Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: opposition leader Yasin Says atam is not a terrorist the pirate state is.

Recommended Posts

Madaxwayne ku Xigeenkii Hore Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Garab La Siiyo Kooxda Puntland Kula Dagaalanta Buuralayda Galgalla, Kana Hadlay Aqoonta KULMIYE Ee maamulka dawlada.

 

Hargeysa (Ramaas) May 14,2011 - Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UDUB Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inay garab siiso jabhadda maamul goboleedka Puntland kula dagaalamaysa deegaanka Buuralayda Galgalla.

 

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in dadka ku dagaalamaya ama dagga Galgalla yihiin dad reer Somaliland oo maamul goboleedka Puntland ka baro-kicisay dhulkoodii si ay halkaasi uga gurato macdan uu sheegay inay ku jirto, isla-markaana dadkaasi difaacayaan.

 

Md Yaasiin ayaa sheegay in maamulka Puntland doonayo inuu wada laayo dhalinyaradda Galgalla kula dagaalamaysa, isaga oo intaa ku daray haddii garab la siin waayo in Somaliland oo indhaheedu shan yihiin la guran doono macdanteeda halkaa ku jirta.

 

Guddoomiye ku xigeenka UDUB, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya arimahaasna waxa uu yidhi “Galgalla xadkeena waxay u jirtaa (4KM), barigii ay meesha soo weerareena gudaheena way soo galeen nimankaasi, waxay ahayd in maalintaas jawaab cad la siiyo, Puntland waxay ku meeraysataa ama ay ku hadaqaan qolo Al-qaacida ah ayaa meesha soo weerartay, may soo weerarin ee Galgalla dadka dagan waala yaqaanaa, dad-baa la xaaqay oo la baa’biiyey oo beerahoodii la baa’biiyey oo la baro-kiciyey iyadda oo macdan la doonayo.”

 

Md Yaasiin waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay u jawaabtu wasiirka amniga Puntland oo sheegay in laga soo weeraray gudaha Somaliland “Hore anagu halkaa gaashaan ayaanu ka lahayn oo ciidanku wuu ka hawlgali jiray, wufuud ayaanu ku lahayn, xadkeena waxay u jirtaa afar kilo mitir, markaa waxaan leeyahay ninkaa iska dhawaaqaya wax dhaha, waxaanuna leenahay maxaa dhacay dawladeey markaanu joognay waanu ka hawlgali jiray oo taladayadu way cadayde, maanta in la yidhaahdo waxa laga soo duulay Beer waa arin ayaan-daro ah, waxay ahayd in wasiirka daakhiligu ka hadlo” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Laakiin waxaan leeyahay dadkan la leynayo ee la baa’biinayo waa dad reer Somaliland ah horena waa loo baa’biiyey, xadkeenana waxay ka shishaysaa afar 4KM markii dadka la xaaqayeyna 60KM ayaa la soo galay gudaha Somaliland, waxaan leeyahay Somaliland-ney arinkaa ka kaca, haddii inamada yaac-yaacaya haddii la doonayo in la dhameeyo idinka oo arkaya ayaa macdantiinii la guran doonaa, markaa waxaan leeyahay haddii ay dedaalayaan inamadii meesha (Galgalla) joogay ha lala hawl-gallo.”

 

Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo uu ka hadlay “Isku Soo baxa 18-ka May waxay cadaynaynaa oo aanu leenahay oo ay waji u saaraysaa shan milyan oo qof ayaa la dafiray xuquuqdoodii caalamow inan-yarna xuquuqdeeda ayaa laga hadlaa, ta anaga aanu taageernayna waa taa, waliba anaga oo xisbiga ugu wayn mucaaradka waxaanu u taageeraynaa oo aanu garanaynaa meeshii aanu ku jiraynay, laakiin taas KULMIYE manuu ogeyn mana garanayn oo waxay ahaayeen niman 30 sanadood oo jabhadnimo ah ka soo doogay oo dawlada may garanayn, laakiin anigu dawladnimada waan garanayaa, dawladu waxa weeyaan nin ceel todoba shub ah ka soo shubay oo guntiisa waxa ku jira og, kor waxa la keenayana og, markaa anagu odhan mayno sidoodii loo keeno (Martiqaadka) tagi-mayno ee anagu waanu tagaynaa oo waanu garab galaynaa, waxaanuna leenahay dadka wixii UDUB ku abtirsada ama Somaliland-ba maalintaas (18-ka May) waxaanu leenahay hala is-cadeeyo xuquuqdeenii ayaa la dafiray oo labataan sanadood maraysa, oo ambiil loo qoro qaramada midoobay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Cabdiraxmaan Tuur, Cigaal Iyo Rayaale-ba UDUB-bay ahaayeen, sanadkaa mooyaane 19-kii kale anaga ayaa fadhinay, UDUB ha fadhido laakiin meel-bay keentay oo aasaas ayay samaysay koone ilaa koone ah, lacagtii ayay samaysay, ciidankii ayay samaysay, xadkii ayay riixday, waxaana naga gaadhay juhdi, juhdigaasina waa mid aanu u galnay dadkayaga.”

 

Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE wakhtigii uu mucaaradka ahaa aanu tagi jirin munaasinadaha qaranka ka dhaxeeya marka lagu soo casuumo “Kulmiye halkan oo kale muu iman jirin, markaa waxaan leeyahay may ahayn niman dawladnimadda u bislaaday ee waxay ahaayeen, waxay ahaayeen niman siday jabhadnimadii uga soo doogeen aan malaha dawladnimada aan garanayn, laakiin maanta malaha way garanayaan oo way ku balaadhatay, sababta oo ah shirari ayaanu la galnay ah sidii loo maamulayay iyo qaabkii looga midho-dhalinayey iyo sidii loo galayey, taladayadiina waanu ka dhiibanay, mid aanu kaba sugaynana maaha, mida kale nin wax cunaa wuu jiraa oo aakhiro loo qabsanayaa, waxayna islahaayeen (KULMIYE) qolada maamulka fadhidaa (UDUB) waxbay futaynayaan, laakiin maanta ayay garanayaan, waliba haddii mushaharkaa ay kordhiyeen ay dhamaystiraan sanadkaa waan salamayaa oo waan u sara-kacayaa oo waxaan leeyahay shaqo fiican ayaad qabateen, maxaa yeelay iyagga oo xamaysa oo is leh dawladii hore wax dhaafiya ayay kordhiyeen (100%) boqolkiiba boqol, waana arin adag, waxayna ku khasban yihiin inay mushahar kaliya soo reebaan si ay uga baxaan, markaa haddii ay taa ka baxaan waxaan leeyahay mushahar fiican ayaad qabateen.” Ayuu yidh, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay xisbiga UDUB aan dadka ka tirsani aanu iskaga dhawaaqi Karin musharaxnimo “Arinka musharixiinta waxaanu soo saarnay go’aan caam ah markii rag badani is-barbar yaaceen, waxaanuna ku nidhi shirwaynaha xisbiga UDUB waa bisha February 2014-ka, waa wakhti dheer, xisbigii ayaa la dhisayaa, golihii dhexe ayaa la sheegayaa dhawaan marka guddoomiyuhu yimaado, dabadeedna xeerka UDUB ayaa wax laga badali doonaa, waxa laga yaabaa in guddoomiyaha xisbiga iyo musharixiinta la kala qaado.”

 

Md Yaasiin waxa kale oo uu sheegay “Markaa waxaanu soo saarnay in aanu xidhno oo aanu nina musharax sheegan, laakiin waxaan kuu sheegayaa ninka yidhaahda waxbaan doonayaa nin habeen jiray maaha, waxaanan qabbaa ninka yidhaahda waxbaan doonayaa waa nin tuug ah oo doonaya inuu wax dhaco oo umadda dhacaya.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ninka isa soo taagayaa waa inaanu noqon nin inta uu lacag soo amaahday islaanta fadhida suuqa ee iibisa tamaandhada uu hadhow waxeeda xaddo, waa ninkaas ninka meesha ku cararayaa.”

 

Md Yaasiin waxa uu baaq u diray bulshada caalamka “Waxaan baaq u dirayaa bulshada caalamka oo aan leeyahay waxaad ka hadashaan xuquuq gabdheed, waxaad ka hadashaanb xuquuq qof, waxaad ka hadashaan xuquuq dad la hayb-sooco, laakiin ma ogtihiin inaad shan milyan oo qof aad xuquuqdoodii dafirteen, shan milyan oo qof ayaa xuquuqdoodii la tiray oo la yidhi ma jirtaan, waxa kale oo ka jiray in ilaa bilowgii siddeetamaadkii ilaa sagaashankii aanu adduunku wax ka qorin wixii halkan ka dhacay dagaal iyo mushkilad.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Intaa waxa inoo raacay muddo 20 sanadood ah oo aanu ku naaloonaynay dawladnimo iyo qaranimo oo wixii dawladi lahaydba aanu samaynay haddana xuquuqdayadii la dafirsan yahay, waxaana dafirsan caalamkii, qaramada midoobay ayaa dafirsan, cid waliba way dafirsan tahay, waxa la yidhaahdaa shaqo fiican ayaad qabateen, doorasho fiican ayaad qabateen, si fiican ayaad isugu wareejiseen, waahayee xuquuqdii dadkani halkay ku maqan tahay weeyaan.”

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Lol, so the U.S has frozed his assests, the UN has accussed Atom as well. But someone how the secessionists so-called opposition leader doesn't think he is a terrorists?

 

Atam has refered to the U.S as "Shahada la Dirir" or against the Shahada, he has said that he and Al Shabaab are one in the same....yet secessionists are defending him??

 

And the Secessionists Hargeysa admin wonder why they can't find even a single country in the world to recognize them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Sheikh Atam - Puntland wants to steal oil resources of Galgala

 

 

Atam” Puntland Shidaalka Deegaanka bay Rabtaa Dhegayso Waraysi

Posted by omar on May 14, 2011 in Warar, Wareysi |

SPR Sh. Maxamed Siciid Atam ayaa sheegey in uu haatan ku suganyahay deegaanka Galgala ayaa sidoo kale ka warbixiyey dagaalkii ka dhacey deegaanka Galgala isagoo yiri “Ciidamada markii hore waan fur furney oo kuwii caqliga lahaa way isaga baxeen, intii macangaga ahayd markii ay isu soo hareen waxaan go’aansaney inaan dharbaaxo ku dhufano, waana ku guuleysaney” ayuu yiri Sh. Maxamed Siciid Atam.

 

Idaacada SPR ayaa su’aal ka weydiiyey Sheekha qadiyada dhabta ah uu ku dagaalamayo waxay tahay isaga oo cadeynaya. Maxamed Siciid Atam ayaa waxaa jawaabtiisii kamid ahaa “Qadiyadu waa wax waadax ah, anaga waanalagu soo duuley, cida nagu soo duushey ayaa ula jeedo leh, ujeedooyinkoodana waxaa kamid ah in ay anaga dhulka naga raraan oo ay macdanta iyo kheyraadkana la baxaan”

 

Sheekh Atam oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegey in ay arintaasi cadeyn u tahay “haday PL ssheegeen guul in ay gaareen Galgala isla markaana nasoo afjareen, maxay deegaanka uga bixi waayeen, oo ay shirkado shisheeya ah heshiisya ula galeen iyo in ay ciidankooda u tababaraan ayuu yiri.

 

Wariyeha SPR oo su’aashii marlabaad ku adkeeyey ayaa wuxuu weydiiyey Sheekhu in uu marar badan sheegey in meeshaasi laga qodayo macdan, iyo wuxuu arintaasi ku cadeyn karo. Atam ayaa sheegey in ay marqaati madoonta tahay in dagaalkan uu ka bilowdey “Majiyahan” kadibna wajihii markii lagu guuleysan waayey, waji kale loo rogay oo la yiri argagixisaa ku jirta oo gaalo lacag looga soo qaatey, haatan mashaariicdii wiilasha loo baabi’inayo, markii ay ku dhintaan kuwa kale loo soo qorayo.

 

Atam ayaanu weydiiney in dagaalka Galgala raga hogaaminaya iyo qaar kamid ah kuwa ku dhinteyba in ay kasoo jeedaan Galbeedka gobolka Bari. Atam ayaa Idaacada Bulshada Soomaaliyeed u sheegey in la yaqaan cida dagaalka hogaaminaysa islamarkaana aysan u dhalan deegaanka. “wey jiri karaan dad yar oo calooshood u shaqeystayaal ah oo xitaa dadkii dhalay ayaa kuwaa ka quustey” ayuu yiri Atam.

 

Sh. Atam ayaa sheegey isagoo hadalkiisa sii wata “Nin walboo cadow ah cid la’aan ma socdo, oo wuxuu doonayaa dad tusa dhulka, wuuna helayaa calooshii u shaqeyste meelwalba wuu jiraa”

 

Sheekha ayaa waxaanu weydiiney in ay jiraan warar sheegaya in uu xiriir la leeyahay Alshabaab iyo dowlada kale oo shisheeya ah sida Eritriya.

 

Atam ayaa ku jawaabay “Nin daad qaadey, xunbo cuskey” isla markaana yiri kuwa hadalkaa yir waxay noo quuri waayeen guusha aan gaarney iyo mujaahidiintaa deegaankooda ku dagaalamaya guusha ay gaareen” isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri “kuwa nagu sheegaya Alshabaab iyaga ayaa naga xiga oo ay siyaasidi ka dhaxeysaa”

 

Atam ayaa waxaanu wax ka weydiiney dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Boosaaso oo lagu laayay dad badan oo ay ka midyihiin nabadoono iyo cuqaal. Arintaasi oo inta badan la idinku eedeeyo idinka maxaad uga jawaabi lahaydeen ayaanu weydiiney.

 

Sh. Atam ayaa SPR u sheegey in dilalka qorshey ay muhiim tahay in laga wada hadlo, waana arin kacdoonka Galgala ka horeeyey. Atam ayaa sheegey in dadkan loo tashadey oo dhinac walba loo laayay oo cuqaashii iyo wax garadkii laga laynayo, oo si walba loo laayay shaarwalbana loo soo xidhey. Atam ayaa ku nuuxnuuxsadey in aysan iyaga awood u lahayn dilalkaasi in ay fuliyaan.

 

Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa waxaanu weydiiney su’aalo kaloo badan.

 

 

http://galgalanews.com/?p=13276

Share this post


Link to post
Share on other sites

No No atam said he is a Muslim sheikh and he wants to get rid of the PIS and wants to rule his region in freedom. He never claimed to be one with Al shabaab other than the fake tapes released on that paltalk programme not a reliable source . Now it's not a secret atam is against the Pirate state but that does not make him a terrorist.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Xaaji Xunjuf;719303 wrote:
No No atam said he is a Muslim sheikh and he wants to get rid of the PIS and wants to rule his region in freedom. He never claimed to be one with Al shabaab other than the fake tapes released on that paltalk programme not a reliable source . Now it's not a secret atam is against the Pirate state but that does not make him a terrorist.

It's difficult to even reason with someone when their best argument is close their eyes and deny, no matter how much logic you throw at them, they will just deny everything.

 

So Atam wants to rule his region in freedom? That's a pretty honorable cause, tell me can you provide us with even a single picture of this man? If he is not - as you say - a terrorist, then why is he hiding? Only criminals hide their identity, people who commit unlawful acts!! But please show us this man who is fighting for freedom.

 

So Paltalk is not reliable? It's the why many Al Shabaab leaders have used to get their messages across. The fact it was on Paltalk makes it clear his connection with Al Shabaab. Also, if it is not a reliable source, then why can't you make us a tape of Faroole, or someone else saying damaging stuff like Atam did? Terrorists all over the world use the internet and websites to get their messages across. Sometimes they use tape cassette or hand letters.

 

Look, I am not going to try to convince a secessionist with logic, but one thing is for certain the U.S has frozen Atam's assets and the UN has suspected him of being a terrorist for many years (of course a court needs to decide if he is) and this is why Atam is hiding!

 

Atam is not the brave SSC leadership, who can travel back and forth to the U.S and hold meetings with international media!

 

Above all else, remember this important fact! Whether you want to admit Atam is a terrorist or not....Faroole is engaged in a fight with a man that both the U.N and U.S have accused of being a terrorist and have taken action against!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this