Sign in to follow this  
General Duke

Qardho: Puntland President visits capital of Karkaar region..

Recommended Posts

M. PL oo boqasho shaqo ku jooga Qardho

28 Apr 28, 2011 - 10:50:10 AM

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa saaka booqasho shaqo ku tagey degmada Qardho oo ka tirsan gobolka Karkaar iyadoo wararku sheegayaan in halkaas si wanaagsan loogu soo dhoweeyey.

 

Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa ayaa la filayaa in booqashadaas kadib safaro kala duwan ku bixiyaan qaar ka tirsan degaanada Puntland kuwaasoo iminka ka bilowdeen roobabkii Gu'ga.

 

Wararka aan ka heleyno qardho ayaa sheegaya in Madaxweynaha puntland iyo waftigiisa shirar kala duwan la leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada halkaas ku dhaqan.

 

Puntland oo ka kooban 8 gobol ayaa dhulka ay ku fadhido waxey tahay mid aad u balaaran marka loo eego degaaanada Somalia.

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxaana socdaalka Madaxweynaha ku weheliya xubno kamid ah golaha Wasiirada Puntland.

 

Cabdirixmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa la filayaa in magaalada Qardho uu kulan kula qaato hogaamiye dhaqameedka, maamulka degmada iyo kan gobolka Karkaar.

 

Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiquraan Maxamed Adam oo la hadlay Horseed ayaa sheegay in Madaxweynaha si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho xarunta gobolka Karkiaar.

 

Waxaa sheegid mudan in Madaxweynaha iyo wafdigiisa saaka ay kasoo ambabaxeen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

 

Qabanqaabo xoogan ayaa laga dareemaya magaalada Bosaso oo la filaayo in saacadaha soo socda uu soo gaaro isaga iyo wafdigiisa gudaha Bosaso, balse ila wareedyo ka ag dhow Madaxweynaha ayaa sheegay in la filayo in uu ku hakado magaalada Qardho, soona gaaro Bosaso maalinimada berito ah oo ay taariikhdu tahay 29.04.2011

 

Wixii kasoo kordha socdaalka Madaxweynaha filo goor dhow

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No he should visit Caluula, Xafuun, Bargaal and Qandala. Galkacyu is in good hands. He needs to send that city its taxes back so it can secure itsself.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

well he should go all these places+Gaalkacyo, and not bother us with Mahiga and TFG problems. but i do not think he will go beyond Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho.

Thu, 28 Apr 2011 21:28:42 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Qardho, Apr 28 - Madaxweynaha dawladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta (khamiis) si weyn loogu soo dhawaayey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar, waxaana madaxweynuhu saaka ka soo kicitimay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

 

M/weyne Faroole waxaa kaga soo horreeyey Qardho wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidanka oo ka soo jeeda gobolka kuwaasoo ay ka mid yihiin wasiirka amniga, wasiirka deegaanka iyo xubno kale.

 

Boqolaal ka tirsan dadwaynaha magaalada ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay madaxweynaha u soo dhawaayeen, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo lagu taareerayo dawladda.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey hotelka Alla-aamin ee magaalada Qardho oo uu ku dagay uga mahadceliyey dadwaynaha sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana la filayaa inuu maanta galinka dambe la kulmo mas’uuliyiinta gobolka oiyo kuwa degmada.

 

Muxuyadiin Hiirad Kaatun

Daljir, Qardho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this