Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEOS PICS: People of Awdal North Somalia Waving the Blue Flag of Awdal State of Somalia

Recommended Posts

Liibaan   

Awdal State of Somalia

 

awdal-flag1.jpg

 

 

Caamudnews:

 

Xuskii Maalinta SNM(18 may) Oo Borama isagoon dhamaan Lagu kala Yaacay+

 

Taageerayaasha Awdalstate Oo Si Habsami leh u Maraya Wadooyinka Waaweyn ee Boorama iyagoo Lulaya Calanka Awdalstate+ Shicibka Magaalada oo Sacab iyo Mashxarad ula Sarakacay

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

 

 

 

Maleeshiyada Somalidiidka oo Tacshiirad Isdabajooga Sii Daayay, Dad Badanna Dhaawacay Ka Dib Markii Xuskii 18-ka May ee Boorama Isku Bedelay Munaasabad Lagu Taageerayo Gooni Isku Taaga Maamul Goboleedka Awdal Awdal Sate.

 

Boorama : - Askarta ciidanka Somaliland, ayaa tacshiirad aan loo aabo yeelin ku furay dadkii ka soo qayb galay xukii 18-ka May ee ka dhacay magaalada Boorama, ka dib markii 80% dadkii madasha xuska ku sugnaa ay isku bedeleen dad taageersan gooni isku taaga maamul goboleedka Awdal State. Wararka la xidhiidha Mudaharaadkan ayaa sheegaya in dad aan tiradooda wali la xaqiijin ku dhaawacmeen rasaasta ay ciidanka Somaliland ridayeen.

 

Sida ay noo sheegeen dad goob joog ka ahaa khayriyada Boorama, waxa bilowgiiba lagu daadiyay goobta ay xafladu ka dhacayso waraaqo digniin ah oo ay ku qornaayeen ”inay ceeb tahay in la xuso maalinta SNM-ta”. Sida wararku sheegayaan daka khayriyada joogay ayaa waraaqihii gurtay, wayna akhristeen, ka dina cadceeda ayay iska digeen.

 

Dadkan oo sida la sheegay u badnaa dhalin yar, arday iyo qaybo ka mid ah bulshada Boorama ayaa dhamaantood hoosta ku sitay, kuna qarsanayay calanka Awdal State. 15 daqiiqo ka dib furitaankii xaflada ayaa waxa soo maray madasha xuska dhalinyaro dhinacna ku sitay calanka somaliland, dhinacna calanka Awdal State, taasi oo sida la sheegay ahayd baaq la isla ogaa oo astaan u ahaa biloga mudaharadka.

 

Wax yar ka dib ayaa sida wararku sheegayaan waxa qof walbaa oo khayriyada joogay la soo baxay calankii uu hoosta ku watay ee Awdal State, ka dina waxa bilaamay buuq iyo qaylo, waxaana meesha ka baxay, lafahoodana u baxasaday madaxdii meesha joogtay.

 

Markii ay madaxdii iyo dadkii waayeelka ahaa meesdha ay ka baxeen, ayaa sida wararku sheegayaan waxay dadkii mudaharaadayay dhulka soo dhigeen calamadii Somaliland ee meel walba sudhnaa, waxaanay ku bedeleen calanka Awdal State.

 

Qaban qaaba xuska 18-ka May ee sanadkan ee magaalada Boorama, ayaa aad uga gedisnayd kuwii hore uga dhici jiray gobolka Awdal, iyada oo la kowsatay ku dhawaaqista maamul goboleedka Awdal State. Dareenka iyo cadada reer awdal/Salel ayaa waxa sii kiciyay habdhaqanka xukuumada Siilaanyo, taasi oo si gaar ah cadaawad ugu muujisay shacabka reer Awdal/salel.

 

Si Kastaba ha ahaate, mudahaaradkan iyo Awdal state-da ka hoos shanqadhaysa iyo googoynta calanka Somaliland, ayaa sida la filayo inay kor u sii kicinisay xaraarada siyaasada ee Awdal/Slalel iyo Ismaandhaafka xukuumada Silaanyo.

 

La soo wixii wara ah ee soo kordha.

 

Xigasho:-Harowo.com, Boorama

Share this post


Link to post
Share on other sites
Freedom   

^^^ LOOOL this horse is dead, i thought you post it on May 18th and not on the 19th but you anti-Somaliland lots will look for anything to put somaliland down. Let give a little advice old boy, i was their when these few kids marched and do you know why they marched old boy, its because they were paid. looool sorry to bust your hopes. Second unlike SSC the Clan leadership, younger folks, bussiness community, poltical leaders support somaliland. Go check out the links people posted of Adwal people waving the somaliland flag. You must really real feel foolish now lol :P

Share this post


Link to post
Share on other sites
Freedom   

Viva nothing lol like a child that cant get his way screaming and yelling if that makes you feel better go head by all means Viva what ever you just said lool. :P

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

'Liibaan';721228 wrote:

I agree with people of Borame and Awdal, Vive Awdal State of Somalia, Guusha Yaa leh Awdal State

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Awdal State Media

Breaking News | Mudaharaad Balaadhan oo Looga soo Horjeedo Maalinta Xasuusta Maamuul Gobaleedka Snm ayaa Borama ka Dhacay + Khasaare Naf iyo Maalba leh

 

Maalinta Xuska Maamul Gobaleedka SNM ayaa waxa lagu soo waramaya inay Dadweynaha Awdalstate ee Magaalada Borama Hawada U direen iyadoo lawaayay dad baaxad leh oo isagu soo baxa khayriyada Boorama laakin badalkeedu lagu soo bandhigay Madashaasi Mudaharaad balaadhan oo laga soo horjeedo Maalinta Xuska SNMta.

 

Waxa wararku inta ku darayaan inay dadweynahu kaliya 15 min kadib markii ay socoto Xuska SNMtu oo ay la so baxeen Calanka Awdalstate kuna dhawaaqeen eryo lagu taageerayo awdal state isla markana lidi ku ah maamul gobaleedka SNM ee ku wiiqmay Degaanada awdal state tani iyo markii dadweynuhu maqleen ku dhawaaqida awdalstate ee dibada.

 

Markuu Mudaharaadku bilaamay ayaa wax kale oo dabali******yada cuna bariiska awdalstate hadana ugu shaqeeya SNMtu iyo SNM badan oo la soo duldhigay Magaalada Borama bilaabeen inay xabad ku furaan waxana wararku inta ku darayaan inay ila hada Naftood hurayaashi awdalstate ee ka dhiidhiyay Maamulka SNMta saddex ka mid ah ayaa dhawaac ka soo gaadhay xabada SNMtu hoos ugu dhigtay waxana sidoo kale xabsiga loo taxaabay ila iyo 17 dhalinyaro iyo wax garad isku jira.

 

 

 

Wararka oo inta ka faahfaahsan kala soco awdalstate

 

muuqaalo iyo maqaal naga sug insha allah

 

awdalstate desk

 

 

Daawo Video | Tageerayasha Awdalstate ee Magaalada Borama ayaa Mudaharaad Balaadhan oo Looga soo Horjeedo Maamulka SNM + Maalinta 18 May of SNM ee Boorama oo Fashilantay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Hadii reeri rabto in ay go'do , maxa reerha kaleba u diidaya in ay is maamulaan oo wax naftooda u qabsadaan...

 

People from Awdal state have the right to stand up for their beliefs. Best of luck!.Somaliwayn haday aminsanyihiin maxa wax kale sanka loga galin?? ninka somaliwayn rabina dee wa meshiisa haka tago ya khasbaya?

 

war qofwalbow intaada haku deeqdo miya maanta la iska dhadhicinaya? waa yaab.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Boorame oo laga ugaadhsanayo dhalinayrada taagersan Awdal state.

Tobonaan ka mid ah sirdoonka Somaaliland, kana Soo jeeda beelaha dhexe, oo uu hogaaminayo Daahir Muuse Abraar – Qonbor (Xeeb-Jire, Samroon), oo ilaa shalay lagu soo daabulayay magaalada Boorama, ayaa bilaabay olole lagu ugaadhsanayo dhalinyaradii ka qayb qaadatay mudaharaadkii lagu taageerayay gooni isku taaga maamul goboleedka Awdal State ee shalay bisha May 18-keedii ka dhacay Boorama.

 

Wararka la xidhiidha sirdoonka beelaha dhexe ee uu hogaaminayo Daahir Muuse Abraar (Qonbor), ayaa sheegaya inay gaaf wareegayaan xaafada magaalada Boorama, iyaga oo wata sawiro laga soo naqalay Internet-ka, kuwaas oo sida la sheegay laga soo dheegay Viedo laga duubay dhalinyaradii mudaharaadaysay. Mudaharadkan, ayaa sida laga warqabo khalkhal galiyay xuskii 18-ka May ee ka dhacay Boorama.

 

Mud. Daahir Muuse Abraar (Qonbor), ayaa sida la sheegay khabiir ku ah “Jidh-Dilka dadka iyo sida looga hadalsiiyo dadka dembiyada lagu soo oogo”, waxaanay wararka intaa raacinayaan in looga cabsi qabo inuu xirfadihiisan ku isticmaalo dhalinyaradan la soo raafayo. Qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyarada la soo qabqabtay ayaa maanta hor tubnaa saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, iyaga oo ooyaya.

 

Wararka la xidhiidha ugaadhsiga dhalinyarada Awdal state, ayaa sheegay in ilaa hada tirada la hayo kor u dhaaftay 20, iyada oo wali raafkii iyo baadhitaankii wali uu sii socdo.

 

Dhinaca kale, waxa soo if baxaya warar sheegay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay sirdoonka beelaha dhexe ee magaalada la soo dhoobay iyo ciidanka amniga ee Boorama. Khilaafkan ayaa sida la sheegay ku salaysan baaxada iyo tirada dadka xabsiga loo taxaabayo.

 

Ciidanka bilayska ee magaalada Boorama, ayaa sida aanu ku helnay warar ku dhaw dhaw raba in arintan aan la buun-buunin, lana soo koobo baadhitaanka iyo dadka la xidhayo intaba, halka sirdoonka beelaha dhexena rabaan in arinta la balaadhiyo, loogana faa’iidaysto fursadan oo la soo qabqabto siyaasiiin badan oo la shaqayn jirtay xukuumadii hore, dhalinyaradana la tuso cashar lama ilaawaan ah.

 

Si kastaba ha ahaatee magaalada Boorama, ayaa labadii casho ee u dembaysay ahayd meel ay ka jirto xamaasad qabyaaladaysan oo wajiyo badan leh, waxaana looga cabsi qaabaa inay gaadho heerka ay mareeyso Laascaanood, oo sida la muuqata amaankeedu faraha ka baxay

harawo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this