Sign in to follow this  
Saalax

Dr.Gaboose oo Ku dhawaaqay inuu taageersan yahay Furashada Ururada,Muuse Biixina si kulul u dhalila

Recommended Posts

Saalax   

Dr.Gaboose oo Ku dhawaaqay inuu taageersan yahay Furashada Ururada,Muuse Biixina si kulul u dhalilay

SATURDAY, 16 APRIL 2011

Hargeysa(Togdhnews)- Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Dr. maxamed Cabdi Gaboose ayaa s kulul u beeniyey

inaanay jirin amar uu ku bixiyey in aan la qaban Karin munaasibadii lagu taageerayey furashada ururada siyaasadeed ,sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu qaar ka mida warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa maanta.

Isaagoo arintaasi ka hadlayanya waxa uu yidhi ‘Halgan dheer ayaan u soo maray furashada ururada siyaasadeed oo lagu xidhay ,suurtagalna ahayn in aan is hortaago furashada ururada siyaasadeed ‘ Ayuu yidhi.

 

Dr. Gaboose waxa uu intaasi ku daray in heshiisa ay la galeen xisbiga oo maanta hayana talada Somaliland, heshiiskaas oo ahaa furashada ururada siyaasadeed wali ay sugayaan fulinta balantaas.

 

Wasiirka arimaha Arimaha Gudaha Somaliland, waxa uu dhaliilay,wax lala yaabana ku tilmaamay hadalo warbaahinta uu siiyey Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka kulmiye Muuse Biixi Cabdi,kaasoo oo meel adag iska taagay furashada ururada siyaasadeed ‘ Muuse Biixi waa kii saxeexay in la furo ururo siyaasadeed,hadii Kulmiye ku guulaysto Doorashada Madaxtooyada,waxaana looga fadhiyaa Muuse inuu Fuliyo Qawlkiisii oo aanu waxkale ku meeralaysan.

 

 

Dhawaaqan wasiirka ayaa ku soo beegmaya wakhti ay Somaliland ka taagan tahay dhaqdhaqaaq xoogan oo xukuiumada madaxweyne siilaanyo lagaga dalbanayo inay furto ururada siyaasadeed ee ay hore ugu balanqaaday.

Sidoo kale,habeenimadii khamiistii ee todobaadkii hore ayaa munaasibad lagu qabanayay Huteel Maansoor ee Hargaysa ,oo la xidhiidhay Furashada Ururada Siyaasadeed ayaa waxa ka dhacay rabshado aan sidaasi buurnayn ,laguna carqaladaynayay munaasibadaasi,oo ay soo qaban qaabiyeen xubno miisaan siyaasadeed ku leh Somaliland,waxaana arintaasi lagu eedeyay inay ka dambeeyeen Muuse Biixi Cabdi iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex,walina waxa magaalada Hargaysa ka taagan saameynta ay dhalisay arintaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this