Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland national army secure parts of southern Sool region (Kalabaydh)

Recommended Posts

Ciidamada Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Deegaanka Kalabaydh Ee Gobolka Sool Iyo Ciidamada Falagaada SSC-da Oo Ka Baxay Halkaas + Xaglatoosiye Oo Ku Soo Jeeda Buhoodle.

 

 

Kalabaydh(Ramaas) May 11, 2011 - Ciidamada qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay gobolka Sool, ayaa la sheegay in ay u ruqaansadeen deegaanka la yidhaahdo Kalabaydh oo illaa soddon KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood, kadib markii ay halkaas soo galeen dagaalyahano ka tirsan falaagada SSC-da.

 

Wararka ka soo baxaya jidaas ayaa sheegaya in boqolaal askari oo ciidamada Somaliland ahi ay ku soo jeedaan deegaanka Kalabaydh si ay dhulkaas uga saaraan maliishiyada SSC oo shalay illaa saaka si buuxda gacanta ugu hayay maamulka deegaankaas, hase ahaatee markii dambe la sheegay in ay dib ugu gurteen goobihii ay ka soo kiciteen, kadib markii ay ka war heleen in ay ku soo jeedaan ciidamo xoog leh oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland.

 

Ciidamada SSC-da waxa la sheegay in ay taageero ka haystaan dad ka mid ah oo ku nool deegaanka Kalabaydh oo ay odayaashoodu ku martigaliyeen in ay maliishiyadu soo gasho deegaankooda, maadaama inta badan kooxda timid halkaas ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.

 

Dhan kalena waxa Magaalada Buhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle ku soo jeeda hogaamiyaha jabhada falaagada ah ee SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo maalintii shalay ka soo laabtay socdaal uu ku joogay dalka Maraykanka, isaga oo sheegay in uu u socdo Buuhoodle, si uu ula kulmo taageerayaashiisa.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Kalabaydh is Xaabsade's hometown so sidee baad militia diinu ugu ruqaansatay when in fact ay awal haysteen.. War kuwaniii maxay been iyo wax qaris ka dhergeen..

 

Ciidamo SSC ah oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka iyo hub tiro badan ayaa maanta soo gaadhay deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

 

Ciidamadan ayaa wararku sheegayaan inay markiiba fariisin ka dhigteen deegaanka Kalabaydh oo magaalada laascaanood u jirta 30 KM.

Ciidamadan ayaan tiradooda si rasmi ah loo garanayn, basle dadka deegaanka ayaa sheegay inay ka tiro badan yihiin kuwii horey halkaas u joogi jiray .

Ma cadda sababta ay sidan dhaqsiyaha badan ciidamaddaasi SSC ah dib ugu soo laabteen deegaanka Kalabaydh. iyadoo maalmihii dambe la arkayay dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidamada SSC ee ku sugan deegaanada Nugaasha.

Magaalada kalabaydh oo maanta dib ugu soo noqdeen ayaa waxaa ka jiray maamul degmo oo maamulka Somaliland dhiseen, iyadoo maayirkii degmada kalabaydh uu caawa fiidkii soo galay magaalada laascaanood, warar aan gordhawayd ka helnay Kalabydh ayaa noo xaqiijiyay inay iskaga baxeen ciidankii SSC gudaha magaalada kuwaas oo la ogayn inay difaac ka galeen hareeraha magaalada amaba tuulooyinka kale u gudbeen.

Ciidankan Maanta Soo Gaadhay magaalada Kalabydh waxaa hogaaminayay Col.maxamed Waranle Iyo Col.Fircoon. Xidhiidh aanu la samaynay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka SSC ayaa gabi ahaanba waxay diideen inay ka hadlaan hawlaha ay xiligan wadaan.

Arintan ayaa imanaysa iyadoo gudaha magaalada laascaanood lagu qabqabtay dhalinyaro dhawr ah kuwaas oo maamulka gobolka Sool u haystaan inay yihiin askar ka tirsan ciidanka SSC, waxaana maalmo ka hor ka dhacay degaanka gambadhe israsaasayn dhex martay ciidamo deegaankaasi oo kala ahaa SSC Iyo kuwa Somaliland, waxayna iska dhaawaceen laba askari oo ka kala tirsan labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this