Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Madaxweyne Sheik Sharif oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Talyaaniga

Recommended Posts

Somalina   

Madaxweyne Shariif oo Muqdisho kula kulmay Madaxa UNHCR

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay la kulmay Madaxa Hey'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR, Mr Antonio Guterres oo shalay booqasho ku yimid Muqdisho.

 

Antonio Guterres ayaa booqasho ku tagay xeryaha barakacayaasha, isagoo ugu kuur galay xaalada dhabta ah ee dadka abaaraha soo barakiciyeen.

 

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada ayaa looga hadlay kulanka Madaxweynaha iyo Madaxa Qaxootiga Aduunka.

 

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-

 

(Muqdisho, Soomaliya,31,Agoosto ,2011) Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilyay wafuud uu hogaaminyayo madaxa guud ee hayada UNHCR Mudane António Guterres.

 

Madaxa UNHCR António Guterres ayaa sheegtay in booqashadiisha magaalada Muqdisho ay tahay mid uu ku muujinayo taageeradiisa uu la garab tagan yahay shacabka iyo dowlada Soomaliya.

 

António Guterres ayaa sheegay in wakiilkiisa jooga Nairobi uu u soo rarayso magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim tahay in hayadaha gar-gaarka ah ay si toos ah ula shaqeeyaan dowlada, sidoo kale mudane António ayaa sheegay in UNHCR ay ku taageerayso qibrateeda dowlada Soomaliya si loo caawiyo dadka barakacayaasha ah ee jooga wadanka gudihiisa.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga hortagaa wax-yaabaha keenaya in ay dadku barakacaan si loo helo xal waara. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay madaxa UNHCR in loo baahanyahay barnaamijyo ka shaqeeya mustaqbalka barakacayaasha “Waa inaan laga fakarin oo kaliya dhibka (macaluusha) hada taagan, balse laga fakaraa mustaqbalka barakacayaasha, dib-u dagin tooda, horumarkooda iyo hanaanka nabada iyo dowladnimoda si loo cirib-tiro macaluusha iyo dhibaatada aan dhamaadka lahayn” ayuu yiri Madxweynahu.

 

Madaxweyne Sharif ayaa sheegay in hayado iyo ururo badan ay wada shaqaynta ka soo hor jeedaan maadaama aysan rabin in lala xisaabtamo, laakin waxaa muhiin ah in xisaabtan uu dhaco si shacbka dhibaataysan ay u helaan wixii loogu talagalay.

-

Dhamaad –

Suldan A. Farahseed

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia

media@presidency.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo xariga ka jaray suuqyo cusub

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa saaka furay suuq cusub oo ay dowladu ugu talagashay in ay ka ganacsadaan shacabka ku nool degmada Hodan. Madaxweynaha ayaa ku micneeyay mashruucaan barnaamij ku salaysan adeega bulshada iyo horumarinta dalka.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay isagoo u qodbaynaya shacab badan oo ka soo qayb’galay furitaankii suuqa cusub in ay muhiim tahay in dadka Soomaliyeed ay isku tashadaan, “ waa inaan cududeena adeegsanaa, waa inaan iskaa wax u qabso dalkaan ku dhisnaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

 

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka qayb’galay xaflad ka dhacday Skuul Boolisiya oo tababar loogu soo xirayay saraakiil boolis ah oo dhawaan ka soo laabtay tababar dibada ah. Kooxda fanka booliska ee heegan ayaa soo bandhigtay murti iyo heeso ka turjumaya nabada iyo dowlad wanaag.

 

Madaxweynaha ayaa kula dar’daarmay saraakiisha cusub in ay dadkooda iyo dalkoodaba u shaqeeyaan “waa inaad dadkaan si nadaam ah, sharci iyo cadaalad ugu shaqaysaan, waxaana idiin rajaynayaa inaad si wanaagsan wajibaadkiina u gudan doontaan”.

 

Ugu danbeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilyay wafuud balaaran oo ka socota dalka Sudan. Wafdiga Sudan ayaa waxaa hogaaminayay kaaliyaha Madaxweynaha Sudan ahna kuxigeenka xisbiga talada haya Dr. Naafic Cali Naafic. Wafdigaan ayaa Soomaliya u waday markab deeq ah oo isugu jiray cunto, daawo iyo gaadiid taas oo Madxweynuhu ka gudoomay.

 

- Dhamaad –

 

Suldan A. Farahseed

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia

media@presidency.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefdigii Turkiga

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti caalami ah oo uu hogaaminayo Qunsulka cusub ee dowlada Turkey u fadhin doona dalka Soomaliya. Waxaa Qunsulka la socday Madxa ha’yada TIKA Dr. Serdan Cam iyo madaxa diyaarada Turkish Airline (CEO) Temel Kotil.

 

Madaxweynaha ayaa ku wargaliyay Qunsulka cusub in ay dowlada Soomaliya aad ugu faraxsantahay in wadanka walaalkeen ah ee Turkey uu safaaradiisa dib uga hirgalinayo dalka Soomaliya, madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxda iyo dowlada Turkey sida walaaltinimoda ah oo ay u garab istaageen shacabka iyo dowlada Soomaliaya.

 

Madaxa ha’yada TIKA Dr. Serdan Cam ayaa ka war bixiyay wafuuda ballaaran oo ka kooban ha’yado ka mid ah dowlada Turkey oo qorshohoodu yahay in ay qayb weyn ka qaataan dib-u dhiska dalka Soomaliya siiba magaalada Muqdisho. Dhanka kale Madaxa diyaarada Turkey (Turkish Airlines) Temil Kotil ayaa sheegay in Turkish Airline ay bisha soo socota bilaabayso diyaarado ukala duula Istanbul iyo Muqdisho asbuucii laba goor, sidoo kale Temel Kotil ayaa sheegay in ay qaybo muhiim ah ku kordhinayaan ayraboorka maadaama ay rabaan in ay Muqdisho ku xiraan 146 magaalo.

 

Qunsulka cusub ee Turkey ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkey Ali Babacan uu labadii biloodba mar soo booqanayo dalka Soomaliya si uu u kormeero ha’yadaha dowlada Turkey u xil-saartay taakulaynta iyo dib-u dhiska dalka Soomaliya.

 

Ugu danbeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa u faah-fahiyay wafuuda Turkey in dalak Soomaliya uu tahay wadan cimilo wanaagsan oo dhaqaale aan la soo koobi Karin leh, kaliy loo baahanyahay in amniga la wanaajiyo horumarkana laga shaqeeyo.

 

– Dhamaad –

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Large Turkish group visits Somalia for durable projects, investments

 

A big Turkish delegation comprising officials from multiple ministries and relief organizations as well as businessmen arrived in Somalia's capital of Mogadishu early on Monday to research the feasibility of various projects and investments in the drought-stricken eastern African nation.

 

The Turkish Cooperation and Development Agency (TİKA) said in a statement posted on its website that the group included 150 representatives from the Environment and Urban Planning Ministry, the Foreign Ministry, the Ministry of Food, Agriculture and Animal Husbandry, the Ministry of Forestry and Water, the Ministry of Transportation, the Health Ministry, and the Directorate of Religious Affairs as well as the prime minister's Disaster and Emergency Management Directorate (AFAD), the Housing Development Administration of Turkey (TOKİ) and the Turkish Red Crescent (Kızılay). “It is expected that the group of experts will conduct sector-based analysis in housing, healthcare, use of water resources and transportation,” the statement said. TİKA is coordinating all aid Turkey donates to Somalia, making sure that it is appropriately and effectively distributed.

 

Turkey has been a frontrunner in sending humanitarian aid to the East African nation that is struggling with one of the worst famines to hit the continent. In addition to the half billion Turkish lira donated, Prime Minister Recep Tayyip Erdoğan paid a visit to Mogadishu late last month to draw the world's attention to the situation there.

 

Meanwhile, as the latest of series of aid shipments from Turkey to Somalia, a cargo ship that set sail from Turkey on August 16 with tons of humanitarian aid arrived in Mogadishu on Monday.

 

Transporting 5,000 tons of humanitarian aid, Turkish freighter “Burak A” docked at Mogadishu Port after a 22-day-long journey. The ship, dubbed the “İyilik Gemisi” (Goodness Ship), is also transporting tents, sanitary supplies, food, light work machinery and five fully equipped ambulances. The materials will be carried to Kızılay's depots in Mogadishu to be delivered to those in need. Officials say it may take five days to fully unload the ship.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Foreign countries cant rebuild Somalia, this has to come from the Somali's. Despite good intention from the Turks, there are many

power brokers in Moqadishu with less good intentions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

ADDIS ABABA, Ethiopia, September 15, 2011/African Press Organization (APO)/ --

 

African Union Mission in Somalia has launched the construction of military barracks for TFG soldiers in Mogadishu. H.E. Sheikh Sharif, President of Somalia's Transitional Federal Government (TFG), presided over the groundbreaking ceremony. Also in attendance were the Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DRSCC), Hon. Wafula Wamunyinyi,The Deputy Force Commander, TFG's Defense Minister Hon. Hussein Arab, members ofTFG military, and AMISOM senior Officers.

 

The project aims at extending and improving Gesira training center by building additional facilities with a capacity to accommodate 1,100 soldiers. The facilities will include permanent structured living quarters, dining halls, and a parade square once completed. This is part of the implementation of infrastructure development and capacity building as envisaged in the National Security and Stabilization Plan (NSSP).

Soldiers will no longer live in unsanitary conditions far from their duty stations. Their new environment will boost their morale; enhance discipline; which in turn will improve their performance.

 

In his remarks, Honorable Wamunyinyi thanked the European Union for its support to the African Union Mission in Somalia and more particularly for funding this project.

 

“Today, we begin to create a new Gesira of the future, a space where the brave soldiers of Somalia can stay and perform their duty, and serve their country with dignity. Despite the extraordinary environmental and economic challenges that their country faces, they have never given up hope for freedom and better life”, Hon. Wamunyinyi said.

 

In his address during the ceremony, President Sheikh Sharif thanked AMISOM and the European Union for their continued support and effort to improve the lives of the Somali people.

“The construction of the facilities for those who defend the nation, is one the most needed projects in Mogadishu. The project is extremely important for the enhancement and safeguarding of our institutions. This project aligns perfectly with this city's desire to improve the quality of life of our soldiers and strengthen national security system”, said

President Sharif.

The construction works are to be completed within six months.

© copyright StarAfrica.com

 

IMG_0057.jpg

IMG_0060.jpg

IMG_0104.jpg

IMG_0214.jpg

IMG_9119.jpg

IMG_8811.jpg

IMG_9236.jpg

IMG_9215.jpg

IMG_9360.jpg

IMG_9454.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

shaqo wacan , howsha ha cabo madaxweynaha , xamarna si fiican ha u nadiifiyo amnigeedana sidii laga rabay haku soo celiyo balse si xamar amnigeeda loo ilaliyo waxaa fiican in magaalada laga fogeeya alshabab oo ugu yaraan 30 kilo mitir eey magaalada ka fogaadaan si amniga iyo kaladambeynta eey si fiican usocoto .

shaqa wacan .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this