Sign in to follow this  
Baarqab Qooqay

Taariikhdii Andulus Iyo sheekh mustafe

Recommended Posts

Without no doubt, Soomaaliya sidii Andalus bay ku socotaa, or even worse.

 

Andalus iyo soomaaliya la ismaba barbardhigi karo runtii. Waayo Andalus waxay ahayd meelaha muslimiintu aad ugu faanaan, sidoo kale cilmi diin iyo mid maadi ahba loo tagi jiray. Cilmiga diinta hadaynu is dhahno tiriya culimadii waagaas noolayd caawoo dhan baynu tirin karnaa. Maadigana sidoo kale. Khilafa Islaami ah oo aad u wayna way ka samaysnayd.

Markaa Andalus qiimaha ay dunida u lahayd iyo ta soomaaliya u leedahay maba isku dhawa.

 

Laakiin Ayadoo sidaas ah, oo muslimiinta qiime sidaas u wayn ugu fadhiya, culimadii aduunka ugu waawaynaydna xag maadi iyo diinba ay Andalus ka yimaadeen, bal arka siday ku dambaysay.

 

Waxaa cibro noogu filan, Andalus oo sidaas u waynayd, oo qiime saas wayn ugu fadhiday caalamka muslimiinta iyo reer yuruba hadii sidaas loo burburiyey, oo maanta aamba la aqoon, soomaaliya talow yaa Garantii siiyey inay sii jiri doonto for ever?

The only way ay soomaaliya ku sii jiri karto waa ayadoo Andalus casharkii ka dhacay wax laga bartoo, la is daba qabto intay goori goor tahay. Dee waa hadii aynu wax fahmayno, laakiin hadii aynu "Maamul goboleed iyo Madaxwayne bay doorteen" ku jirno, jidkii Andalus uun baynu ku soconaa.

 

Waayo Andalus waxaa lagu burburiyey maxay ahayd? Divide and conquer uun bay ahayd. Khilafah jirtoo wayn baa, mid kastaa magaalo yar intuu qabsaday oo boqortooyo ka dhistay Gaalana soo kaxaystaa si uu magaalada ku xigta khadka uga saaro. Ilaa markii dambe Andalus ay ka jirtay intaas oo boqoro, oo aanba la tiri karin. Midkastana gaaladu waxaa ku odhan jirtay uun waxa maanta soomaalida maanta lagu sasabo "Idinkaanu idinla jirnaa, kuwaan kale gumaada, magaaladana qabsada"!

 

Aahey, walee Soomalida Andalus tusaale ka fiican looma heli karo. Waana waxa Sh,. Mustafe muxaadaradan ku kaliftay inuu qabto, bal dadku inay is daba qabtaan.

 

Laakiin ma soomaali indho iyo dhago qofilin, oo indhihiisa qabiilkiisa/gobolkiisa kaliya arkaan.

Dhagihiisuna Sheekha/Ugaaska/Garaadka/Caaqilka/Boqofka/Beeldaajiyaha/Suldaanka reerkiisa kaliya maqlaan, oo calooshiis/kaligiis u fakaraa cibro qaata.

 

Alle ha naga dhigo kuwuu quraankiisa ku yidhi:

 

لَقَدكَانَ فِي قَصَصِهِم عِبْرَة ٌ لِأولِي الأَلبَابِ

There was certainly in their stories a lesson for those of understanding.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this