Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Qardho clan Militia Murder Maakhiri nomads in the eastern part of dhahar distirct

Recommended Posts

Dhahar Sadex ayaa la dilay Maanta iyo Xiisad Aloosan

Posted by Boosaaso on April 22, 2011 in Warar

 

Magaalada Dhahar Meel 75-KM dhanka Bari ka xigta waxa ka dhacay dil budhcanimo ah kaasi oo Sadex Nin oo Reer Guuraa ah Waraabinaya ay dileen Koox lagu Tilmaamay Shufto.

 

Warka aanu Helayno ayaa sheegaya in Sadexda Nin ay wateen Gaadhi nooca Biyaha Qaada isla markaana iyaga oo Reer Guuraa Waraabinaya ay dileen koox kale oo ka soo duushay sida la sheegay Magaalada Qardho.

 

Maydkaasi ragaasi ayaa la keenay Magaalada Dhahar ee Caasimada Hayland Halkaasi oo lagu Duugayo Maanta sida aanu ka Helay Xidhiidh aanu Samaynay.

 

Mashaqada Labad beeleed ee Qardho iyo Hayland ayaa in badan Jiitamaysay waxana Shir balaadhan dhawaan laoogu qabtay Magaalada Carmo shirkaasi waxa Gogosha dhigay Odayaasha Beelaha kale ee *****ga in kastoo aan Natiijo Fiicani ka soo Bixin

 

 

 

Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

3 nin oo lagu toogtey meel u dhexeysa Dhahar iyo Qardho iyo wareysi aanu la yeelanay laba qofood oo ka badbaadey dilkaaasi.

 

Dhahar (SPR): Waxaa maanta lagu toogtey meel u dhexeysa magaalada Dhahar iyo Qardho 3 nin oo ka ambabaxay degmada Dhahar ee gobolka Haylaan iyagoo meel miyi ah reero ku waraabinayay isla markaana watey gaari booyad ah. 3 nin ee la toogtey ayaa lagu magacaabi jirey:

 

Ayaanle Siciid Madaxey

Siciid Axmed Warsame “Jalxad”

Khaliif Cali Maxamed Samatar

SIdoo kale Maxamed Ilbir iyo wiil 9 jir ah markaasi la socdey ayaa ka badbaadey weerarkan oo idaacada SPR uga waramey in raga laayay ay wateen gaari Landcruisar ah oo korka ka go’an oo qori dhashiika ah kuxiranyahay.

 

Saraakiisha Degmada Dhahar ee Police ka ayaa isla markiiba raad raacey nimankii laayey isla markaana waxaa la sheegey in ay nimankaasi ay aadeen dhanka kuliyada Carmo. Col. Maxamed Cismaan Aadan oo ah taliyahii ciidamadaasi watey ayaa idaacada SPR u sheegey markii ay aadeen Carmo loo sheegey in nimankaasi ay ka tageen Carmo laakiin ay u ambabaxeen dhanka Qardho waa sida uu noo sheegey.

 

Col. Maxamed CIsmaan Aadan ayaa sheegey in wada hadal u socda saraakiisha Police ka Qardho hadii ay nimankii waxlaayey joogaan Qardho in maamulka lagu soo wareejiyo. Si kastaba ha ahaatee maalmahan ayaa waxaa soo cusboonaadey aanooyin beeleed dhex mara labada beelood ee walaalaha ah kala dega Qardho iyo Dhahar. Arintan ayaa waxay ku soo aadeysaa xili ay ku sugnaayeen degmada Dhahar gudiga isimada Puntland oo usug jira salaadiin iyo cuqaal oo dhex dhexaadin u joogey degmada Dhahar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

allaha u naxariisto intii ku dhimatay,,, wax ciidama ah makasoo baxeen dhinaca hargeysa oo gacan ku dhiiglayaashii daba gala walaalo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Oo Puntland Ku Eedeysay Inay Dad Rayid Ah Ku Laysay Degmada Dhahar

 

April 23rd, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Ergayga madaxweynaha Somaliland u qaabilsan bariga gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, maleeshiyada maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay inay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ku dileen sadex qof oo rayid ah oo xoolo ka waraabinayay degmadaasi kuwaasi oo ka soo jeeda degmada.

Ergayga Madaxweynaha ee barriga Sanaag wuxuu sidaasi ku sheegay shir saxaafadeed uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa waxaanu tilmaamay in aan la garanayn sababta maleeshiyada Puntland ay u bartilmaadeedsanayaan dadka xoolo dhaqatada ah ee xiligan abaaraha ba’ani hayaan.

Wxaanu tilmaamay in kooxdii dishay sadexdaasi qof ee rayidka ahi ay wateen baabuur tikniko ah oo uu saaran yahaya Qoriga Baroonka loo yaqaano.

Sahal Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay difaaci doonto shacbiga deegaankaasi ku dhaqan waxaanu maamulka Puntland u soo jeediyay inay caddeeyaan ay sharciga horkeenaan kooxdii dishay sadexdaasi qof.

“Waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen sadexdan qof ee rayidka ah ee lagu dilay degmada Dhahar ee bariga Sanaag, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo, waxaanan u caddaynaynaa Puntland inaanay Somaliland u dul qaadan doonin gardarooyinka ay ka wadaan deegaamadaasi,”ayuu yidhi Ergaygu.

 

ergayga madaxweyaha ee bariga gobolka Sanaag waxa uu sheegay inay jiidaasi ka taagan tahay abaar xoogan isla markaana ay dadka iyo duunyaduba u baahan yihiin gurmad deg deg ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this