General Duke

July 1st Still biggest Somali event ever..

Recommended Posts

Maalinta 1-da July oo si weyn looga maamusay qaar gobollada Soomaaliya.

Fri, 01 Jul 2011 13:36:50 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Galkacyo, July 01 - Xalay illaa iyo maanta waxaa geyiga Soomaalida iyo meelo badan oo dibadda ah oo ay deggan yihiin Jaaliyadaha Soomaalidu ka socday dabaal-degyo ballaaran oo lagu maamuusayey maalinta 1-da July oo ah xilligii xorriyaddooda ay hanteen gobollada koonfureed ee dalka ayna la midoobeen kuwa waqooyiga.

 

Dabaal-daggayaydii ugu waaweynaa waxaa ay ka dhaceen deegaannada Puntland iyo magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu weynaynayey maalinta 1-da July oo ah maalin qiimo iyo ahmiyad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed, lana maamuusay maanta 51 guuradii ka soo wareegatay hanashadii xorriyadda.

 

Magaalada Muqdisho habeennimadii xalay ahayd waxaa lagu qabtay xaflad ballaaran oo ku aadanayd xuska 1-da July taasoo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayna ka qayb-galeen madaxda sar sare ee dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya sida R/wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka, xubno badan oo ka tirsan golayaasha dawladda, taariikhyahanno, qaybo ka mid ah shacabka Muqdisho iyo dad wax badan la socday una soo joogay halgankii dheeraa ee loo soo maray hanashada gobonimada Soomaaliya.

 

Xafladdaasi waxaa laga soo jeediyo haddalo-taariikheed gundhig u ahaa halgankii wakhtiga badan qaatay ee loo soo maray baadi-goobka xorriyadda iyo qarannimada Soomaaliya, kaasoo laguna waayey rag iyo dumar badan macne iyo miisaan ku dhex-lahaa bulshada. Madaxdii kala duwanaa ee munaasabaddaasi ka qayb-qalay ayaa dadka Soomaaliyeed siweyn u xasuusiyo xanuunkii loo soo maray xorriyadda iyagoo babar-dhigay xaaladdu siday haatan tahay iyo xushmad darrada haysta dadka iyo deegaankaba.

 

R/wasaaraha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii dawladda ka hadlay xafladda lagu maamuusayey maalinta 1-da July ayaa ku dheeraaday miisaan iyo mug-weynida maalintani u leedahay ummadda Soomaaliyeed, isagoo wax laga tiiraanyoodo ku tilmaamay marka la is dhinac dhigo qalbiga iyo quluubta dadka Soomaaliyeed halkii ay joogtay 51 sano ka hor iyo haatan sida ay tahay.

 

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan oo isna ka mid ahaa mas'uuliyiintii dawladda ee ka qayb-galay munaasabaddii madaxtooyada Soomaaliya ayaa isna wax ka taataabtay dadaalladii dheeraa ee loo soo galay helitaanka xorriyadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay maalintaani in qiimo weyn u leedahay ummadda Soomaaliyeed isagoo shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba u rajeeyey sannadka kan-xiga in ay ku gaaraan nabad iyo nolol-wanaagsan.

 

Saacaddu markii ay ku dul-istaagay 12:00 saq-dhexe ayaa halmar la wada qaaday heestii calanka Soomaaliyeed iyadoo calankana la suray beer-dheer oo la dhax-mudan Villa Soomaali taasoo ku abbaarnayd wakhtiga wakhtigiisii kale ee sanaddii 1960-kii xilligaasi oo ahayd markii uu Muqdisho ka dhex-babaday Calankii Soomaliyeed ee ugu horreeyey.

 

Dad badan oo iskugu jiray taariikhyahanno, waxgarad iyo kuwo u soo joogay heerarkii kala duwanaan ee uu soo maray halgankii gobonimadu waxaa ayaa ka hadlay xafladdii xalay lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhammaantood si qiiro leh uga turjumay dhiiggii iyo dhaqaalihii ku baxay xorriyadda maanta la haysto.

 

Dhinaca kale magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland habeennimadii xalay ahayd waxaa lagu qabtay xaflad midaasi la mid ah, ayna ka qayb-galeen dhammaan madaxda dawladda, ururrada bulshada rayidka ah, inta badan salaadiinta dhaqan Puntland, aqoonyahanno, taariikhleey Soomaali ah, abwaanno iyo Suugaanleey iskugu jira heerar kala duwan.

 

Xafladdaasi oo u astaysnayd maalinta 1-da July ee xorriyada gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo midawgii waqooyiga iyo koonfurta ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo abaabulay laguna weynaynayey xuska maalin-taariikhka 1-da July.

 

Inkasta oo wariyaasha Radio Daljir laga hor-is-taagay, loona diiday, ka qayb-galka iyo baahinta xogta iyo khudbadaha taariikhiga ah ee lagu muujinayo mugga iyo miisaanka culus ee maalintani ugu fadhido ummadda Soomaaliyeed, haddana waxaa noo suura-gashay in aan helno dhammaan khudbadihii kala duwanaa ee ay halkaasi ka jeediyeen mas'uuliyiinta dawladda iyo madaxdii kale ee xafladdaasi lagu mariqaaday.

 

M/weynaha dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay oo ka jeediyey munaasabaddaasi waxaa uu uga hadlay arrimo badan oo la xiriira halgankii xorriyadda, dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira iyo kuwa Puntland isagoo madaxweynuhuna hadalkiisan si kulul ugu weeraray warbaahinta Puntland.

 

Sidoo kalena mas'uuliyiin badan oo iskugu jiray kuwa dawladda, ururrada bulshada, salaadiinta dhaqanka Puntland, aqoonyahannada iyo waxgaradkii xafladdaasi lagu casumay ayaa dhammaantood si hiiro iyo waddaniyad xabmaarsan u iftiimiyey hawlihii iyo dadaalladii muddada qaaday ee loo maray in la helo xornimo lagu naaloodo.

 

Dhinaca kale magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa isna maanta lagu qabtay xaflad aad u ballaaran oo ay ka qayb-galeen boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday xaafadaha kala duwan ee magaalada Galkacyo taasoo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee magaalada Galkacyo.

 

Xafladdaan oo lagu tilmaamay in ay ahayd middii ugu weynayd oo abid lagu maamuuso maalinta maalinta 1-da July wixii ka danbeeyey qaran-jabkii Soomaaliya ayaa waxaa khadka telefoonka uga qayb-galay R/wasaraha cusub eee Soomaaliya Prof- Cabdiweli Maxamed Cali iyo R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kuwaasi oo khadka teleefoonka ku jeediyey khubad la xiriirta munaasabadda 1-da July.

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Poor secessionist you celebrate while you are unrecognized and still part of the country you claim is under occupation.

 

July 1st is real. Somalia is not dead and her people love her still.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Celebrating independence while the Capital city is under occupation by ugandan forces. Somalias decisions are not made in Mogadisho they are made in Kampala so Duke you should start a struggle and fight against the occupation forces instead of showing up with crocodile tears celebrating a fictional independence day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Did someone mention Kampala?

 

uganda4.jpg

 

uganda1.jpg

 

uganda3.jpg

 

Munaasabada 1 Luuliyo oo si weyn looga xusay magaalada Kampala ee dalka Uganda[sawiro]

12 hours ago | 1 comment

Xaflad si weyn loo soo agaasimaya Isla markaana lagu maamuusayey Sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaaliya ay qaadatay Xornimada ayaa waxaa habeenimadii xalay laga xusay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

 

Xaflada oo lagu qabtay Hotel Agakhana ayaa waxaa kasoo qaybgalay marti sharaf kala duwan oo u kamid yahay Safiirka Safaarada Soomaalida dalka Uganda Sayid Axmed Sheikh Daahir,Marwo Khadiijo Siciid Gurxan oo ahayd Xaaska uu ka geeriyooday alaha ha u naxariistee Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid iminkana ah Guddoomiyaha Ururka Somali Intiative For Peace and Development,haween,dhalinyaro,ardey iyo marti sharaf kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

XX, the greatest occupation is the one of the mind. You hate your people, your country and wish everything bad on it. Now thats a deep occupation one I hope Allah will give you the strength to liberate you from.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.