Sign in to follow this  
Liqaye

Xukuumadda KMG Soomaaliya oo soo dhicisay xaqii Badda[guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Somaaliya]

Recommended Posts

Liqaye   

Xukuumadda KMG Soomaaliya oo soo dhicisay xaqii Badda

 

Jimco, May 06, 2011 (HOL) - Shirkii ay maanta golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka KMG ah isugu yimaadeen ayaa waxaa warbixin siiyay golaha Wasiirka Kalluumeysiga, Kheyraadka badda iyo Bey’adda Mudane Maxamed Macalin Xasan oo muddooyinkii u dambeeyey ku howlanaa sidii si sharci ah loogu heli lahaa xaqa xuduuda Badda ee ay Soomaaliya xaqa u leedahay.

 

Wasiirku wuxuu ku soo guuleystay in la diyaariyo Documentigii waafaqsanaa sharciga Caalamiga ah ee xuduudaha Badda Soomaaliya kaasoo lagu soo cadeeyey in xuduuda dhaqaale ee u gaarka ah Soomaaliya (Exclusive Economic Zone) ay tahay 200 Nautical Miles oo u dhiganta 370.4 km.

 

"Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta natiijadi iyo guushi ka soo hoyatay safarkeygii oo aheyd in aan keenay dokumenti qeexaaya xad badeedka Somaliya oo loo sameeyey si waafaqsan sharuucda caalamiga ah ee badaha ee Qaramada Midoobey (United Nations Convention on Law of Sea)" ayuu yiri Wasiirka

 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Documentiyadan iyo qariidooyinka la socda waxaa lagu soo daabici doonaa Website-yada Qaramada Midoobay iyo hay’addaha kale ee Caalamiga ah, sida FAO.

 

Talaabadan ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed tanoo horseedi doonta in lala xisaabtamo falalka kalluumeysiga sharcidaradda ah iyo qashinka suntan ah ee lagu daadiyo Baddaheena.

 

Sidaasi daraadeed dowladdu waxay u xaqiijineysaa shacabka Soomaaliyeed inay u soo dhicisay xaqii xuduuda dhaqaale ee Badda ee sharciga ahaa.

 

Garad Salad Hersi

Press Officer office of the Prime Minister

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this