Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president jets of to Kuwait and the United arab emirates+PICS

Recommended Posts

War deg deg ah.

April 13, 2011

 

Awdalpress – London *- War immiga naga soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo waddanka UAE, ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo oo wata wafdi ka kooban 12 isugu jira wasiirro iyo madax sar sare oo dawladda Somaliland ah ay barrito booqasho ku tegi doonaan waddanka Imaaraadka Carabta.

 

Socdaalkan oo ay ka dambeysey marti qaad ay u fidisay dawladda Imaaraadku, ayaa la sheegayaa in diyaarad khaas ah ay dawladda Imaaraadku u dirtay wafidiga madaxweynuhu uu hoggaaminayo oo barrito ka soo kicitimi doona magaalada Hargeysa.

 

Wafdiga oo uu ka mid yahay wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo isagu immiga ku sugan waddanka Imaaraadka ayaa la filayaa in ay labada dawladood ka wada hadli doonaan arrimo horumarineed iyo mid wax wada qabsi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Maalinta Beri Oo Khamiisa Safar Ugu Kicitimo Dalalka Imaaraadka Carabta Iyo Kuwait

(Hadhwanaagnews) Wednesday, April 13, 2011

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)iyo wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalinta beri oo Khamiis ah safar ugu kicitimaan dalalka Imaaradka carabka Iyo waddanka Kuwait.

 

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalinta beri oo Khamiis ah safar ugu kicitimaan dalalka Imaaradka carabka Iyo waddanka Kuwait.

 

Sidaa waxa shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyey ilo-wareedyo ku dhodhow Qasriga Madaxtooyada Somaliland, Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuummada Somaliland, lamana garanayo inta uu qaadan doono,hasayeeshe Wararku waxay tibaxayaan inuu Madaxweynaha Somaliland casuumad ka helay waddamada Imaraadka Crabta iyo waddanka Kuwait.

 

Safarka la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland ugu kicitimayo dalalkaasi ayaa waxa ku wehelin doona Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan,iyo Marwada kowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-Waris).Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Madaxweynaha loo soo direy diyaarad khaas ah, taasi oo Madaxweynaha ka qaadi doonta Madaarka Magaalada Berbera.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

 

Safarkan la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)m iyo Weftiga uu hogaamin doono ugu kicitimo dalalkaasi ayaa noqonaysa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ugu safro dalalkaasi tan iyo markii xilka madaxweynanimada loo dhaariyey 27-July-2010.

 

Si kastaba ha ahaate, Waddamada caalamka badidooda ayaa daneynaya dalka Jamhuuriyada Somaliland tan iyo markii ay doorashada madaxweynanimada si xalaal iyo xor ah dalka uga qabsoontay 26 June 2010, taasi ay keentay inay muddooyinkii ugu danbeeyey ay dalka wufuud tiro badan dalka ku soo qul-qulayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo U Kicitimay Kuwayt Iyo Imaaraadka Carabta

 

April 14th, 2011

 

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay socdaal shaqo oo uu ku tagay lugtii ugu horaysay ee uu ugu baqoolo dunida carabta tan iyo markii la doortay doorashadii dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay.

 

Madaxweynuhu wuxuu saaka ka dhoofay madaarka Berbera waxaanu u kicitimay dalalka Kuwayt iyo imaaraadka carabta.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayay Saxaafada wuxuu sheegay inuu socdaalkiisu salka ku hayo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi iyo wax wada qabsi ee Somaliland la leedahay dalalka carabta.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in labada dalba uu ka helay marti qaad rasmi ah isla markaana uu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta wadamadaasi oo uu kala hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland.

 

Md. Axmed Siilaanyo waxa uu tilmaamay inuu kala hadli doono masuuliyiintaasi sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo sidii maal qabeenada dalalkaasi ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu madaarka Berbera salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, waxaana sii sagootiyay Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa socdaalkiisan ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Ganacsiga Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, Chief of Cabinet-ka Md. Xirsi Cali X. Xasan, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.waxaanu sii raacay diyaarad khaas ah oo ay u keentay dawlada Kuwayt.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg-Deg Ah: Madaxwaynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaminayo Oo Saaka Ka Dhoofay Madaarka Diyaaradaha Ee Berbera, Iyagga Oo Ku Sii Jeeda Dalalka Imaaraadka Iyo Kuwayt

 

Berbera (Ramaas* Apr 14,2011 Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ayaa saaka ka dhoofay Madaarka diyaaradaha ee Magaaladda Berbera isaga oo u sii jeeda dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt.

 

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud oo ay safarkiisa ku weheliyaan wasiirada arimaha dibada iyo ganacsiga ayaa waxa la sheegay inuu ku jihaysan yahay wadamada Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt oo ay ka heleen marti qaad rasmi ah.

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka diyaaradaha Magaaladda Berbera ayaa sheegay inuu safarkiisan ku tagayo dalka kuwayd iyo Imaaraadka Carabta, halkaana ay kula kulmi doonaan madaxda dalkaa.

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Socdaalkii madaxwayne Siilaanyo ku tagay magaalada Berbera kana dhoofay

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa manta sirasmiya uga dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa manta sirasmiya uga dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera waxaana waftiga madaxweynuhu kusii jeedeen qaar kamida wadamada khaliijul Carab sida uu madaxweynuhu sheegayna waxa ay booqashadani ka danbeysay marti qaad rasmiya oo ay marti qaadeen waftiga Madaxweynaha Dawlada boqortooyada Kuwait iyo Madaxda wadan imiraatka Carabta waxaana waftiga Madaxweynaha kamida ahaa Wasiirka wasaarada Arimaha debeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.Wasiirka. Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif.Marwada koowaad ee somaliland marwo Aamina sheekh Maxamed(Jirde)afhayeenka madaxaweynaha Cabdilaahi Maxamed daahir(Cukuse) Madaxa citiraaf raadinta Somaliland Dr Max.edRashiid Sheekh Xassan.Chief of Cabinet ka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xassan. Taliyayaasha ciidamada Qaranka Nuux Ismaaciil Tani.taliyaha ciidanka booliska somaliland General Cilmi Rooble Fure iyo xoghayaha gaar ka ah ee Madaxweynaha

Waftiga madaxweynaha oo saaka subaxnumadii hore ka soo kalahay xarunta magaalo madaxda dalka ee Hargeysa ayaa waxa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay xarunta magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera waxaana soo dhaweynta madaxweynaha ka qeyb qaadanaayay madaxda heer Gobol iyo heer Degmo oo ay hogaaminaayan Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab(Sandheere) Maareyaha Dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir iyo dhamaan madaxda laamaha dawlad ee magaalada berbera waxa kaloo iyana soo dhaweynta Madaxweynaha ka qeyb qaadanaayay qeybo kamida shacbiga ku dhaqan tuulooyinka udhexeeya hargeysa iyo Berbera oo laamiga dhinacyadiisa lataagnaa caleemo qoyan

 

 

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxay kaantaroolka berbera soo gaadheen abaara 9:00Am subaxnimo waxaanay qadar nusa saace ah ku nasteen xarunta Madaxtooyada ee berbera waxaanay isla markiiba usoo boqooleen dhinaca garoonka diyaaradaha ee magaalad berbera madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilanyo) ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee berbera ayaa waxa uu saxaafada kula hadlay qolka V.I.P.da ee madaarka berbera waxaanu halkaa kaga waramay socdaalka waftiga uu hogaaminayo iyo wadamada uu socdaalka kusoo marayo iyo sababaha keenay socdaalkiisa waxaana hadaladii madxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud kamid ahaa"waxa aanu maanta u amba baxaynaa wadamada Kuwait iyo Emiraatka halkaas oo nalagu marti qaaday waxaananu maqnaanaynaa ama ay booqashadayadaasi qaadanaysaa mudo wiig iyo dheeraada ama wiiga waxa aanu halkaa utagaynaa nalagu marti qaaday in aanu la soo xaajoono oo aanu kala hadalo wadamadaa aanu tagayno qadiyada arimaha somaliland iyo horumarka dalka waxa aanu ku marti qaadaynaa in ay yimaadaan wadankeena oo ay maalgashadaan waxa kale oo aanu kala hadli doonaa wixii horumarka dalka somaliland ah iyo siyaasadiisa kale iyo maslaxada dhaqaalaha waxaananu doonaynaa in ay nagala hawgalaan mid walba inaga oo og in aynu dhulkaa xidhiidh badan iyo taariikhba wada leenahay bulsho badan oo somaliland ahina ay joogto waliggodna ay ku dhaqneyd mandaqadna aynu wada leenahay dalalkaa iyada oo waxaasi oo dhamiba jiraan ayaa waxa aanu jecelay in aanu sii xoojino xidhiidhkeenaa oo aanu ka faa.iideysano waxa wada qabsi iyo hurumarna la sameyno dhinacyadabkala duwan leh waxaananu ilaahay ka baryaynaa in uu nagu guuleeyo.

 

 

Madaxweynaha oo aan la weydiin su.aalo doora ayaa waxa uu afhayeenkiisu Cabdilaahi Cukuse saxaafada ku wargaliyay in madaxweynaha la weydiin karo sadex su.aalood oo qudha sadexdiina waxa madaxweynaha weydiiyay laba kamida asxaabta Tvga qaranka waxaanay kala ahaayeen. Maxay danaynayaa wadamadan idin marti qaaday ee maalgashiya ta labaad maxase wadamadaasi inaga caawin karaan.waxaananu kaga jawaabay madaxweynuhu waxay wadamadaasi daneynayaa maalgashiyada dhinaca ganacsiga iyo baayac mushtarka waana waxa aanu doonayno ee uu horumarka wadanku ku xidhan yahay qaarkood waxay daneynayaan ganacsiga kaluunka su.aasha labaad oo aheyd inta badan wadamada carabtu somaliland uma dhega taagan inaga qudheenuna xidhiidh fiican lamaynan laheyn maxaad isleedahay wuu soo kordhin kartaa marti qaadkaagani.

Waxa uusoo kordhinayaa xaga dhaqaalaha oo aanu wax kawada qabsano iyo xaga siyaasada oo aanu wixii suuragala kawada hadalo

Su.aasha sadexaad waxa weydiiyay Wariyaha shabakada wararka ee Hadhwanaagnews berbera u jooga waxaanay aheyd mid iska kooban oo la xidhiidha wadamada uu soo marayo inta ay yihiin waxaanu Madaxweynuhu ku soo koobay waa wadamada Kuwait iyo Emiraatka carabta. waxaanu Madaxweynuhu salaan sharaf kaga qaatay madaarka berbera ka hor intii aanu dhoofin cutubyo katorsan ciidamada qaranka somaliland oo halkaa kusii diyaar ahaa

 

 

Wasiirka wasaarada Arimaha debeda somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa isna waxa uu isla madashaa ka beeniyay warar uu sheegay in ay qaar kamida Saxaafada ay ayaamahan qoraayeen oo kusaabsan socdaalka madaxweynaha iyo sababaha uu utagayo kuwaas oo uu ku sheegay warar iska been abuura waxaana hadaladii wasiirka kamid ahaa"waxan doonayaa inaan halkan kaga hadlo warar ay saxaafada maxaliga ah ee somaliland qaar kamidi ay qorayeen waxaanay wararkaasi sheegayeen in waftiga madaxweynuhu uu utagayo wadamada khaliijka in uu yahay shirkado ay sheegeen in yihiin shirkado shisheeye oo heshiis lala soo saxeexanayo waxaanay sheegen in ay shirkadahaa kamid tahay shirkada Saarseen International markaa waxan halkan ka cadaynayaa in aan waxba ka jirin wararkaa oo aanay sal iyo raadtoona laheyn mana aha warar xaqiiqo ah waftiga iyo ujeedadiisuna waa taa uu madaxweynahu sida waadaxa ah halkan uga cadeeyay waxa kale oo aan doonayaa inaan raaciyo arinta waftiga madaxweynuhu waxay ka danbeysay marti qaad rasmiya oo ay wada madaasi xukumada ku casuumeen waa wadamada kuwait iyo emiraatka carabta.

 

 

Booqashadan ama socdaalka madaxweynaha ayaa noqonayaa kii sadexaad intii uu xukunka dalka la wareegay isaga oo hore socdaalo ugu tagay wadamada Jabuuti iyo Britan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Daawo Muuqaal Quruxbadn Safarka Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo Saakay Si Heer Qaran uga Duulay Magaalada Ber Bera iyo sagootin Fiican oo Loo Sameeyay Madaxweynaha Daawo

(Hadhwanaagnews) Thursday, April 14, 2011

Halka uu ka duulayay madaxweyne Qaranka Somaliland Mudane axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxaa kusugnaa Ciidamada bambeysa saarakiil kala Duwan iyo mas uuliyiinta saga lasocotay hadbada Daawa Sawirada

 

Daawo Muuqaal Quruxbadn Safarka Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo Saakay Si Heer Qaran uga Duulay Magaalada Berbera iyo sagootin Fiican oo Loo Sameeyay Madaxweynaha Daawo.

 

c7vci6bsx9ifaormcrkv.jpg

 

0j03bjhz3vz71u50k5b.jpg

 

x0sx0ncbavwt40k74wn8.jpg

 

br41opp11ilqcc01ly2.jpg

 

gswqosx7qlshjfz4kpvz.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Why does he need red carpet, you will think after a year he will get tired of the red carpet. Ilayn waa oday aan waligii madax noqon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this