Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso, Puntland Somalia: Business Expo: PICS

Recommended Posts

Somalina   

Safiirka Somalia U Fadhiya Dalka India Oo Manta Booqatay Bandhiga Carwada Masha’alah

 

Boosaso ( RBC Radio) Safiirka oo Mudo Laba Cisho ah ku sugnaa Boosaso ayaa waxaa Maanta uu Booqasho Ku tagtay Carwada Weyn ee Puntland oo haatan Heer gagabo ah Mareysa.

Marwo Ebyan Maxmed saalax oo ah Safiirka somalia u Jooga dalka India ayaa waxaa ku soo Dhaweyay Gudaha Carwada Maamulka Rugtya Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo ganacsato Ku sugneeyd gudaha Carwada.

Ebyan ayaa waxaa ay Mid Mid u booqatay dhamaan Xarumaha ay Ganacastada ka sameysteen gudaha Carwada oo Haatan Heer gabaga ah Mareysa Waxaana Garab Socday Gudoomiyaha Rugta Ganacasiga iyo Warshadaha Puntland Maxmuud Xayir Ibraahim.

 

2221.jpg

3315.jpg

Markii ay socodkeeda soo Dhameystay ayeey Waxaa ay Saxaafda uga Warbixiyay Wixii ay kala kulantay guud ahaan Puntland iyo Arimaha kala duwan ee Puntland.

 

Ebyan Maxmed saalax ayaa sheegatay in ay tahay Markii Ugu Horeysay oo Puntland ay timaado balse ay kala kulantay Soo Dhaweyn Wanaagsan isala Markaasina ay Maamulka uga Mahadcelineyso habka Nabadgalyada ee ka jira Gudaha Puntland.

 

Safiirka ayaa intaasi Raacisay in ay Ku aratay Boosaso Horumar dhinaca Dhaqaalaha iyo Isku Xirnaasho ganacsatada Dhexdeeda ah Taasi oo Uga Mahadcelisay Maamulka Rugta iyo Wasiirada Qaabilsan Ganansiga.

4416.jpg

Sidoo Kale waxaa ay sheegtay in ay u sii Gudbi Doonto Magloyinka Kale Puntland gaar ahaan garowe Gaalkacyo Qardho iyo Degmada Carmo Halkaasi oo ay dooneyso in ay Eegto habka ay Socdaan Horumarka iyo Nabada ka Jirta Puntland.

 

----------

 

Dawlada waa imaan kartaa PL then. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

IMG_2519.jpg

 

Bandhiga Carwada Caalamiga ah ee Puntland oo lasoo gabagabeeyey[sawiro]

4 hours ago | 1 comment

Waxaa maanta[Jimce] si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland Bandhiga Carwada Caalamiga ah ee Puntland, kaasi oo ay ka qaybqaadanayeen shirkaddaha ganacsi iyo goobaha waxbarasho waxayna soconeysey muddo shan cisho ah.

 

Xarunta Jaamacadda Bariga afrika oo ahayd goobta ay ka furneyd Carwada Caalamiga ah ee Puntland ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Puntland,ganacsato,Isimo iyo dadweyneynihii ka faa’ideystay qiime dhimista adeegyada ganacsi ay u sameeyeen shirkadihii ganacsi ee ka qaybqaadanayey bandhiga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkadihii shahaado sharafta iyo biladaha la siiyey ayaa waxaa kamid ahaa:

 

Shirkadda Golis

Shirkadda Towfiiq

Shirkadda Alfadli

Xawaaladda Iftin Express

Salaama Puntland Bank

Shirkadda Ilo Taango.

Jaamacadda Bariga afrika

Jaamacadda Muqdisho iyo qaar kale.

Si kastaba ha ahaatee Carwada Caalamiga ah ee Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacdey kala iibsi aad u faro badan, taas oo dhaqaale cusub ku soo kordhisey deegaanada Puntland, waxaana jira dad badan oo uga yimid gobolada dalka.

 

Bandhigaan ganacsi ee caalamiga ah ayaa la furay 15.5.2011,waxaana lasoo gababeeyey maanta oo ay taariikhu tahay 20.05.2011, Ganacsatada ayaa isku raacey in sanadkasta hal mar la qabto inkasta oo aan weli la cayimin maalinta rasmiga ah ee Carwada Puntland loo qoondeeyey in la furo.

 

 

Cismaan Axmed Ciise &

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this