Sign in to follow this  
Dhuujiye

Mudanayaasha Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Wasiirrada cusub ee Soomaaliya

Recommended Posts

Dhuujiye   

Sabti, July 23, 2011 (HOL) – Xidhibaannada tiradoodu gaarayso 397-mudane ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay maanta oo Sabti ah golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee uu toddobaadkii soo magacaabay ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali, iyadoo ay diidday 21-mudane, halka ay ka aamuseen laba mudane.

 

Kulanka oo ay ka qaybgaleen 420-mudane ayaa waxaa furay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo ka dalbaday xildhibaannada inay ansixiyaan xukuumadda cusub. Waxaana intaas kaddib hadal u jeediyay xildhibaannada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Mudane C/wli Gaas ayaa khudbaddiisa oo ahayd mid dheer ku sheegay in xukuumaddiisu ay soo celinayso ammaanka guud ee dalka, sidoo kalena ay la dagaalamayso musuqmaasuqa, inuu dib u heshiisiinta hirgelinayo iyo inuu ka shaqeyn doono gargaarka bani'aadamnimo muddada uu xilka hayo.

 

Ra'iisul wasaaraha markii uu hadalkiisa dhameystay ayaa wuxuu guddoomiyaha baarlamaanku uu gacan-taag ah geliyay xukuumadda cusub, isagoo ku dhaawaqay inay codkooda siiyeen 397-mudane, sidaa daraadeedna ay tahay ansax.

 

Xukuumadda cusub oo ka kooban 45-xubnood ayaa waxay shaqeynaysaa muddo hal sano ah, iyadoo ay hor-yaallaan arrimo ay ugu culus yihiin soo celinta ammaanka iyo sidii lagu gargaari lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee ku qulqulaya dalalka dariska ah iyo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyagoo kaalmo doon ah.

 

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee kulanka ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay ansixinta xukuumadda mid aan u dhicin si sax ah oo la musuqmaasuqay codeynta. Waxaana inta marka uu baarlamaanku ansixiyo ajande horyaalla soo baxa mudanayaal kasoo horjeesta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this