Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Mohamoud Abdi Gaab President of Hiiraan-State on a visit to Puntland State

Recommended Posts

GAROOWE: Madaxda Hiiraan State oo soo gaaray Puntland

 

July 20, 2011 9:05 pm GMT - Written by PP - Edited by PP Print

 

Garoowe: (pp)- Wafti ballaaran oo uu hogaaminayo madaxwaynaha maamul gobaleedka Hiiraan State Maxamuud Cabdi Gaab iyo kuxigeenkiisa ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe islamarkaasna waxaa ay Dowlada Puntland ku amaaneen sida wayn ee loogu soo dhaweyey deegaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaaso ee xarrunta Gobalka Bari oo ay ku soo hormareen, iyagoo halkaas oo ay kulamo kala duwan kula qaatay madaxda Gobalka iyo kan degmada boosaaso.

 

Waftigaan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Garoowe waxaa ay shir jaraa’id ku qabteen hotelka Maka Al-mukarama ee magaalada Garoowe islamarkaasna kaga warbixiyey ujeedada ay u yimaadeen deegaanada Puntland iyaga oo xusay in ay ka soo dageen Magaalada Bosaaso halkaas oo ay sheegeen in si wayn loogu soo dhaweeyey.

 

Madaxwaynaha Maxamuud Cabdi Gaab ayaa ka warbixiyey waftigaan iyo ujeedada ay u yimaadeen Puntland isaga oo sheegay in ay Puntland u yimaadeen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen, maadaama ay yihiin maamul cusub oo ku soo biiriay maamul maamulada ka jira dalka soomaliya. Sidoo kale waxaa uu madwaynuhu intaas ku daray in ay kulamo la qaateen madaxda dowlada Puntland gaar ahaan madaxwayne kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire isaga oo sheegay in ay wax badan ka wada hadleen gaar ahaan sidii ay Dowlada Puntland gacan uga siin lahayn wada shaqaynta maamulka soomaliyeed ee Hiiraan maadaama uu yahay maamul cusub.

 

Madaxwayna Maxamuud Cabdi Gaab -ayaa intaas ku daray in labada dhinac ay isku afgarteen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen xiriirka labada maamul iyo ka wada shaqaynta sidii marxaladaha kala duwan ee ka jira dalka soomaliya ay door uga wada ciyaari lahaayeen & sidii loo soo celin lahaa Qaranimadii soomaliyeed ee burburtay sanadii 1991.

 

Dhanka kale waxaa uu madwaynuhu sheegay in ay doonayaan in shirka labaad soomaliya ee wadatashiga uu haboonaan lahaa in lagu qabto gudaha dalka soomaliya gaar ahaan meelaha ay ka jiraan Amaanka iyo xasiloonida sida Puntland oo mudan in shirkaas lagu qabto sababtoo ah waxaanu aragnay buu yiri intii aanu ku sugnayn Puntland in ay tahay hoyga nabada ee soomaliya.

 

Ugu dambayntii waftigaan ayaa xusay in dowlada ku meel gaarka ah ay ka codsadeen in ay maamul Gobaleedka soomaliyeed ee Hiiraan ay ula shaqayn lahaayeen balse waxaa uu xusay in ay ku guul daraysatay DKMG ee soomaliya in ay la shaqayso maamulkaas maadaana uu sheegay in dhexdeeda ay ku mashquuleen isqab qabsi iyo muran habaabiyey marxalada soomaliya.

 

Siciid C/salaam Siciid

 

Wakiilka Puntlandpost-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi;735330 wrote:
Hiiraan imisa maalmul bay leedahay?

Mamuuul gobleedka Hiiraan state Iyo Mamuulgoboleedka Hiiraanland iyo mamuul goboleedka Midstate 3 bey leeyihin

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^This is the proper one. Dr Gaab is the main leader who most people of the region agree upon. Also one of their leaders and founders has just been appointed a Minister in the Fedreal Government...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

There has been a long standing business relationship between Hiiraan and Puntland - Reer Hiiraan use Bosaso exclusively and Puntland exclusively imports fruits and veggies from Hiiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this