Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ciidamada dowladda oo la wareegay fariisimo dhowr ah

Recommended Posts

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta horrumar ka sameeyey dagaallo ka dhacay qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho, ayagoo dagaalladaasina kula wareegay fariisimo hor leh oo ay ku sugnaayeen Khawaarijta Al-Shabaab.

 

Dagaalkaasi oo saakay aroortii ay ciidamada ku qaadeen xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo ay maleeshiyaadka Khawaarijt Al-shabaab ku dhibaataynayeen shacabka Soomaaliyeed ayey ciidamadu ugu suurta gashay in ay la wareegaan dhowr goobood oo ay Shabaabku ku sugnaayeen.

 

Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Max’ed Abuukar Jacfar oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa *****lka qaaday in ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya ay howlgaladii saakay ka fuliyeen qaybo ka mid ah Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay kula wareegeen goobo muhiim ah, waxaana uu hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadkii kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab ay isaga carareen goobihii ay saakay ciidamadu howlgaladu ka fuliyeen

 

Max’ed Abuukar ayaa xusay in howlgalladaasi ay saakay ciidamadu ka bilaabeen dhinaca iskool dhagaxtuur kaasi oo uu ku sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii dadka fara ku tiriska ah ee deeganadaasi ku haray looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan Khawaarijta Al-Shabaab.

 

Tani ayaa ku soo aadaysa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay la wareegeen fariisimo dhowr ah oo ay horey ugu sugnaayen Khawarijta Al-Shabaab, haddii ay ahaan lahayd Gobollada Koonfureed iyo Banaadir intuba

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Sarkaal u hadlay ciidamada dawlada kmg ah ee soomaaliya oo lagu magacaabo Col: Cabdilahi Macalin Nuur ayaa Warbaahinta u sheegey inay ciidamadoodu gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab halka ay qaar kalena ay dileen,waxaana uu sheegey inay dagaalkaasi ciidamada dawladu ku guuleysteen isla markaasna saxafada u soo bandhigi doonaan askartii ay Alshabaab ka qabteen.

 

Sidoo kale sarkaalkan waxaa uu sheegey inay ciidamadoodu qabsadeen Dugsgisii Dhagaxtuur,waxanaa uu sheegey inay ciidamada dawladu hadda ku sugan yihiin farisiimahaasi isagoo balan qaadey inay saxafada geyn doonaan halkaasi saacadaha inagu soo aadan si ay dadka soomaaliyeed ugu soo bandhigaan guulaha ciidamadoodu maanta ka gaareen dagaaladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^shariif xassan iyo sxbadiis mineey afgembis wadaan see loo sii wadaahe dagaalka ninwaloobo dhaqdhaqaaq siyaasaded uu ka wadaa Villada, xaa dagaal la sii wadaa iyagaba dhexdooda isku mashquulsan

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

WAR MAP 2011 there are small errors

Fullscreen-capture-1072010-14948-PM-2.jp

 

if you look closely the whole block 1 is now in the hands of the TFG

Share this post


Link to post
Share on other sites

dhalintii yaryareed maalmahan waa la hayaaye , maxaa is badalay xaalku sidii hore ma ahane , Alshabaab guuldaro isdaba joog ah ayaa maalmahan daba dhigatay .

mapkana waa qatar mar dhaw gabigoodu balcad ayaa lagu shubi doonaa . shariif sakiina ninkaas waxanba xaqiiqsaday inuu ka mid yahay lugooyada ugu weyn ee soomaliya .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this