Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: UN Security Council meets Somali's condemn the actions of Sharif Ahmed Sharif Xasan.

Recommended Posts

Xubnaha Golaha Ammaanka ee UN-ka oo kulan gaar ah ku canaantay Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan

 

Arbaco, May 25, 2011 (HOL) – Kulan ay si gaar ah xubnaha golaha ammaanku ula yeesheen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wararka hoose oo laga helayo waxay sheegaan in labada mas'uul lagu canaantay.

 

Shirkan oo dhacay markii uu dhaammaaday kulankii hore oo ay ka qaybgaleen xubno ka socda maamullada dalka ka jira iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa la haray labada Shariif xubnihii ka socday golaha ammaanka ee UN-ka, iyagoo si aad ah ugu canaantay kulanka.

 

Warar la helayo ayaa sheegaya in labada Shariif loo sheegay inay isku haystaan in doorasho la qabto iyo inaan la qaban iyadoo dalka ay ka socdaan dagaallo culus oo ay ku dhimanayaan askarta DKMG ah iyo kuwa AMSIOM, iyadoo warark ay intaas ku darayaan in xubnuhu ay muujiyeen sida ay murankooda uga xun yihiin.

 

Sidoo kale, wararka kulankaas ku dhow ayaa sheegaya in xubnaha golaha amnigu ay u soo jeediyeen labad Shariif inay ka shaqeyaan sidii nabadda Soomaaliya wax looga qaban lahaa.

 

Gallinta dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in shir saxaafadeed ku saabsan go'aannadii kasoo baxay kulankii saakay dhacay oo ahaa mid loo diiday inay saxaafaddu goobjoog ka ahaato kasoo baxay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku guuldareystay afar kulan oo ay Muqdisho ku yeesheen inay heshiis kaga gaaraan khilaafka ku saabsan in doorasho la qabto sannadkan iyo in dib loo dhigo illaa sannadka dambe.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodobo Horudhac ah Oo Kasoo Baxay Shirkii Kenya iyo Madaxweyne Shariif oo Muqdisho Ku Laabtay

36 mins ago | 1 comment

Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa galabta gelinkii danbe dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.

Shariif Sheikh Axmed oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirka ka soconaya wadanka Kenya waxyaabaha looga hadlay ay qayb ka ahayd sidii loo dhamayn lahaa khilaafka Dawladda KMGS iyo in shir la isugu keenayo dhinacyada Soomaalida uu ka dhaco bisha Juun magaalada Muqdisho.

 

Shirka ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobey ee la isugu keenay dhinacyada Soomaalida ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi,waxaana goob joog ahaa saraakiil ka kala socda Gal-mudug,Puntland,Dawladda KMGS iyo ururada bulshada rayidka ah ee Soomaalida.

 

Natiijooyinka horudhaca ah oo ay Horseed Media shirkaasi ay ka heshay ayaa sheegaya in shirka ay kasoo baxeen qodobo ay ugu muhiimsanaayeen:

 

In Soomaalida taladeeda dib loogu celiyo si ay uga tashadaan aayahooda.

 

In bisha Juun shir ay ku baaqday Dawladda KMGS ee ka dhacaya Muqdisho lagu xaliyo caqabada dhexyaala Soomaalida.

 

Waxaa la filayaa in Warsaxaafadeed rasmi ah laga soo saaro Saacadaha soo socda ay Qaramada Midoobay ay kasoo saarto Shirkaasi.

 

Wixii Faahfaahin oo kasoo baxa Shirkaasi kala soco Horseed Media

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

The two Sharif's are the problem here, so far I welcome the actions of this meeting.

Everyone should be told the truth, Siilanyu, Faroole, Calin, Shari's, Farmaajo. The people of Somalia need a new chapter and no longer accept this mindless nonsense. The UN nations have done us a great deal of harm, for once lets have a positive stance towards the poor Somali’s.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xeerfow, adeer you seem to be celebrating for no reason. Others are saying that Sharif Ahmed ran back to Mogadishu, because he lost the argument today..

 

Lets wait and see. A national conference in Somalia in Mogadishu is the way to go. However we shall wait for the statement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi:(Allpuntland)-Xubno ka socda golaha Amaanka ee qarama midoobey oo ilaa shalay kusugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulamo kaladuwan la qaatay mas'uuliyiin kaladuwan oo isugujira dhinacyada dalka Soomaaliya awooda muuqata ee dhanka siyaasada ah kuleh kuwaas oo ka warbixiyey xaaladaha kaladuwan ee dalka iyadoo kulamadan ay ka qeybgaleen dhinacyada isdiidan ee dawlada Muqdisho.

 

Dhinaca kale golaha Amaanka ayaa shir balaaran ilaa galabta la leh wufuud ka kalasocota dawlada Puntland ee Soomaaliyeed, Maamulka la magacbaxay Somaliland & maamulka Galmudug ee koonfurta magaalada gaalkacyo kuwaas oo ka warbixiyey xaalada guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaana dhanka amaanka.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ay la socdeen Wasiirka arimaha gudaha, dawladaha hoose & hormarinta reer miyiga Jen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir),wasiirka maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) & gudoomiyaha maxkamada sare ee Puntland ayaa jeediyey khudbadii ugu kululayd ee lagu dhaliilay tayo xumida & madax adayga maamulka imika jira ee Sheekh Shariif garwadeenka u yahay, wuxuuna madaxweynuhu sheegey inay burburiyeen hankii ay shacabka Soomaaliyeed u qabeen inay mar un helaan dawlad dhexe oo maamusha.

 

xubnaha golaha Amaanka ayaa ay siweyn usoo jeedatid khudbad culus ee madaxweyne Faroole, waxaana la filayaa in goordhow ay goluhu ku dhawaaqaan go'aamo ku aadan xaalada Soomaaliya iyadoo loo badinayo in la qaato intabadan talooyinkii Puntland oo ay ku jirtay in la dhimo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya islamarkaasna laga dhigo kuwo lagu sameeyo deegaano halka ay imika Qaab qabiil & qaab siyaasadeed kuraasta ugu fadhiyaan.

 

Wixii kasoo kordha shirkaas APL ayaa idiin soo gudbin doonta.

 

Xafiiska Allpuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xeefow   

General Duke;723350 wrote:
Xeerfow, adeer you seem to be celebrating for no reason. Others are saying that Sharif Ahmed ran back to Mogadishu, because he lost the argument today..

 

Lets wait and see. A national conference in Somalia in Mogadishu is the way to go. However we shall wait for the statement.

Who said I'm celebrating?? How can I celebrate when my country is in ruin.....??

 

Yaaqay Shariif Sakiin and Mr. Faroole lost...the new technocrats in the cabinet are here to change Somalia, they won't fall into traps made by Mahiga...Shariif Sakiin...Faroole and all devils....insha'allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer stop celebrating you dont even know who won or lost. What should matter is the outcome, does it benefit Somalia or does it benefit men?

 

Lets wait for the outcome, Sharif Ahmed & his friend Sakin got a dressing down, and lets see what the rest were told.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xeefow   

General Duke;723358 wrote:
^^^Adeer stop celebrating you dont even know who won or lost. What should matter is the outcome, does it benefit Somalia or does it benefit men?

 

Lets wait for the outcome, Sharif Ahmed & his friend Sakin got a dressing down, and lets see what the rest were told.

Once again...did I say I'm celebrating....war ileen yaa ilaahi yaaqano

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Funny how our Somali brothers from NW not only attended the meeting, but were the first ones to arrive in Nairobi.. Well done to Somalialand.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Ma jiro wakhti kororsi ee waa in doorasho la qabtaa” War murtiyeed ka soo baxay shirkii Nairobi ee Golaha Ammaanka.

Wed, 25 May 2011 14:27:00 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Nairobi, May 25 - Shirkii maanta ka furmay magaalada Nairobi uu soo qabanqaabiyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa caawa la soo afmeerey, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan xilliga kale guurka ah ee hay’adaha federalka Somaliya.

 

War-saxaafadeedka ayaa nuxurkiisu ahaa inaan habayaraatee wax wakhti kordhin ah la sameyn ee ay doorashadu dhacdo xilligii loogu talagay ee ahayd dhammaadka wakhtiga sharciga ah ee bisha Aug. ee sanadkan. Si taas loo meel mariyana waa inay heshiis deg deg ah gaaraan madaxda federalka ayaa shirka lagu yiri.

 

Waxaa jiray shir gaar ah oo golaha ammaanku la yeeshay labada Shariif kaas oo ilo ku dhaw dhaw sheegayaan inuu ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex oogan labadooda.

 

 

 

Wariye Max’ed Axmed Islkacase oo ka mid ah wariyeyaasha goobjoogga ka ahaa shirka maanta ayaa goor dhawayd u sheegay idaacadda Daljir in la filayo in ay madaxda dawladda federalka ka hadalaan go’aanka ka soo baxay shirkaasi.

 

Madaxda Puntland iyo Somaliland ayaa shirka looga mahad celiyey waxaana la sheegay in labadaasi maamul ay yihiin kuwa ay dadku soo doorteen laguna qanacsayahay.

 

Axmed Sh. Max’ed ‘Tallman’

Radio Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this