Sign in to follow this  
Saalax

Xildhibaanno ugu baaqay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya inuu fuliyo heshiiskii Kampala uuna

Recommended Posts

Saalax   

Xildhibaanno ugu baaqay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya inuu fuliyo heshiiskii Kampala uuna iscasilo

 

Arbaco, June 15, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu baaqay ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaailya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu u hoggaansamo heshiiskii laug gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda uuna is-casilo.

 

Mudanayaashan ayaa sheegay in haddii uu ra'iisul wasaaruhu fulin waayo heshiiskii Kampala uu dalku cagaha la geli doono marxalad ka duwan midda uu hadda ku jiro, waxayna sidoo kale dhaliileen dibadbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu taageerayay xukuumadda.

 

"Inta ay goori-goor tahay oo aanu dalku ku laaban dhibaatadii uu soo maray waa inuu Farmaajo fuliyaa heshiisii lagu gaaray Kampala oo uu xilka iska casilo, haddii uu taas sameyn waayo dalka wuxuu lugaha la galayaa dhibaato," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa mudanayaasha shirka jaraa'id qabtay.

 

Mudane Xaabasade ayaa sheegay inay jiraan xildhibaanno sheegaya inay codka siinayaan Farmaajo, wuxuuna sheegay sheegay inuusan isagu diyaar ku jirin arrintaas, isagoo ka digay in la horseedo in dalka uu dib ugu laabto dhibkii laga soo gudbay.

 

Xildhibaan Maxamed Xuseen ***** (Afaraale) oo ka mid ahaa mudanayaashii shirka jaraa'id ka hadlay ayaa isagu si gaar ah diiradda u saaray dibadbaxyadii ka dhacay Muqdisho, isagoo ku tilmaamay inay ahaayeen afgambi fashilmay.

 

"Markii ay soo baxeen go'aannadii Kampala waxaa Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo wajiyo badan, waxaana u arkaa inaan waxba lagu toosinayn, balse loogu talogalay in wa lagu qaribo, waxayna ahaayeen kacaan fashilmay," ayuu yiri Afaraale.

 

Xildhibaanku wuxuu sidoo kale sheegay in mudaaharaadyadaas haddii ay ahaayeen kuwo wax lagu toosinayo aan la gubeen masawirrada madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo midka guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, isla markaana lagu handado dadka gaadiidka wata inay jidadka ku maraan masawirka Farmaajo.

 

Ugu dambeyn, xildhibaan Maxamed Afaraale wuxuu ugu baaqay hay'adaha nabad-sugidda dowladda inay baaritaanno ku sameeyaan mudaaharaadyadii dhacay iyo weliba dhibaatooyinkii dhacay intii ay socdeen, ciddii ay ku caddaato inay ka dambeysayna sharciga la horkeeno.

 

Mudanayaashan oo u muuqday inay taageersan yihiin guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan ayaa hadalkooda wuxuu imaanayaa iyadoo ra'iisul wasaare Farmaajo uu shalay sheegay inuusan xilkiisa iska casilayn inta baarlamaanku uu go'aan ka gaarayo heshiiskii Kampala.

 

http://www.hiiraan.com/news/2011/Jun/wararka_maanta15-13905.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xildhibaano kale oo maanta Muqdisho shir ku yeeshay oo ku Baaqay in Raisul Wasaare farmaajo uu iska casilo Xilka uu xukuumada soomaaliya uhayo maadaama Heshiiskii kampala uu ahaa in uu xilka kadago

(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 15, 2011

Muqdisho(HWN) xildhibanadaan ka Tirsan barlamanaka soomaaliya oo ayaguna muqdisho shir ku yeeshay ayaa sheegay in raisul wasaare maxamed c/laahi farmaajo uu xilka kadago maadaama Heshiiskii kampala uu wax kasaxiixay uu ahaa in uu mudo bil

 

Muqdisho(HWN) xildhibanadaan ka Tirsan barlamanaka soomaaliya oo ayaguna muqdisho shir ku yeeshay ayaa sheegay in raisul wasaare maxamed c/laahi farmaajo uu xilka kadago maadaama Heshiiskii kampala uu wax kasaxiixay uu ahaa in uu mudo bil ah xilka iskaaga casilo

 

Xildhibanadaan oo tiradooda la shaacin inta ay la ekeeyaan ayaa sheegay in xukuumadaan ay ka horeysay xukuumado kale oo wax ka qabtay xaalada soomaaliya balse Xukuumada farmaajo loogaga baahan yahay in ay iska casisho xilka uu hayo

 

Kulankaan ay yessheen xildhibaanada ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan ka soo horjeeday xukuumada farmaajo kana qeyb galay kulankan oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in Farmaajo loogaaga Baagan yahay in ay katanasusho xilka uu hayo hadii kalana uu dalka lugta lasii galayo dhibaato horleh

 

Shirarkaan kala gooni goonida ah ay yeeshanayaan barlamanka soomaaliya oo Ebeb Noqon kuwa isku dhinaca oo inta ay jirtay dowladaan kala mowqif ahaa waxaana Xildhibaanada Maanta kulankaan yeeshay ee farmaajo ka soo horjeeday cadeeyay in banaan baxyadii ay ahayeen Afgambi fashilmay waxaana ay tilmaamay in heyadaha Amniga dowlada ay baaritaano kusameeyaan Cidii kadambeysay banaan baxyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The former warlords of the country be it Maxamed Dheere, Indhacade, Muuse Suudi, or Xaabsade of today all seem to be vehemently in favor of bringing down this government. Masiirkoodi siyaasadeed iyo danahoodi gaarka ayay ka dhex arki waayeen.

 

On the same day Xaabsade and his friend held this press conference, over a hundred parliamentarians were meeting with the Premier to discuss their vote in support of him. How come you don't report that?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Poster-ka inuu Xaabsade of the South yaqaan u maleynmaayo. At least Xaji Xunjuf ka baro siyaasada Koonfur asagaa macalin ah lol.

 

Koley future parents waxaan kula talin lahaa iney magaca Xaabsade ka fogaadaan. Wiilashiina Xaabsade ha ubixinina. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Somalina i do know it's Xaabsade of the south the one from Bay & Bakool not our Xaabsade of Sland lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol@we.

Anywho maadan fahmin waxba weli. Perhaps you can PM awoowe si uu xooga wax kuu fahamsiiyo.

Viva Ethnic Lander of the year Mudane Xaji Xanjo. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Ra’isal Wasaare Farmaajo oo la kulmay xildhibaano katirsan baarlamaanka

 

Ra’isal Wasaaraha Dowladda Faderaalka KMG Soomaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay inka badan 100-xildhibaan oo katirsan baarlamaanka Soomaliya kuwaasi oo uu ka codsaday inay taageeraan xukuumadiisa.

 

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diirada lagu saaray khilaafka xooganaa ee ka dhexjiray xukuumada ra’isal wasaare Maxamed Cabdilahi Farmaajo iyo xildhibaanada baarlamaanka kuwaasi oo marar sii horaysay isku khilaafsanaa waqtiga ay dhacayso doorashada iyo mudo kororsiga baarlamaanka.

 

Ra’isal wasaare Farmaajo oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu codsanayo inay wada shaqayn dhexmarto xukuumadiisa iyo xildhibaanada isagoona sheegaya in loo baahanyahay in laga sii gudbo khilaafkii xooganaa ee ka dhextaagnaa xukuumadda iyo baarlamaanka.

 

Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaliya oo ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay inay taageersanyihiin xukuumadda xiligaan uu hogaamiyo ra’isal wasaare Farmaajo,waxaana ay sheegayn inay dhankooda la shaqayn doonaan.

 

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ra’isal wasaaraha uu sheegay in heshiiska magaalada Kambala ay ku gaareen madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka loo baahanyahay in la horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka,taasi oo ka dambeysay kadib markii heshiiskaasi uu qeexayay inuu ra’isal wasaaraha uu isku casilo muddo 30-maalmood gudahood ah.

 

 

http://horseedmedia.net/2011/06/15/raisal-wasaare-farmaajo-oo-la-kulmay-xildhibaano-katirsan-baarlamaanka/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this