalka ,ugu danbeytiina dhibka yuu udanbeyn sow shacabka ma ahan .

dadka loo cararaya in nabadi ku noolaadaan sow shacabka ma ahan , maxaa uroon shacabka waa amni iyo kala danbeyn , dagaalse soomali ma nabadeyn karaa . jawaabta waxaan filaa waa maya .

 

hadiise dowlada dagaalka laga daayo oo hal quwad leysla noqdo , Amisom maxaa u yaalo waa waxba wey iska laabaneysaa , maadaama dadka eey muslimiin yihiin 100% , dastuurka eey u codeynayaan wuxuu noqonayaa shareecada islaamka .

 

hadafka xarakooyinka islaamiga ee dalalka muslimiinta sow ma ahan in shareecada islaamka leysku dhaqo ,wadankana laga saaro gaalada .

hadaba wadadan oo fudud waxaan ku helaynaa hadaan soomaali nahay in aan heshiino , muslimiinta 100% wexey u codeyn shareecada , Amisom wey ka laaban . fidnada gaaleysiinta waxaa sababo fidnada amni darada mararka qaar sida ku dacday soomali ku gaaloowday qaxootiyaha kenya .lacag la,aan iyo amni daro darteed ayaa shacabkii u gaaloobayaan dunida dacaladeeda ,soo fidna waxaa noogu filan amni darada keentay gaalnimada .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this