Sign in to follow this  
Mooge

Maakhir welcomes the Nairobi consultative meeting

Recommended Posts

Mooge   

Bulshada ku nool degaanada Maakhir ayaa aad u soo dhoweeyey sida shacabka kale ee Puntland shirkii ay soo qaban qaabisay Bulshada Caalamku oo ahaa wada tashiga Soomaalida oo maanta ku soo afjarmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Bulshada Reer Maakhir oo Hogaankooda Siyaasadu yahay Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilko jiir ayaa wuxuu ahaa mid ka mid ah wafdigii Puntland oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr CabdiRaxmaan Faroole oo ka qayb ga shirkii wada tashiga kaas oo noqonaya markii u horaysay oo xubin ka soo jeeda degaanada Maakhir ay ka qayb gasho Shir ay bulshada caalamku u qabato Soomaalida.

Dawlada hada ka jirta Soomaaliya ayaa markii la magcaabay wasiiradeeda aan haba yaraatee lagu soo darin mudo 40 sano oo soomaali dawlad lahayd h wasiir ka soo jeeda degaanada Maakhir,halka xildhibaanada baarlamaanka ku jooga magaca Maakhir ay yihiin qaarkood kuwo Sheekh shariif soo xushay oo ka mid ahaan jiray garabkii Asmara oo ahaa xulafadii dagaalka kula jirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf.

Maalmo ka yar ka dib markii la magcaabay golihii wasiirada Beesha ********** dal iyo dibadba waxay soo saartay baaq ay ku sheegeen dhowr qodob oo ah

1-In u wax ka yar wasiir buuxa oo ay mudantay aanay qaadan

2-In qofkii doc fruur isku daya oo Beesha ah ,talaabo adag laga qaado

3-In beeshu kalsoonidii kala noqoto dawlada hada jirta ilaa qodobka kowaad la ansixiyo

4-In Raisawasaaraha iyo madaxweynaha qoraal ahaan loogu gudbiyo qoraaladan.

Baaqan ka dib sheekh Shariif wuxuu magcaabay xilal uu ku sheegay wasiiro kuwaas oo ahaa

Wasiir Dowlaha Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo loo magcaabay shaksiyaad ka mid ahaa garabkii Asmara hase ahaatee aan metelin Bulshada Reer Maakhir lakiinse ku qaatay xilalkan dano gaar ah iyo baal maray baaqii Beesha.

Generaal Ilko jiir oo waxqabadkiisii degaanada Maakhir aad looga dareemay inta uu xilka ka hayey ayan ugu danbaysay golihii degaanka uu dhowaan ka sameeyey magaalada Badhan ayaa Bulshada reer maakhir waxay kalsooni buuxda ka haystaan ama ay saadaalinayaan in uu labo qodob uu wax ka qaban doono

1-In uu Aduunka ka dhaadhiciyo in isagu ka soo jeedo dhulkii loo yiqiin Somaliland ,Somaliwena ka mid yahay dadka Hargaysa isku urursday ay yihiin Qabiil in badan sadbursi wax ku qaatay,iyaga oo aan gaarsiin kaalmada aduunka qaybaha kale ee waqooyiga Soomaaliya oo Beeshoodu degin

2- Qodobka labaad ayaa noqonaya Beesha caalamku Balaayiinta doolar oo ay ugu deeqdo Soomaaliya sanad walba waa in Sanaag iyo Sool saamigooda helaan

Ugu danbayntii madaxweynaha Puntland iyo wasiirka arimaha gudaha waxaan u rajeenaynaa guul sida muuqatana waxay haystaan kalsoonida shacabkooda sidaas awgeed cid kasta oo ka hor timaada oo ka soo jeeda degaanada Puntland maaha kuwa metela ama ku hadlaya magaca Shacabka isbedel doonka ah ee Puntland oo aan oglyan dulmiga lagu hayey in mudo ah

maakhirnews+allsanaag

 

http://maakhirnews.com/2011/04/3083/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this