Sign in to follow this  
Liqaye

Ciidamada Dowladda KMG ah oo la geliyay Diyaargarow sare iyo qaarkood oo uu sii Ruqaansanaaya Jiidah

Recommended Posts

Liqaye   

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa bilaabay inay qaarkood buuxiyaan jiidaha hore ee dgaalka, iyadoo maalintii shalay Wadooyinka Muqdisho lagu arkaayay Ciidamada Dowladda KMG ah oo raxan raxan u socda.

 

Waxaa la arkaayay ciidamada oo ku socda amar iyo kala dambayn, iyadoo dadka Muqdisho ay daawanaayeen ciidamadaasi oo ku sii jeeda furamaha dagaalka, gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag.

 

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Qaarkood oo u waramaayay webstetkaan ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowladda ay ku jiraan heegan buuxa, islamarkaana ay u diyaar garoobayan sidii ay dagaal xooggan ugu qaadi lahaayeen Xoogagga Al-Shabaab.

 

Ciidamadaan ayaa ahaa kuwo lugaynaaya, waxayna ku hubaysnaayeen Hubka noociisa Cul culus, iyadoo ciidamada Dowladda la sheegayo inay galayaan dagaal ay ku qaadaan fariisimada Al-Shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale Ciidamadaasi ayaa ahaa kuwo markoodii hore tababar ku soo qaatay dalka Uganda, waxayna ahaayeen kuwo ay ka muuqatay kala dambayn iyo kala amar qaadasho.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Quote un-quote

 

Waxaa la arkaayay ciidamada oo ku socda amar iyo kala dambayn, iyadoo dadka Muqdisho ay daawanaayeen ciidamadaasi oo ku sii jeeda furamaha dagaalka, gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Shabaab dhufeyso waaweyn baa u qodan, ciidamo Lugeynaya haddey u taagan, khasaaraha ciidamadaas soo gaadho ma yaraan doono saan qiyaasayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack bro ciidamada tirada ay ka bateen thats why ay uu lugeeynaayaan, koley waa fikradeyda ileen dowladdu koleey waaku xisaabtamayaan waxkasta waa naga xog ogaalsan yihiin. Anyways Inshallah kheyr,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this