Sign in to follow this  
Liqaye

Maamulka Bankiga Salaam ayaa xariga ka jaray qeyb bukaan jiif ah oo lagu kordhiyey Isbitaalka Fiqqi

Recommended Posts

Liqaye   

Munaasabad balaaran oo masuuliyiinta Bankiga Salaam ay xariga uga jarayeen qeyb bukaan jiif ah oo lagu kordhiyey isbitaalka Fiqqi ayaa ka dhacday xarunta isbitaalkaasi oo ku taala deegaanka Km15 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Munasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jiray Ganacsato, Arday, Dhaqaatiir, waxgarad iyo masuuliyin ka kala socotay Bankiga Salaam iyo isbitaalka Fiqi oo ah isbitaalada ugu waaweyn ee ku duleedka magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu soo bandhigay munaabada qeyb cusub oo uu maalgeliyey Bankiga Salaam oo isugu jirta bukaan jiif, saalo loogu talo galay Qaliinka iyo Sheybaar casri ah waxaana ka hadlay masuuliyiin kala gedisan oo munasabada ka jeediyey khudbado ay ku muujinayaan shucuurtooda.

Madaxda howlgalada Bankiga Salaam C/qaadir Shiikh Maxamuud oo ka mid ahaa masuuliyintii ka hadashay munaasabadaasi ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada munaasabada loo qabtay, isagoo marka hore u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha xaflada, wuxuuna dhinaca kale ku dheeraaday marxaladihii ay isla soo mareen Salaam Bank iyo isbitaalka Fiqi, isagoo xusay in maamulka salaam bank ay furaha isbitaalka ku wareejiyeen Dr. Fiqqi.

Sidoo kale waxaa uu balan qaaday C/qaadir Shiikh Maxamuud in maamulka Salaam Bank ay sii kordhin doonaan mashaariicda waxtarka u leh bulshada ee ay ka fulinayaan gudaha dalka, waxaana sidoo kale ka mid ahaa masuuliyintii ka hadashay munaasabadaasi madaxa Suuq geynta salaam bank C/raxman Ibraahim Ookiyaale oo sheegay in Bankiga salaama uu qabtay howl balaaran.

Mr. Ookilyaale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa u daray bankigooda uu maalgelin u sameeyo had iyo jeer dadka Soomaaliyeed ee heysta dalabaadka ganacsi ee lacaguhu ay ku yaraadaan, isagoo sheegay inuu bankigu siiyo amaah ay howshooda ganacsi ku sii xoojiyaan si ay wax soo saar fiican u yeeshaan.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay maamulaha isbitaalka Fiqi Dr. C/raxmaan Fiqqi oo halkaasi mahad celin balaaran uga soo jeediyey maamulka Salaam Bank oo maalgeliyey qeybaha cusub ee ay isbitaalka lagu kordhiyey, taasoo u sheegay iney hadda meesha ka saartay baahi xoogan oo markii hore isbitaalku u qabay qeybahaasi cusub, isagoo balan qaaday iney si hagar la’aan ah ugu adeegi doonaan bulshada waana marii ugu horeysay ee bankiga Salaam ay fuliyaan mashaariic wax ka taraya adeegyada Caafimaad ee bulshada ay u baahi qabaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this