Sign in to follow this  
Somalina

Lean on Mogadisho when you need to eat to survive

Recommended Posts

Somalina   

Sometimes in our lives

We all have pain

We all have sorrow

But if we are wise

We know that there's always tommorow

 

Lean on me, when you're not strong

And I'll be your friend

I'll help you carry on

For it won't be long

'Til I'm gonna need

Somebody to lean on

 

Please swallow your pride

If I have things you need to borrow

For no one can fill those of your needs

That you won't let show

 

You just call on me brother, when you need a hand (Chorus)

We all need somebody to lean on

I just might have a problem that you'd understand

We all need somebody to lean on

 

Second Verse

Lean on me, when you're not strong

And I'll be your friend

I'll help you carry on

For it won't be long

'Til I'm gonna need

Somebody to lean on

 

You just call on me brother, when you need a hand (Chorus)

We all need somebody to lean on

I just might have a problem that you'd understand

We all need somebody to lean on

 

If there is a load you need to bear

That you can't carry

I'm right up the road

I'll share your load

If you just call me

 

Call me (if you need a friend)

Call me (Call me)

Call me (if you need a friend)

Call me (if you ever need a friend)

Call me (Call me)

Call me

Call me (if you need a friend)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dadkan gaaraya Kumanaanka ayaa waxaa lagu soo daabulayay Gawaarida xamuulka qaada, iyadoo soo daabulidooda ay gacan ka geysteen Masuuliyiinta Dalladda ururada Bulshada rayidka ee Ex-Banaadir iyo gabadhaha Hey'ada Wada hadalka Bulshada CCD, kuwaasoo xil iska saaray ka qeyb qaadaha daabulidda dadkaasi ku dhibaateysnaa degmada Xamarweyne iyo sidii loogu sameyn lahaa dibudejin iyo hoy ay ka galaan roobabka iyo qorraxda.

 

Xubno uu horkacayay Gudoomiyaha Dalladda Ururada Bulashada Rayidka ah ee Deegaanada Banaadir Muxudiin Xasan Afrax ayna ka mid ahaayeen gudoomiyaha Haweeenka Hey'adda wadahadalka Bulshada CCD Sharo Maxamuud Amiin, Xoghayahay Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Faadumo Aadan Cosoble iyo Xubno kale kuwaasoo gacan ka geystay Daabulida, isku ururinta iyo dibudejinta goobaha cusub ee dadkaasi maanta la dejinayay ee ku yaalada deegaanka Xoosh ee degamada Dharkenley.

 

Deegaanka Xoosh oo maanta dib loo dejiyay kumanaaka Barkacayaasha ah ayaa waxaa todbaadkii dhawaa u asteeyay gudigga Gurmadka Qaranka ee abaaraha ee uu dhawaan magacaabay Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxmed Cali ayaa waxaa ku wareejiyay deegaankaasi maamulka degmada Dharkenley si halkaasi loo dejiyo dadka abaaraha ka soo cararaya ee ku soo quluqulaya magaalada Muqdisho si loogu helo gurmad mideysan iyo deegaan ay ku noolaadaan.

 

Gudoomiyaha Dalladda ururada Bulshada Rayidka Muxudiin Xasan Afrax ayaa ugu horeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta inay gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, isagoo tilmaamay maanta inay ka hadal rabin dhibaatada dalka ka jirta, hase yeeshee waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ficil la sameeyo.

 

"Maanta ka hadal ma rabto abaarta dalka ka jirta iyo baaxadeeda oo waad u jeediin dadkaan dhibaatada heysata, marka waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamka inay dadkaan gurmad u fidiyaan" ayuu yiri Gudoomiyaha Dalladda ururada Bulshada rayidka Ex-Banaadir Muxudiin Xasan Afrax oo ku sugnaa goobaha loo diyaariyay dadka abaarta ka soo barakacay ee soo gaaraya magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale gudoomiyaha Dalladda Ururada bulshada Rayidka ayaa ka digay in ay dhici karto in ay halkaasi ka dilaacan cuduro, isagoo ka codsaday Hey'adaha caafimaadka in ay u sameeyaan dadkaasi barakacayaasha ah waxyaabaha aasaaska u ah nolasha aadanaha sida Biyo Nadiif ah, Goobo caafimaad, Musqulo iyo daryeel dhinaca nadaafada ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wafdi uu hoggaaminayo Mark Bowden oo Muqdisho tagay, booqdayna xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha

 

 

Talaado, July 12, 2011 (HOL) – Wafdi uu hoggaaminayo xiriiriyaha barnaamijyada gargaarka bani'daamnimo ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta Muqdisho tagay, isla markaana booqday xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaash ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

 

Booqashada Bowden oo ahayd mid uu ugu kuur-galayay xaaladda barakacayaasha soo gaaray Muqdisho ayaa tagay dhowr xero oo ay ku jirto mid cusub oo maanta la dajiyay barakacayaal kuna taalla deegaanka jasiira, isagoo markaas kaddib kulan la yeeshay guddiga ay dowladda KMG ah u magacowday gargaarka barakacayaasha oo ka kooban toddoba wasiir.

 

Mr. Bowden oo saxaafadda la hadlay kaddib kulanka uu la yeeshay guddiga DKMG ah ay u magacowday gargaarka barakacayaasha ayaa sheegay inuu arkay xaaladda dadka kusoo barakacay Muqdisho ayna tahay mid aad u daran, iyaguna ay sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar ula soo gaari doonaan.

 

Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga DKMG ah C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo isaguna uga warbixiyay warbaahinta kulankii ay la yeesheen Mark Bowden ayaa sheegay inay kala hadleen sidii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

 

Imaanshaha Mark Bowden ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaysa iyadoo kumanaan qof oo kasoo cararaya abaaraha ay soo gaarayaan caasimadda Soomaaliya, sidoo kalena ay Xarrakatul Shabaab fasaxday in hay'adaha gargaarka ay kaalmeeyaan dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Mark Bowden uu booqday xeryo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasoo uu kula kulmay madaxda dowladda KMG ah ee gobolkaas.

 

Mark Bowden iyo wafdigiisa ayaa ka dhoofay Muqdisho, markii ay dhameysteen socdaalkooda indha-indheynta ah, balse ma uusan sheegin xilliga ay gargaar deg-deg ah lasoo gaari doonaan shacabka Soomaaliyeed ee soo barakacay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Muqdisho, Soomaaliya, July,13,2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa soo saaray Bayaan ku aadan Abaaraha iyo Codsiga Gargaar oo deg-deg ah.

 

Soomaaliya waxa ku habsatey abaar ba’an oo ay sabab u tahay roob la’aan muddo dheer iska daba timid oo ay badi ku la’adeen xoolihii raacatadu ku tiirsanayd isla markaasna keenay in wax soosaarka beeraha uu aad hoos ugu dhaco taasoo xaaladda beeraleyda khatar gelinaysa. Marka la eego xaalladda hadda jirta abaartan xun waxaa la oran karaa inay u dhigantaa tii dalka Soomaliya sida xanuunka badan u soo martay 1993.

 

Iyadoo la tixgelinayo baaxadda abaarta oo ah mid aad uga qiro weyn in Soomaalidu kaligood wax ka qabtaan iyo xaaladda dalku ku sugan yahay ee kor lagu soo tilmaamay, Xukuumadda Federalka ah ee KMG ah waxay ka codsanaysaa Caalamka in loo soo gurmado shacabka halista ugu jira inay baaba’aan. Sidoo kale Xukuumaddu waxay Shacabka Soomaaliyeed meel kastoy joogaanba ka codsanaynaa inay u soo gurmadaan badbaainta walaahooda tabaalaysan.

 

Waxaa Bankiga Dhexe looga furay Abaaraha Account loogu soo shubi Karo gargaarka deg dega ah:

 

A) US Dollar Account # 750: Bankiga Dhexe

 

B) So. Shiling Account # 749: Bankiga Dhexe

US Dollar Account # 8495 Dahabshiil

 

Bayaanka Abaaraha iyo Codsiga Gargaar degdeg ah

 

XAFIISKA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYA

 

 

 

I. Hordhac

Soomaaliya waxa ku habsatey abaar ba’an oo ay sabab u tahay roob la’aan muddo dheer iska daba timid oo ay badi ku la’adeen xoolihii raacatadu ku tiirsanayd isla markaasna keenay in waxsoosaarka beeraha uu aad hoos ugu dhaco taasoo xaaladda beeraleyda khatar gelinaysa. Marka la eego xaalladda hadda jirta abaartan xun waxaa la oran karo inay u dhigantaa tii dalka Soomaliya sida xanuunka badan u soo martay 1993.

 

Kumanaan kun oo qof ayaa guryahoodii ka barakacay iyagoo ahaa kuwii dhaqaaqi karay, hasa yeeshee kumannaan kale oo awoodi waayey inay dhaqaaqaan ayaa ku liita halkii ay joogeen, qarkana u saaran inay macluul u dhintaan.

 

Caruur fara badan ayaa ilaa hadda dhimatay, kuwa kalana waxay qarka u saaran yihiin inay u le’edaan macluul iyo cudurro ka dhashay. Dhinaca kale abaartu waxay ku soo beegantay xelligii ugu xumaa oo ah iyadoo nabadgelyo xumo ka jirto qaybo ka mid ah dalka, taasoo baaba’isay awooddii isku tiirsanaanta iyo iskaalmeynta dadka guud ahaan.

 

II. Baaxadda Abaarta

Abaaruhu waxay saameeyeen dhammaan dhulka Soomaaliyeed. Marka Gobolada Waqooyiga iyo Bariga laga yaabo inay waxoogaa dhaamaan nabadda halkaas ka jirta darteed, gobollada koonfureed siiba dhulka ay gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada ah sida Alshabaab aad bay xaaladoodu u liidataa. Waxaa lagu qiyaasi karaa in uugu yaraan 70% shacabka Soomaaliyeed ay saameysey abaartu waayo, dhamaan dadkii raacatada ahaa iyo kuwii beeralayda ahaaba way ku baahday abaartu. Dawalddu waxay ku qiyaaseysaa in dad gaadhaya ilaa 7 malyuun oo abaartu u saameysey si toos ah ama dadban ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah.

 

Wararka gobollada ka imanaaya waxay xaqiijinayaan in xoolo badan dhinteen, kuwo kalana laga rajo xun yahay siiba xoolaha nugulka ah. Sida uu ku warrammay xafiiska xiriirka bani-aadaminimo ee qaramada midoobay ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku tilmaamay in roob la’aanta labadii xilli ee la soo dhafay ay ka dhalatay in xelligii ugu qallalnaa uu soo maro dalka tan iyo 1950, iyadoo waliba hay’addaas ka deyrisay sannadka 2012.

 

Guddiga gurmadaka Abaaraha ee dawladdu magacowdey iyo Wasaaradda caafimaadku wuxuu xaqiijiyey in ilaa hadda ay soo gaadheen magaalo madaxda qiyaas dhan 10,000 oo qoys oo aad xaaladoodu u liidato siiba caruurta iyo waayeelka. Maalmahii la soo dhaafay waxaa magaalo madaxda soo gaadhayey qiyaasta in u dhexeysa 250-300 oo qoys.

 

Xaaladda abaaraha waxaa sii xumeeyey dalka oo kala go’an oo ay adag tahay in dadka wax loogu qabto goobaha ay ku sugan yihiin, iyo in xilligii ku haboonaa loo gurmado dadka. Waxaa xaaladda aad u sii murgiyey xukunka naxiis darrada ah ee Ururka Al-shebaab oo diiday in wax gargaar ah hore loo gaarsiiyo dadka baaba’aya ee degen goobaha ay gacanta ku hayaan, taasoo keentay in hay’adihii khayriga ahaa ka baxaan dalka.

 

 

III. Gargaarka loo baahan yahay

 

Gargaarka degdega loogu baahan yahay waxaa ugu horreeya:

 

1. Cunto: mid guud iyo mid gaar u ah caruurta iyo dadka nafaqada darrada u liita (General Food and Supplementary Food).

2. Biyo :

3. Caafimaad iyo beyad caafimaad

4. Hoy ku meel gaadh ah (Temporary Shelter).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Cont'd...

 

 

IV. Sida ugu habboon ee gargaarka loo gaadhsiin karo dadka:

 

 

Gobolka banaadir waxaa loo qoondeeyey dhul balaadhan oo dadka liita lagu xannaaneeyo, hay’adaha samafalkuna ka hawlgali karaan.

 

Goobollada kale waxaa gargaarka la soo marin karaan dalalka dariska ah sida Kenya, Ethiopia iyo Jibouti. Xadka ballaadhan ee Soomaaliya la leedahya gobolladaas waxay sahlaysaa in gobollo badan gurgmadka laga soo gaadhsiiyo dhinaca xuduudaha. Maadama hore go’aan loogu gaadhay IGAD in dadka la badbaadiyo, dawladaha darisku way soo dhaweynayaan gurmadka dhinacooda la soo marinayo, dawladda ku meel gaadhka ah diyaar bay u tahay in gacan ka geysato arrintaas.

 

V. Tallaabooyinkii Ilaa hadda la qaaday

1.Guddiga Qaran:

 

Waxaa la abuurey guddi heer qaran ah oo qiimeyn degdeg ah ku sameeya xaaladda abaarta, guddigaas oo ka kooban:

 

1. Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga;

2. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka;

3. Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska;

4. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha;

5. Wasiirka Wasaarada Maaliyadda;

6. Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska;

7. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

 

2. Abuurista Xafiiska maamulka Abaaraha:

 

Waxaa la abuurey Xafiis gaar ah oo haga iskuna dubarida gurmadka abaaraha. Xafiiskaas oo hoos tagaya Raisul wasaaraha waxaa awoodiisa lagu caddeeyey dekreetada lagu abuurey.

 

3. Cunto Qaybin:

 

Waxaa la billaabay in cuntooyin degdeg ah loo qaybiyo dadka aadka u liita ee magalada daafaheeda soo gaadhey. Cunta qaybinta waxaa barbar socda qiimeynta xaaladda iyo tirakoobta dadka tabaalaysan.

 

5. Qoondeyn Dhul Degaan:

 

Waxa loo qoondeeyey dhul ballaadhan oo ku aadan aagga Jaziira oo ay si ku meel gaadh ah u dagaan dadka soo bara kacay inta ay uga suuragalayso inay dhulkoodi ku laabtaan. Xafiiska maamulka iyo Guddigu Abaaraha waxaa laga filayaa inay ku diyaariyaan deegaankaas wixii loo baahnaa sida amniga, caafimaadka iyo biyaha, hayadaha samafalkana la kaashaadaan baahir tirka dadka tabaaleysan.

 

6. Xisaabaad u gaar:

Waxaa Bankiga Dhexe looga furay Abaaraha xisaabaha soo socda oo tababarucaad gude iyo dibad lagu soo shubi karo:

A) US Dollar Account # 750: Bankiga Dhexe

B) So. Shiling Account # 749: Bankiga Dhexe

C) US Dollar Account # 8495 Dahabshiil

Iyadoo la og yahay dhaqaale yarida dawladda, haddana xaalladda ba’an darteed Xukuumaddu ku deeqday lacag dhan $500,000 oo lagu shubay Xisaabta ee Bankiga Dhexe si loogu billaabo hawlaha degdegga ah.

 

VI. Cosi loo jeedinayo caalamka iyo shacabka Soomaliyeed.

Baaxadda Abbartan leedahy waa mid aad uga qira weyn tabarta Soomaalida, saameyn xoog lehna ku yeelyansa xaaladda guud es shacabka sida:

 

1. Macluul fara badan

2. Barakac aan xad lahyn

3. Cudurrada faafa oo qarka loo saran yahay inay dillaacaan.

4. Magaalada muqdisho oo halis ugu jirtaa inay gabto nolosha caadiga ah dadka faraha badan ee u soo qaxaya darteed taasoo keentay in khidmadaha caafiaadka, biyaha, iyo nadaafadda guud ka badato awoodda hadda jirta oo awlaba liidatay.

 

Codsi Guud:

Iyadoo la tixgelinayo baaxadda abaarta oo ah mid aad uga qiro weyn in Soomaalidu kaligood wax ka qabtaan iyo xaaladda dalku ku sugan yahay ee kor lagu soo tilmaamay, Xukuumadda Federalka ah ee KMG ah waxay ka codsanaysaa Caalamka in loo soo gurmado shacabka halista ugu jira inay baaba’aan. Sidoo kale Xukuumaddu waxay Shacabka Soomaaliyeed meel kastoy joogaanba ka codsanaynaa inay u soo gurmadaan badbaainta walaahooda tabaalaysan.

 

Codsigan waxaa loo kala dirayaa:

1. Dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobay,

2. Dawladaha IGAD

3. Jaamaccada Carabta,

4. Ururada Khayriga ah ee Wadamada islaamka,

5. Hay’adaha Samafalka ee Caalamka (INGOS),

6. Dawladaha Caalamka ee daneeya bini’adamnimda

7. Ummadda Soomaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Somalina، انا احب ا لصو ما ل لانها وظن

 

^ That's one line I learned from once-up-on a time Arabic class.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho oo saakay Gurmad waji cusub leh laga bilaabay

 

Shacab isxilqaamay ayaa albaabada xaafadaha gaaracaya isla markaana ka soo ururinaya qoysaska canjeero duban oo diyaarsan taasoo dhibanayaasha loo marinayo saliid iyo sonkar sidaasina ay ku cunayaan.

 

Dadka gurmadkan fidinaya ayaa ah dhalinyaro iyo haween waxaana muuqaneysa in waji cusub oo gargaar ay noqoneyso talaabadan.

 

Mudooyinkanba shacabka Soomaaliyeed waxa ay wadeen qorshayaal ay iskood isugu gurmanayeen, waxaana laga dareemayay dhaqdhaqaaqyada gargaarka xaafadaha iyo degmooyinka magaalada, iyadoona inta badan dadaalada ay hogaaminayaan dhalinyarada iyo jameecooyinka masaajida.

 

Talaabooyinka ay isku gargaarayaan shacabka ayaa waxa ay muujineysaa sida shacabka ay diyaarka ugu yihiin in ay is kaalmeeyaan oo la daryeelo shacabka dhiban.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this