Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The Hypocrisy of Sheikh Sharif

Recommended Posts

Sheekh Shariif Oo Billad-Sharaf Guddoonsiiyay Ra’iisal wasaarihii Iscasilay Mr Farmaajo.

 

 

Muqdisho(Ramaas) June. 26, 2011-Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay guddoonsiiyay billad-sharaf Ra'iisal wasaarihii iscasilay ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaajo), shahaadadaas oo ka turjumaysay wax-qabadkiisii muddadii yarayd ee uu xilka hayay.

 

Billadda ayaa lagu guddoonsiiyay xafladdii lagu maamuusayay 51-guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorinmadeeda ka qaadatay Ingiriiska oo laga xusay Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku guuleystay wax ka qabashada musuq-maamusqa iyo dib u dhiska ciidanka Soomaaliya.

 

Xubnihii ka qaybgalayay xaflada ayaa aad ugu riyaaqay billadda la guddoonsiiyay Farmaajo, waxaana markii lagu dhawaaqay in la siinayo billad hoolka oo dhan is-qabsaday sacab iyo sawaxan muujiyay in lagu soo dhaweynayo billadda la siinayo.

 

Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xafiiska ka tagay 19-kii bishan, kadib markii uu cadaadis badan kaga yimid dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya iyo Qarammada Midoobay, isagoo sheegay inuu u tanaasulay in ay sii shaqeyso dawlada ku meel gaadhka ah iyo in ay shacabka Soomaaliyeed ka baxaan dhibaatada sida uu ku dooday.

 

Inkastoo Farmaajo aanu ka hadlin xaflada lagu guddoonsiiyay billadda ayaan haddana waxaan la ogeyn halka uu kici doono, balse waxa uu hore u sheegay inuu la shaqeynayo dawlada federal-ka ah ee Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Kadib markii aan aragnay in Mudane Maxamed Farmaajo uu muujiyay sabar, is dhiibid iyo daciiftinimo dheeri ah xilligii uu shaqada Madaxa wasaaradaha hayay, laga billaabo goortii uu dib uga laabtay diidmadiisii xeerka 4.5 illaa iyo dhamaadkii shaqadiisa-Diidmaa heshiiski kambaala- Wuxuu muteystay in lagu xushmeeyo Shahaado sharafkan.

Saxiixa.

Labada Shariif.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We have to realize that Shabab is not the major problem in the country, sooner or later, they will become like Sharif. The problem today is the TFG. We need a government that thinks about the people first. Why do you think they need to recruit from refugee camps in Kenya. Who would want to fight for such a goverment?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this