Sign in to follow this  
NASSIR

The newly Somaliland appointed minister Dr. Mahamud Saeed Ga'mey injured en route to Dhahar

Recommended Posts

NASSIR   

Wasiirka Deegaanka iyo Hormarinta reer Miyiga ee Soomaaliland Prof. Maxamuud Siciid Gacamay oo shil gaari ku dhaawacmay

 

 

 

Dhahar (SPR)- Wasiirka Dalxiiska iyo Horumarinta Deganka ee Somaliland Mudane Maxamuud Siciid Madaxey (Gacamay) ayaa shil gaari ku dhaawacmay meel 170Km u jirta magaalada Ceerigaabo, xilli uu safar ugu soo jiray si uu usoo booqdo degmada Dhahar.

 

Wasiirka ayaa xaladiisa caafimaad haatan ay kasoo raynaysaa iyada oo dhaawacu ahaa mid kasoo gaaray madaxa, oo ay sababtay muraayada hore ee gaari oo dhaawacaasi ka danbaysay. Waxaana ku weheliyay dhaawaca wasiirka, dhaawacyada Darewalka iyo mid kamid ah ilaalada Wasiirka oo lagu magacaabo Carab Gurey Warsame.

 

Col. Caydiid Axmed Nuur oo ka mid ahaa wafidaga Wasiirka ayaa SPR uga warbixiyay sida uu shilka U dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Wafdigan ayaa ahaa mid aad usareeya oo loo soo diray gobolka Sanaag waxaana hogaaminayay Wasiirka Dhaawacmay Mudane Gacamay iyo Taliyaha ciidamada aaga Sanaag Col. Muuse Jaamac waxana ay safarkoodu maalinimadii shalay kasoo bilaabmay magaalada Ceerigaabo. Intuusana Wafdigu halkaasi kasoo ambabaxin waxaa uga waramay Safarkooda Mudane Maxamuud Siciid Gacamay oo u hadlay Sidan

 

 

Shil-27-7_2.jpg

 

374fef18d9a564adff2f3808d7fd487b_XL.jpg

 

Shil-27-7_6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thursday, July 28 2011 (SAWIRO) Wasiirka Deegaanka iyo Hormarinta reer Miyiga oo dib ugu noqdey maanta Ceerigaabo.

 

Dhahar (SPR): Waxaa galabnimadii doraad soo gaarey magaalada Dhahar isla markaana shil gaari galay meel u jirta magaalada 70 km wasiirka Deegaanka iyo Hormarinta reer Miyiga Dr. Maxamuud Siciid Gacmey, halkaasoo dhaawac uu ka soo gaarey madaxa, muraayadii gaariga oo dhaawac gaarsiisey.

 

Wasiirka ayaa waxaa shalay soo dhaweeyey ciidama gaaraya 500 oo ku sugnaa xero ku taala magaalada banaankeeda kuwaasoo soo dhaweynayay Dr. Maxamuud Siciid Gacmey ayaa waxaa durba usii gudbiyeen isbitaalka guud ee degmada Dhahar oo lagu dabiibey. Maxamuud Siciid ayaa waxaa la socdey Taliyaha Ciidamada S/land qeybta sedexaad Col. Muuse Jaamac Delef iyo taliyaha booliska gobolka Sanaag, Col. Ceydiid Axmed Nuur.

 

Dr. C/qaadir Ciise oo ay idaacada SPR xiriir la sameysay oo ah dhaqtarkii dawaynayay ayaa u sheegey in Wasiirka uu yahay dhaawaciisu mid fudud laakiin wuxuu sheegey in wasiirka loo baahanyahay in loo gudbiyo dhaqtarkiisa gaar ah. Mar aanu wasiirka ku booqanay gurigiisa ayaa idaacada u sheegey in uu ladanyahay laakiin uu u baahanyahay baaris caafimaad dheeri ah, islamarkaana Dhahari ay tahay magaaladiisa uu kusoo noqondoona. Wasiirka ayaa saaka shir albaabadu u xiranyihiin la galay qaarkamid ah wax garadka degmada sidoo kalena shir la qaatey ciidanka xerada S/L ee dhahar kaasoo sidoo kale albaabadu u xiranyihiin inta uusan ka ambabixin magaalada Dhahar.

 

Dr. Maxamuud Saciid Gacamay, ayaa ah siyaasi xilal farabdadan kasoo qabtay dowladii hore ee Somaaliya isagoo in muda ahi ku noolaa dalka Isu-Taga Boqortooyada Ingiriiska. Wasiirka oo muda bil kahor la magacaabay ayaa socdaalkiisu u horeysa ku yimid gobolada Maakhir, tilmaamayna in dalka u yimid siyaasadana ugusoo noqday si uu ugu adeego degaanka Makhir uu kasoo jeedo oo mudooyinkani ka curyaansanaa dhanka siyaasada.

 

Si kastaba ha ahaatee, shacabweynaha gobolka Haylaan iyo Galbeedka Gobolka Bari ayaa aad usoo dhaweeyey imaanshaha Dr.Maxamuud Saciid Gacamay, xilli shir beeleed oo balaaran ay kasocoto magaala madaxda gobolka Haylaan. Shirweynahani ayaa guda galay isbuucii sadexaad, iyadoo ay qayb kayihiin 18 nabadoon, salaadiin, iyo ergooyin kor u dhaafaayo 600 oo kakala yimid gobolada Sanaag, Haylaan iyo Galbeed Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir Gacamay oo Xaaladiisa Caafimaad Wanaagsantahay ka dib Shilkii uu Galay

 

28th July 2011

 

Wasiirka Horumarinta Reer Guuraaga iyo Daaqa Prof Maxamuud Siciid Madaxaxay loogu yeedho Gacamay ayaa shalay Shil Gaashi Galay isaga oo ku soo Jeeday G.Hayland Halkaasi oo uu Kula Kulmi lahaa Cuqaasha deegaanka iyo Bulshada qayba heeda kala duwan.

 

Prof Gacamay ayaa Baabuurkiisa Khaaska ahi kula Dhacay Meel aan saas uga Fogayn degmada Dhahar ee G.Hayland waxana wax soo gaadheen Wasiirka iyo Ilaaladiisa Qaar ka mid ah sida uu sheegay Taliyaha Booliska Hayland Coll Caydiid Axmed Nuur oo Waftigaasi ka mid ahaa.

 

Wasiirka dhaawaciisa ayaa ahaa mid Sahal ah sida la sheegay waxana wakhtigan lagu Dabiibayaa Magaalada Dhahar.

 

Qaar ka mid ah Warbaahinta Af-ka Puntland ku Hadasha ayaa Buun Buunisay Shilkaasi uu Galay Wasiirku kuwaasi oo Qaarkood ka qoray inuuba Geeriyooday.

 

Madaxwaynaha PL C/raxmaan Faroole ayaa Wel Wel ka qaba Waftiga Beesha ee ka soo Boqooshay Ceerigaabo kuwaasi oo Faroole ku Tilmaamay inay Kala Fur Furayaan Shirkii Beeshu ay ku Lahayd Dhahar iyo waliba wada Xaajoodkii Atam iyo PL.

 

Gudiga Caafimaadka ee Degmada Dhahar baa sheegay in xaalada Caafimaad ee Wasiirku ay Wanaagsantahay isla markaana dhawaan uu Shacabka la hadlayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

His dead walking, I see the secessionists have forgotten the lesson they got from Dhahar, and this time using the puppet Gacameey!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

S@Mali, Welcome to the dirty game of politics where you don't have permanent friends but permanent interest.

 

The likes of Puppet Jamal and Ilkajiir have had their embarrassing moments in Dhahar and will hardly ever be received peacefully by the locals. Even effigies of Faroole were burned as a Dhaharian expression of the resentment they hold against PL's massacre of reer Galgala and environs.

 

Dr. G'amey, on the other hand, is a popular political figure in Haylaan region owing to his developmental work and presence in the city before even joining "Somaliland".

I am sure there will be a stark difference between how the Doctor gets received by the people of Haylaan compared to "Puntland" agents - Abdi Jamaal and Ilka Jiir.

 

Puntland has no presence nor power in Haylaan regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

NASSIR;737296 wrote:
S@Mali, Welcome to the dirty game of politics where you don't have permanent friends but permanent interest.

Well said. Politics is all about interest, not about friendship nor charity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No doubt this event of the puppet of Siilanyo and hero to those who usually mix up clan interest and the bigger picture are as we speak organising a "welcome" for the SNM agent.

 

Might as well promise Siilanyo and his group the keys to Suldan Mohamoud Ali Shire's old kingdom...

What was it called again?

 

Yes you even went ahead of me, so now people will line the street chanting.."Welcome Gacamay, welcome President of akhir State"?

 

Or is it the truth I mean "welcome Gacamay, Dr Gacamay,Minister of Tourisam for Siilanyo's Government"

 

Oh how the ambitious have fallen, from unionist we wills et up a "Makhir" State to supporting, cheerleading and now serving the interest of Siilanyo the butcher of Kashale..

 

what would Saado Ali say now My man Nassir?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this