Sign in to follow this  
Saalax

Korneyl ka tirsan ciidamada Ugandha oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Saalax   

Dowlada Ugandha ayaa xaqiijisay in mid kamid ah Korneylada hogaamiyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho la dilay maalinimadii Sabtidii.

 

Korneylkan ayaa lagu wadaa in maanta magaciisa la shaaciyo, wuxuuna kamid ahaa shan askari oo kamid ah ciidamada AMISOM oo uu ku dhacay hoobiye ay soo tuureen kooxda Al Shabaab, dagaalkii ugu danbeeyey ee ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

 

Korneylkan ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyey ee AMISOM oo in muddo ah lagu dilo dalka Soomaaliya gudihiisa, waxayna kusoo beegmaysaa xili ay ciidamada AMISOM wadaan dagaalo ay ku doonayaan inay kula wareegaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

 

Xarkada AL Shabaab ayaa sheegtay inay gubeen labo kamid ah gaadiidka dagaalka ee AMISOM, ayadoo Taliyaha Ciidamada AMISOM Maj. Gen. Nathan Mugisha uu xaqiijiyey dhimashada saraakiisha ka socota AMISOM, asagoo arrintaasi ku tilmaamay mid nasiib xumo ah.

 

Maj. Gen. Nathan Mugisha oo hada ku sugan shirka ka dhacayey magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayaa sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan magaca Taliyahaasi la dilay, wuxuuna sheegay in si khaldan uu u dhintay sarkaalkaasi sare.

 

Dilka Korneylkan kasoo jeeda dalka Ugandha ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musefeni uu sheegay in wakhti 1 sano ah loogu daro dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, hadii kale oo lasoo dadajiyo Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka in dalkiisa uu ciidamada Ugandha kala bixi doono dalka Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this