Sign in to follow this  
Liqaye

Dowladda Federaalka oo si kulul uga jawaabtay eedeyntii Madaxweyne Faroole.

Recommended Posts

Liqaye   

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa soo baxaya khilaaf xooggan oo ka dhex taagan Dowladda KMG Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland, kaasoo in mudo ah soo jiray, Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamuud Faroole ayaa ka dhawaajiyay in Dowladda KMG ay halis ku tahay amniga iyo nidaamka ka jira Puntland isagoo ku eedeeyay dhibaatooyinka mudooyinkii danbe ka taagnaa deegaanada PL, in ay ka danbeyso Dowladda KMG.

 

Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya ayaa iyadana jawaab kulul ka bixisay eedeynta Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole u jeediyay Dowladda KMG oo uu ku tilmaamay iney qas iyo nabadgelyo xumo ka abuureyso deegaanada Puntland.

 

“Hadafka Dowladda KMG ah waa Nabbadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ,weligeedna qorshaha kuma darsan hurin colaad mana haboona in lagula soo galgasho fitnada ka taagan qeybo ka tirsan maamulada dalka jira ee la doonayo in damac Siyaasadeed lagu gaaro”ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Boostada C/kariim Xasan Jaamac oo ku sugan dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

 

Wasiirka ayaa been aan sal iyo raad laheyn ku tilmaamay in DKMG ah ay abaabusho kooxo Mucaarad ah oo xsilooni darro ka abuura Puntland, balse ay jiraan kulamo ay la yeelato dhamaan qeybaha Bulshada ee gobolada Soomaaliya si buu yiri looga gacan siiyo horumarinta deegaanadooda gaar ahaan dhinacyada Sugidda amniga iyo maamul sameynta.

 

“Dowladda waxaa ku jira dad xilkasa ama kuwo ka turjumaya deegaanada Puntland marka waxaa haboon inaan eedeyn ama damac siyaasadeed lagu raadin warar aan jirin waana xaqiiqo in Kooxaha Nabbad-diidka ah ee Shabaab iyo mucaaradkii Gal-gala ay lug ku leeyihiin rabshadaha ka taagan Puntland, anagoo horay ugu tacsiyeynay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay dilalkii ka dhacay Puntland “ayuu yiri sii raaciyay wasiirka Warfaafinta.

 

C/raxmaan Faroole ayaa tilmaamay in shaqsiyaad ka tirsan Dowladda oo uu sheegay iney ku fashilmeen siyaasadda dalka ay doonayaan iney xasilooni daro ka abuuraan Puntland, hase ahaatee Madaxweyne Faroole ayaa horay nabadgelyo xumada ka jirta Puntland ku eedeeyay Kooxaha ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

 

Waxaa kaloo uu Md. C/raxmaan Faroole uu ku eedeeyay Dowladda KMG in Jabhadda SSC ay taageero dhinac walbo ay ku bixiso sidii ay Puntland rabshado ugu abuuri lahaayeen hase ahaatee uu tilmaamay in ujeeadadii loo abuuray lagu guul dareystay.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale ka dalbaday Baarlamaanka Soomaaliya in ay xaqiijiyaan qabsoomida doorashada bisha August lagu baaqay, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in C/raxmaan Faroole uu ku jiro damac dhinaca Madaxtinimada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this