Sign in to follow this  
Liqaye

Deg Deg: Iska Hor Imaad Ka Dhacay Qabuuraha Magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Liqaye   

Gaalkacyo (RBC Radio):- Hal ruux ayaa geeriyoodey dad kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii dabley hubeysani ay weerar ku qaadey dad joogey qabuuro ku yaala duleedka xaafada Garsoor kuwaasi oo aas u sameynayey qaar ka mid ah dadkii xalay lagu laayey gudaha masjidka Salaaxudiin Gaalkacyo.

 

Iska hor imaadka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay kadib markii dabley hubeysani oo ka soo talaabey koonfurta magaalada Gaalkacyo ay weerareen dadkii aaska ku mashquulsanaa, waxaana halkaasi ku geeriyoodey mid ka mid ah dableydii weerarka soo qaadey.

 

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya iska hor imaadka goor dhoweyd ka dhacay qabuuraha duleedka xaafada Garsoor, waxaa jira warar sheegaya in dableyda hubeysan ee weerarka ku soo qaadey dadka aaska joogay ay sheegteen in dhulka meydka lagu aasayo ay leeyihiin, halka warar kale ay sheegayaan in dableydu ay yihiin maleeshiyaad daacad u ah Ahlusuna Waljameeca iyo in ay ka tirsan yihiin ciidamada Booliska Galmudug.

 

Waxaa gebi ahaanba istaagay haatan iska hor imaadkii koobnaa ee ka dhacay qabuuraha duleedka xaafada Garsoor, waxaana wararku intaa ku darayan in halkaasi lagu aasey laba ruux oo meydkooda markii hore loo diyaariyey in halkaasi lagu aaso, kuwaasi oo ka mid ahaa afar qof oo xalay lagu dilay gudaha masjidka Salaaxudiin Gaalkacyo.

 

Gebi ahaanba magaalada Gaalkacyo ayaa laga hadal hayaa falalka amaan darro oo saacadihii la soo dhaafey si aan caadi ahayn uga dhacayey gudaha magaalada, waxaana jira weeraro aan horey looga baran gobolka Mudug oo ah in la weeraro goobaha cibaadada gaar ahaan masaajida.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

It is really unbelievable, these people were killed in a mosque and then their funeral is attacked, waa dagaal aad iyo aad uu foolxuun waxa meesha ka socota!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this