Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: will not be destroyed nor will her people cower.

Recommended Posts

The Al Shabaab assassins and the Ahlu Sunna hit squads that have targeted them of late will not deter the progress of the city of Galkacyu. This sectarian violence will bring about a change we have all been waiting for. A new admin is required and the sacking of all the top officials of the city and region.

 

The city of Galkacyu and the region of Mudug needs to have competent, forward looking and young leaders in place. We can not accept the status quo and the two top leaders of the city and region should go. If they refuse to then the people should push them out.

 

The whole old guard needs to be sent packing. No longer can any of us accept what’s taking place in this city and this region. Galkacyu is the second largest and most important city in Puntland State. It’s the largest city in central Somalia as a whole.

 

I will place all the blame at the feet of the locals. It’s our fault in not taking matters into our own hands and prioritizing our city. It’s time for the large reer Mudug Diaspora to wake up and take the necessary steps to help their community back home.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo: Shir u dhamaaday Saraakiisha sare ee bilayska Puntland iyo guddiga amniga gobolka Mudug.

Tue, 19 Apr 2011 17:45:37 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Galkacyo April 19 - Saraakiil bileys oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka bileyska iyo asluubta Puntland sarreeye-guuto Cali Nuur Cumar ayna ka mid yihiin kuxigeenkiisa Maxamed Siciid Jaqanaf iyo taliyayaal kale oo laamaha bileyska Puntland ayaa soo gaaray magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaasi oo kulamo deg deg ah la bilaabay qaybaha maamulka ee gobolka iyo guddiyada nabad-galyada.

 

Waftigaan oo saaka aroortii soo gaaray magaalada Galkacyo ayaa kulamadoodii ugu horreeyey isla saaka-ba si wadajir ah ula yeeshay maamulka gobolka, midka degmada, guddiga nabad-galyada iyo saraakiisha laamaha amniga ee gobolka Mudug, waxaana kulankaasi oo xilli dhaw soo gaba-gaboobay looga arrinsaday xaaladda ammaan ee gobolka gaar ahaanna amniga magaalada Galkacyo oo in muddo ahba ay ka aloosnayd mushkilad lagu ugaarsanayey wax-galka bulshada gobolka.

 

Shirka maanta oo intiisa badan ahaa is xog-waraysi ayay Labada dhinac wax iskala soo qaadeen dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee gobolka ka dhacay iyo xal u heliddooda kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dilkii Sh Ismaaciil Xaashi Xuseen oo qarax-miino lala bar-tilmaameedsaday Sabtidii aan soo dhaafnay iyo sidoo kale labo dhacdo oo ka danbeeyey oo ahaa weeraro lagu qaaday labo masaajid oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Galkacyo, ayna ka dhalatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac dadeed iskugu jira.

 

Duqa magaalada Galkacyo C/raxmaan Maxamuud X Xasan oo aan waraysi kooban la yeelanay markii shirku dhammaaday ayaa caddeeyay jiritaanka go'aamo wax ku ool ah oo la iskula meel-dhigay kulanka maanta, kuwaasi oo ku aaddan sidii gacanta loogu dhigay lahaa amniga magaalada Galkacyo, caddaalladdana loo horkeeni lahaa dhagar-qabayaashii ka danbeeyey dilal is daba-jooga ah oo dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey ka dhacayey magaalada Galkacyo.

 

 

 

Marka laga gudbo saraakiisha bileys ee maanta kulamada la yeeshay maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo guddiga nabad-galyada ee isla gobolka, waxaa la tilmaamayaa in ay jiraan ciidamo kuwa amniga ah oo iyana soo gaaray magaalada Galkacyo, kuwaasi oo u soo kicitimay sidii ay u adkayn lahaayeen nabadda magaalada Galkacyo.

 

Imaanshaha waftiga saraakiisha bileyska ahi ay hoggaaminayaan iyo ciidamada amni ilaaliyayaasha ah ee soo gaaray Galkacyo ayaa ka danbeeyey kaddib markii magaalada Galkacyo in muddo ahba ay ka socdeen falal gurracan oo meel ka dhac ku ah amniga iyo nabadda gobolka, kuwaasi oo u badnaa dilal qorshaysan iyo qaraxyo abaabulan oo lala bar-tilmaameedsanayey wax ku oolka bulshada.

 

Cabdifitaax Cumar Geeddi,

Daljir, Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Agreed with Duke the failed leadership of the locals are to blame. I am not optimistic on Galkacyo, however. All the root cause analysis I have been hearing, is (I judge) shallow and has cowardice quality.

 

1- Security can only be addressed when there is a legitimate authority for the entire city. Yet all I hear from politicians regarding Galkacyo issues is security security security, while it is clear that residents of the city are superficially segmented by two different authorities. Galkacyo must be brought under one single authority. And this is achievable (more achievable btw than securing a divided city) through serious, balanced strategy devised to bridge the gap between the two admins. One should not be concern with mere names when the livelihood of entire city's residents is at stake.

 

Solution: one single, unified authority for the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeah but the question is what regional clan state will administrate galkacyo will it be Galmudug state or the garowe clan administration

who will administrate the city and implement the rule of law under one authority?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Xaaji Xunjuf,

Spare us the cheap clannish shots. No one takes the likes of you serious since you are a seccesionst with fond memoreis of yesteryears colonial era.

 

Galkacyo, and Somalia for that matter, will overcome the challenges facing it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xiin, at times you paint yourself as an extremely optimistic person which, while admirable, carries with it the pitilessness of being somewhat removed from reality.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Galkacyu: will not be destroyed

inshaa allah somali oo dhan balse gaalkacyo dad ilaahay ka baqa waa joogaan laakiin dad sharci ka baqa ma joogaan labada dhinacba

waa magaalo aadan kala garanayn soomaali oo dhan, ganacsi iyo dhaqaale yaalo nabuduna aysan caga badnayn intaasu waa xog waran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;713127 wrote:
^^Xaaji Xunjuf,

Spare us the cheap clannish shots. No one takes the likes of you serious since you are a seccesionst with fond memoreis of yesteryears colonial era.

 

Galkacyo, and Somalia for that matter, will overcome the challenges facing it.

Xiin the question still stands you brought forward a great security proposal but the question still remains who will implement the one rule law authority in galkacyo as both regional administrations lay claim on it, this might be a unique chance to unite the two sides of galkacyo north and south under one authority. There should be some good agreements between the two sides a great balance of power the locals and clan elders of galkacyo should agree on this. But there are several factors that need to be considerd such as the religious leaders in the admin (Suufi /Salaafi) and ofcourse good governance comes with unity to some extent. The local admin in galkacyo can establish that with time and patience i believe this will in the future create a healthy coexistence between the locals.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As Xiin pointed out the city of Galkacyu and the region of Mudug shall overcome these problems insha Allah. The main problem is that of the admin, it needs to be changed and a new younger leaders should be installed.

 

Anyhow the unified outcry and condemnation of these atrocities has been a most welcome development

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo sheegtay in ay gacan bir ah ku qabanayso ammaanka Gaalkacyo; qorshayaal ammaan oo ay dawladdu soo karkarinayso.

Wed, 20 Apr 2011 13:38:44 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Galkacyo, April 20 - Saraakiisha ciidanka amniga Puntland ee ku sugan Galkacyo iyo guddiga nabad-galyada gobolka Mudug ayaa maanta shir la yeeshay qaybaha bulshada gobolka kaasoo looga wadahadlay xaaladda ammaanka gobolka iyo wax ka qabashadeeda.

 

Shirkaan oo ahaa mid aad u xasaasi ah ayaa lagu marti-qaaday ku dhawaad 60 xubnood oo iskugu jira nabaddoonno, cuqaal-dhaqan, ganacsato, aqoonyahanno, haween iyo wax-ku-ool kale oo qaybaha bulshada ee magaalada Galkacyo ah, waxaana shirkaasi si baaxad leh loogu soo bandhigay xaaladaha dhabta ah ee ka jira magaalada Galkacyo gaar ahaan xagga amniga.

 

Ka-qayb-galayaashu waxay si cad u muujiyeen dareenkooda ku aaddan amniga Galkacyo oo muddooyinkaan danbe ka sii xumaanayey, waxayna si wadajir ah u iftiimiyeen siday u arkaan in amniga wax looga qaban-karo iyagoo ku tilmaamay rukniga ugu weyn in uu yahay xoojinta awoodda ciidamada amniga iyo wada-shaqaynta qaybaha maamullada iyo bulshada.

 

Odaayasha dhaqanka ee shirkaan ka qayb-galayey inkastoo ay ka gaabsadeen warbaahintu in ay codkooda siidayso misna waxay ku dheeraadeen amniga gobolka iyagoo sheegay in ay fududahay wax iska-waydiinta arrimaha gobolka laakiinse aysan sahlanayn sidii looga jibo-gaari lahaa, ficilo cad-cadna loogu rogi lahaa miraha ka dhasha kulamada noocaan oo kale ah.

 

Dhinaca kale, mas'uuliyiintii dawladda ee ka qayb-galay shirkaasi uuna ka mid yahay taliyaha ciidamada bileyska iyo asluubta Puntland sarreeye-guuto Cali Nuur Cumar ayaa iyana muujyey qorshahooda wax-qabad ee ku aaddan amniga magaalada Gaalkacyo, iyagoo iyana si aan kala har-lahayn u sheegay in ay ka go'an tahay sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa nabad-galyada magaalada Gaalkacyo.

 

Guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Cali Salaad ahna guddoonka guddiga nabad-galyada ayaa sheegay xaalad aan la fududaysan karin oo xagga amniga ahi in ay ka jirto Gaalkacyo, ayna dhalisay dalabka iyo u yeeridda mas'uuliyiinta dawladda dhexe ee xagga amniga taas oo uu caddeeyey in ay dhankooda ka timid kaddib markii falalka amni-xumo ee Gaalkacyo ay noqdeen tusbax afka laga furay.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu qiray jiritaanka awood-darrida xagga ciidamada amniga ee gobolka ah, isagoo sheegay middaasi in ay horseed u noqotay dadka gaysta dhibaatada iyo falalka amni-xumo in ay soo dugaashadaan tababar-darrida ciidanka ammaanka, kuna dhaqaaqaan tallaabooyin gurracan.

 

Sidoo kale, taliyaha ciidamada bileyska iyo asluubta Puntland sarreeye-guuto Cali Nuur Cumar oo shirkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa sheegay nabad-galyada in lagu sugi karo oo kaliya haddii dadweynuhu ay gacan siiyaan ciidamada amniga, lana shaqeeyaan laamaha bileyska ee gobollada iyo degmooyinka.

 

Taliyuhu waxaa sidoo kale uu sheegay in uu jiro qorshe weyn oo dawladdu ugu talo-gashay in wax looga qabto amniga magaalada Galkacyo ayna si deg deg ah taasi u bilaabanayso, waxaana dadka reer Galkacyo uu ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo dulqaadka ay u leeyihiin dhibaatooyinka la soo gudboonaada.

 

Iskastaba ha'ahaatee shirkaan maanta ayaa dabo-socday shir la mid ah oo shalay ka dhacay xarunta maamulka gobolka kaasi oo ay si wadajir ah u yeesheen guddiga nabad-galyada gobolka iyo taliyayaasha ciidamada amniga, waxaana shirarkaani ay yimaadeen kaddib markii dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey magaalada Galkacyo ay daris la noqotay dilal aan dhammaad lahayn oo lagu ugaarsanayey wax-tarka bulshada gobolka, kuwaa oo heerkoodii ugu sareeyay gaaray todobaadkan kadib markii 24 saac gudahood lagu dilay 5 qof isla markaana la weeraray masaajid, taasoo xaalka u rartay marxald cusub iyo fitno diineed.

 

Farxaan Jeemis Cabddule

Daljir, Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:Gudiga Amniga ee gobolka Mudug oo Mamnuucay Hub la dhexmarista Gaalkacyo,Iibinta Hubka & baahinta wararka ka dhanka ah Maamulka...(Akhri digreetooyinka ay gudigu soo saareen).

20. april 2011

 

APL

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Gudiga Nabad gelyada ee gobolka Mudug ayaa soo saaray awaamir culus oo dhanka Amaanka ah kuwaas oo ay ku jiraan in ay mamnuuceen eebinta,wadashada & isticmaalka hubka qeybihiisa kaladuwan,waxaana sidookale gudiga Nabadgelyada ee ay mamnuuceeen xerashada dharka midabka leh ee ay ciidamadu isticmaalaan marka laga reebo ciidanka amaanka ee howlgalada wada.

 

Gudiga Nabadgelyada ee gobolka Mudug wuxuu sidoo kale mamnuucay in la baahiyo codadka dad aan haysan ruqsada dawlada kuwaas oo ka hadlaya Amaanka,waxaana qodobadan oo soo baxay kadib shir aan caadi ahayn oo gudigu uu lahaa ay kasoo saareen Digreetooyinkan:-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this