Sign in to follow this  
Bashiir

Maamul Goboledka Azaniya oo aad Looga Been Sheego

Recommended Posts

Bashiir   

IMGP0691-copie-2-1024x768.jpg

 

Dawlad goboleedka Azaniya oo uu madaxwynaha ka yahay Prof Gaandi waxaa cadow ku ah daneysta ,qabyaaladista, wadaad caada qaata ah, qowlaysata aan u dhalan goballada Azaaniya, hogaamiye kooxeedyadii xoogga ku haysan jiray gobolada jubooyinka, kuwa nolasha ka dhacay, facood tuugayaasha gobalka u dhashay, kuwa dana shisheeyaal cadow ku ah dowlad gobaleedka ku xiran, jawaasiista jaha wareersan shaxaad ku noolka ah.

 

Dowlad gobaleedka Azaaniya ayaa ah nidaam uu hogaaminayo ruug cadaa dal iyo dibad laga yaqaano waxaana taageersan inta jacel sinaanta cadaaladda wada noolaashaha iyo qaraninmada iyo inta aan ogolayan gunimada iyo in dadka reer Azaniya aayahooda ka tashadaan iskuna tashadaan cidna udaba fariisan hogaaminta goboladooda cidkale oo aan u dhalan gobalada Azaniya.

 

Nidaamka Azaniya ayaa wuxuu ka kooban yahay qaab dhismeedkiisa Madaxwayne iyo Madaxweyne ku xigeen, Golo wasiiro iyo Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Guurtida iyo kan garsoorka iyo ciidan labo sano tababar ku jiray iyo mid hadda xaraysan. Gudoomiyaha Jubada Hoose iyo dhamaan gudoomiyayaasha degmooyinka ee dowlad gobaleedka Azaniya ayaa ku sugan magaalada Dhoobley. Waa ciidan iyo maamulkiisa wada socda. Degmo walboo la qabtana maamulkiisa ayaa gacanta ku haynaya. Isbaddel xagga dagaalka oo deg deg ah ayaa lafilayaa iyadoo aagag badan dagaal ka qarxi doono maalmaha soo socda.

 

Nidaamkan ayaa waxaa taageersan dhamaaan shacabka Azaniya iyo aduun waynahawaana markii ugu horeeyay uu ka curto Jubbooyinka nidaam ku dhisan deegaan oo aan kudhisnayn qabiil maadaama Jubooyinka dhamaan qabiilada soomaaliyeed wada daganayn taas ayaana caraysiisay dad day dad iyo kuwa dhul doonka ah iyo kuwii u bartay inay ku noolaadaan kaygana anaa iska leh kaadana kula lihi.

 

Umadda reer Azaniya waa inay fursadda hadda taagan ka faaidaystaan gacmahana is qabsadaan warxuma tashiilkana hal meel uga wada soo jeedsadaan.

 

Jubbalandnews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

oba hiloowlow;717497 wrote:
If u want a segregated Somalia go ahead, markii shabaab laga saaro waxaa bilaawan doono dagaal cusub ee maamul goboledyada,

You know what TFG stands for? ,, it's a transitional and not permanent, a federal and not centralism. It's constitution commands that states can be formed from two or more provinces. Moreover, beside the long civil war, poor governance , mistrust, and leaders with out vision Somalia still is not united. You shouldn't worry about the new states of the local people that want to control their affairs.

 

Dagaal aan ka aheyn ka ciidamadu ku difaacayaan wadanka, wakhtigiisu waa dhamaadey. Jabhadeyntiina way dhamaatay. Mucaarad cidii noqonaysa si nabadi ku jirto xisbi siyaasadeed ha sameystaan ha noo istaagaan marsaxa loogu tartamayo hogaaminta dadka iyo dalka.

 

War ma fahantay,.. mise waan sii wadaa..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Duqa waaku fahansanahay balse waa arkeena say wax noqotoo, kheyraa rajeeyhaa, ee jubbooyinka 7 maamul ayaa ka jiro, Thread kale hadaayi waxaan ka akhrihaaye in Raaskaamboni ay yiraahdeen cid aan anaga aheyn ma maamuli karaan jubboyinka hadaan sax uu fahmay, Ahlu-sunadda Gedo neh saas oo kale manii la dhihii lahaa ma yaabi laheen, Hiiraan 2 ama 3 maamul ayaa ka jiro oo liddi isku ah, marka aniga hadaan fikiray waxan uu arkay iney colaad cusub bilaawan doonto,, mashruuc cusub which means Mahiga and Co iney ''dhexdhexaadin'' doonan and Ethiopia will once again supply the states with weapons..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Waa runtaa isku dhexyaac badan waa jiraa. Dowlada federaalka ah ayaa madaxa iskula jirta, sidoo kale goballada ay shabaab haysato waxaa ka jira is garab orod. Wadanka dhan aya qasan. Sidaa darteed waxaa loo baahanyahay aragti cusub oo looga bixi karo dhibka jira. Marka doorashadu dhacdo ee dowlad dadka matasha la sameeyo, ama Shabaab heshiis qaato ama lagaba adkaado waxaa la heli masrax siyaasadeed oo degan looguna tartamo sidii loo kasban lahaa codka shacabka.

 

Rug cadaaga sida Gaandi oo kale wuxuu dadaal oogu jiraa sidii kala danbeyn iyo maamul nidaamsan dhidibada loogu aasi lahaa. Waxay dan u tahay jiilka soo koraya oo tusaale u noqon karaa. Sidoo kale gobalada kale rag baa ka soo baxay oo raba in wadanka kala danbeyn ka unkamaan. Sidiinoba ha ahaatee gobaladii nidaam ismaamul la yimaada waa in dowlada dhexe garab siisaa. Shaqsigii ama kooxdii xoog wax ku raba ha ku quusqaataan qabqablayaasha iyo shabaabka soo maray saaxada Somaliyeed.

 

Lafo gur ayey u baahantahay, iska mucaarad ma ahan weeye....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo oo shalay deegaano dhowr ah isaga baxeen Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa deegaanka Gusaar, ayaa waxaa soo baxaya khilaafaad dhinacyo kala duwan ah oo u dhaxeeya Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Azaaniya ee kol hore looga dhawaaqay Magaalada Nairobi.

 

Khilaafkan ayaa ku wajahan dhanka maamulka, iyo habka hogaanka dagaalka, waxaana soo baxaya warar sheegaya n Ciidamada Dowladda ee dhanka Ceel-Waaq dagaalka ka wada ay intooda badan yihiin kuwo hoos taga Maamulka Azaaniya, gaar ahaan Ciidamadii lagu soo tababaray dhanka Kenya.

 

Sidoo kale Ciidamada Dowladda ee dhanka Koofurta Gedo dagaalka kaga jira, gaar ahaan kuwa ku sugan Luuq, Garbahaarey iyo Beled-xaawo ay iyana yihiin kuwo isbaheysi gooni la ah Ahlusuna, waxaana qeybahaas ay isku xulafeydsteen hab beeleed.

 

Khilaafka hada muuqda ayaa keenay inuu tashwiish iyo hakad inuu galo duulaanka xowliga ku socday ee ay wadeen labada dhinac, waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda ay ku eedeynayaan Maamulka Azaaniya inay xiriir la leeyihiin Shabaab.

 

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee xilligii Dowladii C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in khilaafka jira uu keenayo in Al-Shabaab dhiiranaan iyo diyaar garow ka qaadaan, isagoo cadeeyay in hada Awooda Shabaab ay bur burtay.

 

"Waxaa jira kuwa nagu dhex jira ama Shabaab ah, ama la shaqeeya, kuwaasna waan iska qaban doonaa"ayuu yiri Kaliil oo si cad u eedeeyay Maamulka Azaaniya ee uu hogaamiyo Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.

 

Sidoo kale dhanka Dhoobley ee Jubada Hoose oo iyana ay wax ka nuuxsan la'yihiin tan iyo markii la qabtay ayaa warar la helayo iyana sheegayaan inuu khilaaf ka taagan yahay habka dagaalada loogu wajihi lahaa deegaanada kale ee Goboladaas.

 

Ciidamo taabacsan Raaskambooni oo uu wato Axmed Madoobe ayaa iyana duulaanka Jubooyinka qeybka ka ah, laakiin waxaa muuqata inay isku aragti ka aheyn arrimaha socda, balse hadafkooda yahay dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

 

Waxaa muuqaneysa in Ciidamada Isbaheysiga ka ahaa duulaanka Goboladaas inay hada ku kala irdhoobeen arrimo muuqda oo dhanka awooda Maamulada ah, marka ay dhacdo in Goboladaas laga xoreeyo Shabaab, hase ahaatee arrimahaas oo idil ayaa inta aan la gaarin ay caqabadahooda ay soo if baxeen, ka hor inta aanay dhicin in qaab awood qeybsi ah ugu kala helaan awooda iyo talada Maamulka.

 

Xaaladaha jaantaa-roganka ee xilligan ka dhex hoganaya Gobolada Gedo, iyo Jubooyinka ayaa ah kuwii dad badan ay horay uga digayeen, in Maamulada kala jeeda mar un dhankooda isku jeesan doonaan, marka loo eego in koox walba ay wax u ordeyso, mansab iyo dano gaar ahna u socoto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this