Sign in to follow this  
Nabad_dadaye

islaamka iyo xuquuqda aadanaha

Recommended Posts

walaalayaal waxaan u jecleystay inaan cinwaankaan bilaabo waa inaan arkay in islaamka loo tiirinayo waxyaala uusan shaqa ku lahayn lagana dhagayo diin dil,dhac, gacma goyn , aanan dumarka xuquuq siinan , shaqaalaha xuquuqdooda ku tunta .

wey jiraan waxyaalo ka dhaco dad musliin ah lakin eysan ahayn wax diinta ku raacsan tahay .

qodobada uu islaamka kusoo koobo xuquuqda aadanaha waa

1: diinta

2: nafta

3: caqliga

4: maalka

5 : sharafka

iyo hadey jiraan kuwa kale walaalaha ayaa ku daraya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DIINTA

 

Diinta islaamka wexey karaameysay bini aadamka oo idil , wexeyna dadka ku hagtaa wadada saxan balsen bini aadamka ayaa ka weecdo oo raaco hamigiisa

Allah wuxuu quraanka ku sheegay ch3 v 64 (waxaad tidhaahdaa nabiyoo ehlu kitaabka ukaalaya kalimada (odhaahda) aan usiman nahay anaga iyo idinkaba oo ah ineynan caabudin Eeba mooyaan aanan waxna la wadaajin ,oonan ka yeelen qaarkeen qaarka kale eebayaal hadey jeedsadaan waxaad utidhaahdaa marag noqda inaan muslimiin nahay '') .Eeba aayad kale wuxuu ku leeyahay suuratul baqara v 256( qasab ma ahan diinta galideeda ) .

islaamka wuxuu xoriyad usiiyay inuu qof walba caabudo wuxu rabo ,lakin muslimiinta waxa laga rabo eey tahay iney u cadeeyaan dadka xaqa eeysanna ku lahey wax xoog ah ama qor qabasho ah . islaamka ma ogolo in laga beensheego oo barabagaando laga suubiyo kutub kale , balse la cadeeya un kutubtii hore wixii ku qornaa iyo waxa lagu soo kordhiyay kuwaas oo ka hor imaanaya kuwa kale eey aamin san yihiin .

Share this post


Link to post
Share on other sites

si xuriyada diinta loo ilaaliyo ayuu quraanka u diiday in la dudumiyo goobaha eey gaaladu wax ku caabudaan sida kaniisadaha oo kale , wuuna diiday in la aflagaadeeyo wexey aaminsan yihiin Alle wuxuu yiri ( ha caayina kuwa Alla wax la wadaajiyo ,markaas ooy caayan Allah ayagoon cilmi ulahayn ) . lakin dacaayada fara badan ayaa laga faafiyay islaamka iyo inuu yahay diin ku socoto seyf ,taasna iney been tahay waxa hada dhacaya ayaa cadeynayo . tusaale , qaraxii 11/9 ee mareykan lagu weeraray ayuu mareykanku bilaabay inuu aar guto ,qaar ayaga ka mid ahna diinta islaamka si xun usuureeyeen lakiin waxaa yaab noqotay dadkii dhibka saa u weyn loo geystay in eey diinta islaamka kusoo hoobteen kadib markey raadiyeen waxa uu yahay islaamka .hadaba mareykanka yaa awood diinta kusoo galin kara jawaabta waa cadahay inuusan islaamka seyf ku faafin ee uu xuriyad caqiidada isaga un laga helo. diinta qofka uu aamin san yahay kama istaajinin in uu xuquuq fara badan ka helo dhanka muslimiinta ,sida xaqa dariska ,agoonka , daciifka , ninka martida ah , dumarka,cadaalada waxaasoo idil xuquuqdooda wuu dhowray wexey rabaan ha aaminsanaadaan. diinta islaamka ma ahan diin qofka looga faaideysto daciifnimadiisa sida adigoo aragto qof dhibaateysan ee aad tiraahdo anaa ku quudinayo gurina kusiinayee ma islaameysaa ,arinkaas diinta islaamka wey kasoo horjeedaa ,qofkana waa inuu ku qanacsan yahay diinta ee qalbi saafi ah kusoo galaa .halka diimaha qaar eey qofka ka faaideystaan dhibkiisa lacag eey u balanqaadaan si uu uga baxo diintiisa ,qofna markuu gaajeysan yahay xoriyad ma qabo ka faaideysigiisana wexey kaso hor jeedaa xuriyada aaminaadka

Share this post


Link to post
Share on other sites

diinta islaamka waa diin xuriyada aaminaada dhowrto , balse qofkii rabo inuu dad wadadooda ka dhumayo ee qarabo diinta islaamka wey ka joojisaa maxaa yeelay wuxuu qaldayaa qof saxan , waxase mahad dhen eey usgnaatay Allah ee ku cadeeyay kitaabkiibkiisa quraanka wax walbo oo maslaxad u ah dadka , qofkastoo bini aadam ah inuu karaameysan yahay ayuu islaamka qirayaa . mana ahan inaad tirahdo qofkaan aan muslimkaahayn ee wadanka kula dagan waan dilayaa madama uu gaal yahay .

wixii ziyaada ah ee ku saabsan mowduucan walaalaha wuu u furan yahay tan xigtana waxaan uga hadli doonaa qodobka labaad ee xuquuqda nafta iyo waxa la xiriiro

Share this post


Link to post
Share on other sites

NAFTA ( bini aadam iyo xoolaba)

Nafta waa shey qaali ahaa waa hibo Eebe ayaana dhowray ,islamka wuu ilaaliyay in nafta lagu cayaaro ama dhib loogeysto sidaa darteed ayuu eeba reebay wax kastoo nafta dhibayo ama caafimadkeeda wax u geysanayo , wuxuu kaloo reebay in nafta laga gooyo qof si dulmi ah xitaa waa la reebay in xayawaan la dilo ayadoon faaida laga heleyn ama aadan iska difaaceyn ,waa xaaraam in aad eey ama ari aad iska dishaa.

nafta bini aadamka waa xurmey san tahay lama ogolo gaal muslim in dulmi lagu dilo. sidaa darteed ayeey diinta ciqaab adag u suubisay qofkii xurmadaas ku xad gudbo , waa ciqaab adag lakin waxey ka badbaanineysaa dadka dulmiga ,mathalan hadii layiraahdo qofkii wax dilo 7 ama 14sano halagu xugumo natiijada maxey noqoneysaa . taasi waxaa practicle noogu cadeeyay dilaayaasha wadamada galbeedka , in ka badan 50% dadka horey wax u dilay wexey markale galeen dil kale .

meeshan waxaad ka dhadhamineysaa sidu uu islaamku u yahay mid u fiican bini aadamka waqti kasta eey joogaan .allah wuxuu yiri ( waxaa idinku sugnaatay qisaasta nolol dadka wax garadka ohow waxaadna mudantihiin inaad dhowrsataan) ch 2 v 179 . gaal lama dili karo haduusan ahyn mid dagaal kugula jiro ama suubinayo axkaamta eey diinta ku ciqaabeyso dadka xad gudbayaasha sida dilida qofkaloomuslim ah. si nafta bini aadamka loo ilaaliyo ayey diinta islaamka u diiday in la isticmaalo drug , in leys daldalo , in xubin jirka kutaal oo fiican leyska jaro micna la,aan. zinada madama eey cuduro nafta usoo jiideyso, iyo wada kasta oo qofka naftiisa waxyeeleyn kara .

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadaba diinta islaamka ee sidaa u dhowreyso nafta iyo sharafkeeda ayey kuwa jaahil ka ah ama xaasidnimadooda xaqa ka qarisay ku eedeynayaan diinta iney tahay diin dil ku saleysan , badanaana wexey is dhax geliyaan muslimiinta qaar khaladaadkooda markaas ayey diinti shabad uga dhigayaan , wey jiraan xarakaatka ka jira wadamada islaamka ee galaya dilal , qaasatan dil qof muslim ah Eebe weyne wuxuu leeyahay ( qofkii dila qof mu'min ah si kas ahna u dilo abaalkiisu waa cadaabta jahannamo wuuna ku waarayaa )) bal fiiri Eebe siduu usii dhowray nafta qofka muslim ka ah maxaa yeelay dilkiisa waa ka tilaabsasho amarka Alle ,goyn walaaltinimadii islaamka , agoonteyn ilma muslim ah. sidaa darteed ayey ciqaabtu u adkaatay , qaladaadka muslimiinta qaarkood barri bey ka tahay diintu .

Allaha agtiisa waxaa fudud burburinta kacbada marka loo Eego adoonkiisa toosan oo la dilo , ma qofka mu'minka bas ayaa daran oo kuwa kale waa la dili karaa jawaabtu waa maya naftu waa naf , ma muslimiinta un baa la dhaafayaa oo gaalada waa la laynayaa jawaabta waa maya , dumarka gaalada, caruurtooda, waa xaaraam in ladilo hadeysan ayaga hubeysneyn eeyna kusoo weerarin .

bal is barbardhiga yaa xuquuqda nafta siiyay ma islaamka mise bini aadamka wexey isku raaceen ee UN dukumiintiyadooda lagu qoaray , qofkastoo caqli leh wuu fahmi karaa haduu aqriyo Diinta islamka aqriyana kan qaramada midoobey .

xitaa waqtiga jihaadka diintu wey sugtay qawaaniin bey u dajisay xadgudubyada bey ka rebtay , jihaadka weerarka wuxuu ahaa si loo badbaadiyo qolo dhiban xuriyadooda, si loo siiyo qof dulman in dulmiga laga qaado .dagaalka difaacana wuxuu ahaa si loo badbaadiyo nafta xuriyada laga qaaday lagana badbaadiyo dadka in la fasahaadiyo ,xumaanna la baro .labada dhinacna waa xoriyad u dagaalamid .

Share this post


Link to post
Share on other sites

CAQLIGA(MAANKA)

ASALAAMU CALEYKUM

caqliga waa heybad uu aAllah u qaas yeelay bani aadamka kagana fadilay noolaha intiisa kale , hadii qofka uusan caqli lahayn waxa uu dheer yahay xoolaha ayaa iskaba yar.

sidaa darteed ayeey diinta islaamku u ilaalisay ,una diiday in lagu cayaaro , qofka waalan waa laga dhaafay danbiyada uu gala maadaama ey maskaxdiisa sidii la rabay u shaqeyneynin . islaamka wuxxu mamnuucay wax kastoo maanka doorinaayo sida khamriga , iyo inta soo raacdo ee maandooriyayaasha ah .

waxaa kaluu islaamka diiday in caqliga dadka kale lagu cayaaro sida in wax yaalo qaldan looga dhigo wax sax ah wixii xumaana looga dhigo wax fiican . xumaanta oo dadka loo qurxiyo waa nooc ka tirsan duminta caqliga dadka .

dhanka kale islaamku wuxuu na faray inaanan dadka been usheegin si aan u lumino , inaan daraagiska dadka ka celino ,cuqubo adagna waa loo balan qaday dadka xumaantaas suubiyo . wax kastoo caqliga nadiifka ah ka hor imaanayo islaamka wuu reebay. wuxuuna amray inaan wax barano dadkana wax barno , si loo sara qaado maankeena . caqligana waa hibo Alla siiyay qofka , loomana ogola in lagu cayaaro .

balse dadka qaar ayaa usoo dhardhigtay in dadka xumaan lagu shubo , malaayiin wesite iyo TV channel oo kuligood xumaan ah ayaa la furay bas in dadka maskaxdooda lagu cayaro ayadoo lagu qarinaayo xuriyad hadalka . malaayin kalana waxaa loo furay in dadka islaamka lagu diro oo kaliya . islamphopia iyo waxa lamid ah .

fiiri diinteena sidey u tahay naxariis waa naloo diiday inaan dadka been usheegno si aan waxaan rabno uga dhaadhicino , waa nalaga celiyay inaan xumaanta faafino , waa nalaga reebay drugs ka kiisa yar iyo kiisa weyn ,waxaa nala amray inaan xaqa sheegno si naxariis ahna u sheegno si qalbiga qofka isagoo ku qanacsan kana fikiray uu islaamka u soo galo , diinta waxaa kalooy noo suubisay meel aan ulaabano (kitaabka iyo sunnada ) si aanan diinteena naloogu soo gaban ama diintii si qalad ah noolaga faaiideysannin .

Share this post


Link to post
Share on other sites

MAALKA( HANTIDA)

ASALAAMU CALEYKUM

diinta islaamka waa nimco xitaa waxey nabareysaa sidaan u isticmaali lahayn hantida wadooyinkaan ku keeni lahayn meeshaan ku bixin lahayn .

'' hantidu Alla leh anaguna adoomadiisa ayaan nahay '' sidaa darteed waxaa muhiim ah inaan barano wax yaalaha ku saabsan hantida xasuusnaadana xadiithka rasuulka ee dhahay ( qofku jana ma galo ilaa laga weydiiyo afar .. waxaa ka mid ahayd maalkiisa meeshuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyay ) sidaa daraadeed islaamka wuxuu naga xarimay inaan wado xaaraam ah ku keeno hantida wuu diiday musuqmaasuqa , ka ganacsiga waxyaalaha xaaraamka ah . waxaa kaloo diinta islaamka eey noo jideeysay sidaan u isticmaali lahayn lacagta ka dib markaan wado xalaal ah ku keeno ,waa ladiday in lacagta waxyaalo aan micna lahayn loo isticmaalo , allah wuuu quraanka ku sheegay suuratu nisaa ayad micnaheedu ahaa ( qofka safiiha ah inaan lacagtiisa loo dhiibin ee loo maamulo si uusan ugu cayaarin ) .

kadib diinta waxey dadka ku dhiiri galisay iney shaqeystaan waxaa tusaalo loogu dhigay ( sida nabi daauud , nabi yuusuf ,nabi muuse ) qisooyinkaas oo dhan waxaa ku jira boorin ah in aan shaqada xalaasha laga xishoon ,tuugsigana waa la ceebeeyay . cumar bin khadhaab wuxuu yiri waxaan la yaabaa wiil dhalin yara ah iyo awoodiisa markaas ayaan weydiiya miyuu shaqeeyaa hadi maya la yiraahdo waan ka niyad jabaa.

cuntana waxaa ugu qiima badan midaad gacantaada ku keensaday , labada gacan mida wax bixisaa qeyr badan .waxaas oo idil wexey na tuseeysaa inaan shaqeysano wado xalaalna ku keensano

Share this post


Link to post
Share on other sites

intaas diinta ugama tagin ee wey ilaalisay xuquuqda waxa eey dadka hanteen , waa ladiiday in lagu xadgudbo waxa uu qofka shaqeystay ee uu dhididkiisa cilmigiisa iyo waaya aragnimadiisa ku keensaday, rasuulka SWC wuxuu yiri'' siiya midka la soo ijaarta xaqiisa inta uusan engagin dhididkiisa'' yacnii qofka yaanan mushaarkiisa dib looga dhigin , si xuquuqda shaqaalaha loo dhowro ayaa diintu xadka gacan goynta u jideysay si aanan loogu xad gudbin xoolada dadka , balse diinta wey sii xadidoo inta lagu goynayo iyo waqtiyada lagoynayo , hadey abaaro jiraan ama dhib u geysay inuu qofka wax xado xukunkii waa ka dhacay , waa la diiday lacagta dulmiga ah ee ribada, dadka lagu dhaco , ribadaas oosababtay aafo lacageed oo dunidii oo idil saameysay ( financial crises ) iyo wixii ku dhacay shirkadihii waa weynaa sida AIG ee suuqa ka baxday .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this