Sign in to follow this  
Liqaye

Alshabab oo burburiyay Qabriga Madaxweyne Shariif Awoowgiisa ee magaalada Jowhar

Recommended Posts

Liqaye   

April 20, 2011 - QOL - Shabaabka Degmada Mahdaay ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa bilaabay in ay burburitaan islamarkaana ay lafaha ka soo fagaan qabuuraha culumaa’udiincaanka ah dalka Soomaaliya ee uu ka mid yahay Awoowga Madaxweyne Shariif

 

Deegaanada la isku yiraah Afarta Tuulo oo asal ahaan uu ka soo jeedo Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka mid ah goobaha ay ku aasnaayeen culumaa’uddiin laga tixgeliyo Gobolka Sh/Dhexe iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

Sidoo kale Tuulo u dhow deegaanka Miirtuugo ayaa Shabaabka ka sameeyeen qabuuro faagis, iyagoo la soo baxay lafihii Sheekh Muuse Cigale oo ahaa Madaxweyne Shariif Awoowgiis, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in maliishiyada lafaha Sheekha la baxday ay hareereeyeen tuulada iyagoo ku hubeysnaa Tikniko fara badan.

 

Qabriyada la bur buriyay ayaa waxaa ka mid ah sidoo kale caalimkii, Sheekh Axmed Gabale oo xushmad iyo qadarin ku dhex lahaa dadka Soomaaliyeed isla markaana dad badan oo xanuunsanaa ay ku reysteen tuftiisa barakeysneed.

 

Waxaa kaloo la sheegayaa in qabri kale oo ku caasnaa wadaad caan ah iyana lagu bur buriyay deegaanka la yiraahdo Bur-Dheere, halkaas oo la sheegay inay ka mid aheyd goobaha ay ku aasnaayeen mashaa’ikhda caanka ah dalka.

 

Arrintan ayaa qeyb ka ah howlo qabuuro bur burin iyo mid faagis ah oo horay Shabaabka uga sameeyeen Gobolada dalka, waxaana culumaa’udiinka Ahlusuna ay ku eedeeyen Shabaab inay suulinayaan magacii mahsaa’ikhdii soomaaliyed, isla markaana lafahooda u iib geynayaan dalalka kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

wrote:

Qabriyada la bur buriyay ayaa waxaa ka mid ah sidoo kale caalimkii, Sheekh Axmed Gabale oo xushmad iyo qadarin ku dhex lahaa dadka Soomaaliyeed
isla markaana dad badan oo xanuunsanaa ay ku reysteen tuftiisa barakeysneed.

Arrintan ayaa qeyb ka ah howlo qabuuro bur burin iyo mid faagis ah oo horay Shabaabka uga sameeyeen Gobolada dalka, waxaana culumaa’udiinka Ahlusuna ay ku eedeeyen Shabaab inay suulinayaan magacii mahsaa’ikhdii soomaaliyed,
isla markaana lafahooda u iib geynayaan dalalka kale
.

Madaxwaynaha awoowgiisna miyaa la siyaartaa? mise lafihiisa ayaa qadiimi ah?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this