Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Inaalilahi wa inalilahi rajicuuun Cismaan geele Arab dies in Djibouti.

Recommended Posts

Ganacsade Caan Ka Ahaa Djibouti Iyo Somaliland Marxuum Cismaan Geelle Arab Oo Geeriyooday

Sunday, 24 April 2011 16:06

Djibouti (ANN) Alle Ha U Naxariistee Waxa maanta Magaalada Djibouti, ee dalka Jamhuuriyadda Djabouti Ku geeriyooday Alle Ha U naxariistee Marxuum Cismaan Geelle Arab oo ahaa ganacsade Somaliland iyo Djibouiti caan ka ahaa. Marxuum Cismaan Geelle Arab ayaa sida ay sheegayaan

 

wararka la xidhiidha geeridiisu mudooyinkii u danbeeyay xaalad caafimaad u joogay dalka Djabouti, taas oo sabab u noqotay geeridiisa.

Alle ha naxariistee Marxuum Cismaan Geelle Arab, waxa uu ka mid ahaa haldoorka ganacsatada somaliland, isaga oo ku dhex jiray hawlaha ganacsi muddo ku siman nus qarni, isla maraakana ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee asalkooda kasoo jeeda Somaliland, balse ganacsigooda kasoo bilaabay dhinaca dalka Djibouti.

Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee marxuumka ayaa sida la qiyaasayo dhashay sanadkii 1923-kii iyada oo uu ifka kaga tagay 9 ubad ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Marxuum Cismaan Geele arab ayaa lagu aasi doonaa magaaladda Djabouti ee xarunta dalka Jamhuuriyadda Djabouti, waxaana la filayaa inay Aaskiisa ka soo qayb galaan madax badan oo ka tirsan dawlada Djabouti iyo waliba ganacsato iyo masuuliyiin ka taga dhinaca Somaliland.

 

 

Shebekada Araweelonews waxay tacsi u diraysaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay Marxuum Cismaan Geele arab , waxayna Illaahay uga baryayaan inuu janadii ka waraabiyo marxuumka. Aamiin Aamiin Aamiin.

INAA ILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJUCUUN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaa lillaahi wa inaa lillahi raaji3uun, Ina lillaahi ma akhada walahu ma a3daa wa kulishey'in 3Indahu bi ajaalin musama.

 

Ehelkiisa sabir iyo adkaysi Allah ha ku arzaaqo, asagana wixii acmaal suubanaa ee uu hormarsaday Allah ha ka abaalmariyo, wuxuu dambi galayna ha u dhaafo.

 

Muslimiinta dhimata waa xaq ay nagu leeyihiin in loo duceeyoo, ayaga iyo ehelkoodaba, marka bal ducadda ha kala bakhaylina walaalka dhintay, qofkii yaqaana iyo qof kaleba, anigu personally ma aqaani walaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this