Sign in to follow this  
Saalax

Dowladda KMGS oo ka soo horjeestay in shidaal laga baaro deegaanada Puntland

Recommended Posts

Saalax   

Dowladda KMGS oo ka soo horjeestay in shidaal laga baaro deegaanada Puntland

 

Dowladda KMG ee Somaliya ayaa sheegtay inay ka soo horjeedo in xiligaan wax shidaal baaris ah laga sameeyo deegaanada Puntland.

 

Wasiirka macdanta,biyaha,tamarta iyo shidaalka Dowladda KMG Somaliya Cabdirsaaq Sheeq Muxidiin oo la hadlayay idaacadda ku hadasha afka dowlada ayaa waxaa uu sheegay inay ka digayaan shirkado caalami ah uu sheegay inay qorshaynayaan inay shidaal baaris ka sameeyaan deegaanada Puntland.

 

Wasiirka ayaa sheegay inuu ugu baaqayo maamulka Puntland iyo shirkadaha uu sheegay in qandaraaska shidaal baarista kula jira inay ku soo wargaliyaan dowladda KMG Somaliya,isagoona sheegay inay dowladda KMGS masuul ay ka tahay dalka.

 

Dowladda Puntland iyo shirkadda baarista shidaalka ee African Oil ayaa heshiis muddo sanad ah ku kordhiyay howlaha macdan baaris ee shirkadahaasi ka sameynaan deegaanada Puntland taasi oo ku’eg 17-Junuary ee 2012-ka.

 

Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin hadalka ka soo yeeray dowladda FKMGS iyadoo arintan ay ku soo beegmayso xilli dowladda Puntland ay horay u sheegtay inay jartay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda KMG Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Degel;729144 wrote:
TFG should get independence from AMISOM and Mahiga before issuing any declarations.

Fair point.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Dawlada Federal-Ka Ee Soomaaliya Oo Sheegtay In Ay Ka Soo Horjeedo In Shidaal Laga Baadho Deegaanada Puntland.

 

 

 

Muqdisho(Ramaas) June. 17, 2011- Dawlada federal-ka ee dalka Soomaaliya ee ka taliso qaybo ka mida Magaalada Muqdisho , ayaa sheegtay in ay si cad uga soo horjeedo in shidaal laga baadho deegaanada maamul goboleedka Puntland, iyada oo aan fasax laga qaadin xukuumada ku meel gaadhka oo ay beesha caalamka u aqoonsan tahay dawlada rasmiga ee Soomaaliya.

 

Wasiirka shidaalka iyo macdanta Cabdirisaaq Sheekh Muxuyadiin oo maanta la hadlay qaar ka warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay dawladiisu aqbali doonin shirkado shisheeye ah oo baadhitaano shidaal raadin ah ka sameeyay deegaano ka tirsan Puntland oo qayb ka ah nidaamna federal-ka Soomaaliya, waxaana uu uga digay shirkadaha ay heshiisyada Puntland la gashay in aanay ku dhaqaaqin sahaminta shidaalka Soomaaliya oo aanay Puntland xaq u lahayn in fasax siiso shirkado kale.

 

Puntland ayaa sheegtay toddobaadkan in ay heshiis shidaal qodis ah la gashay shirkad la yidhaahdo African Oil Company oo sahamin shidaal baadhis ah oo ka fulin doono dhulkaas dhawaan, iyada oo lagu rajo weynyahay in shidaal laga helo dhul badan.

 

Laakiin hadalka ka soo yeedhay dawlada Sheekh Shariif ayaa noqonaya diidmadii ugu cuslayd ee ka hortimaada maamul goboleedka Puntland.

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this