Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Golaha Wasiirada oo sheegay in xaalada dalka uu ku jiro xiligan suura gal aheyn in Doorasho la qabto

Recommended Posts

Kadib kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxay isky raaceen in xilligan aanay suura gal aheyn in dalka lagu qabto Doorasho, iyagoo sii adkeeyay go'aankoodii ahaa in muddo hal sano ah Hey'adaha Dowlada ugu dareen.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shir gudoominayay shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku wajahnaa marxalad kala guurka iyo xaalada dalka uu ku jira sida ammaanka, siyaasada iyo arrimaha bani'aadanimada ee Abaaraha.

 

La Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumada Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa saxaafada ugu warbixiyay kulanka go'aanada ka soo baxay, iyadoo kadib qeybaha saxaafada ay heshay nuqul ka mid ah go'aanadii Golaha Wasiirada shirkooda ka soo saareen.

 

Hadaba War saxaafadeedka oo soo gaaray Xafiiskeena Muqdisho ayaa u qornaa sidan:-

 

Golaha Wasiiraddu:

 

 

1. Markii ay tixgeliyeen xaaladda nabadgelyo xumo ee waddanku ku sugan yahay;

 

2. Markii ay tixgeliyeen guulaha iyo horumarka ay dowladdu ka gaartay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta;

 

3. Markii ay garwaaqsadeen horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, xaquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, iyo baahida loo qabo in la joogteeyo, lana dhameystiro.

 

4. Markii ay tixgeliyeen duruufta adag ee dalku ku jiro: abaaro ba’an, barakac baahsan,

dagaal dhimasho iyo dhaawac maalin walba sababaya, jabka ku dhacay Al-Shabaab & Al-Qaacida iyo sida ay u kala daadsan yihiin;

 

5. Markii ay tixgeliyeen go’aanada iyo baaqyada ka soo baxaya dowladaha ciidamadoodu dalka joogaan, qaar ka mid ah beesha caalamka iyo shacabka soomaaliyeed.

 

6. Markii ay tixgeliyeen go’aankii ay horay u gaareen Golaha Wasiiraddu ee ahaa in dib loo dhigo waqtiga doorashooyinka Madaxda Dawladda muddo hal sano ah si aan loo wiiqin horumarka Amni ee ka socda qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah loona dhamaystiro hawlaha ka dhiman xilliga kala guurka;

 

7. Makii ay arkeen taageerada loo dhamaa ee ay Dawladaha Bariga Afrika Madaxdoodu la garab istaageen go’aankii Xukuumadda ee ku aadanaa in doorashooyinka Madaxda Dawladda dib loo dhigo muddo hal sano ah;

 

Golaha Wasiiradu:

 

Waxey go’aamiyeen in xaaladda waddanka uu ku jiro aaney suurtogal aheyn in doorasho la qabto waqtigan;

 

2. Wuxuu sii adkeeyey go’aankiisii ahaa in doorashooyinka dib loo dhigo muddo hal sano ah ilaa iyo August 2012, si ay ugu suuragasho in la dhamaystiro hawlaha amni iyo siyaasadeed ee socda;

 

In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka ee ku aadan qorshayaasha xukuumaddu u diyaarineyso dhameystirka howlaha qabyada ah ee uu Axdiga FKMG ah na farayo, si loo abuuro aragti mideysan ee ku aadan mustaqbalka soomaaliya.

Ugu danbeyntii Golahu waxuu ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed, iyo beesha caalamka inay taageero buuxdo nagu siiyaan meelmarinta iyo hirgelinta go’aankan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They raised some good points there i would say extend farmaajo and sharifs term for another year and we will see how far they take the TFG.They already tried to make the TFG an independent entity free of foreign meddling from the UN & EU.

Share this post


Link to post
Share on other sites

shariif saakiin the SPY , Is scared to death cant even come out of his room….No Election , no reconciliation in Kenya

 

Wheres Farola …………….. Rest somalidiid wheres sakiin

IMG_0100-150x150.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liban   

Please some one reply and try to convince me on this one.

 

Didn't the PM of the TFG couple weeks ago or so was arguing that the UN must move to Mogadishu in 90 days. OK, then why now he's arguing the capital is not safe enough for election. Politics, politics. But the current TFG politics is aimed at making the population believe that there is a common enemy (international community) because it is refusing an extension for the current gov't and therefore the same entity who facilitated this whole gov't existence from day one is an enemy all of the sudden.

 

This is silly politics being played by a prime minister who is in grade one in the politics school, his game is so predictable.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this