Sign in to follow this  
Saalax

Maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo ayaa caawa makhribadii soo weerarey Ciidamada Pland

Recommended Posts

Saalax   

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo ayaa caawa makhribadii soo weerarey Ciidamada Booliska Puntland ee ku sugnaa Aaga Warshad Galey Magaalada Gaalkacyo, Hal Askari oo bileyska ka tirsan ayaa dhintey.

 

Dhinaca MAleeshiyaadka khasaaraha gaarey lama cadeyn balse halgaari ayaa gacanta looga dhigey.

 

Malaashiyaadkaan ayaa si gaadmo ah ku soo weerarey Bileyska Gaalkacyo goob ay kusugnaayeen, Waxeyna Maleeshiyaadkaan kasoo duuleen Koonfurta Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Gaalkacyo baad ku wareertay! Burco boor badan nooga waran Gaalkacyo kaa waraysan maynee

 

Tan kale hal topic oo kuguma filna miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Laamaha Amaanka Gobolka Mudug Oo Kawaray Maleeshiyaad Weerar ku Soo Qaaday Ciidamada Bilayska.

Posted by Ali on April 3rd, 2011

 

Galkacyo(Puntlandi.com);- Laamaha amaanka Gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday ciidamo katirsan Dawlada Puntland laga soo abaabulay koonfurta magaalada Galkacyo.

 

 

 

 

 

Warka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyaadkan isku dhawyihiin shaqsiyaad ciidamada Policka ka soo qabteen degmada Bayre ee Gobolka Mudug kuwaa oo dadka jidgooyo u dhigtay shacabkana ku soo wargaliyeen ciidamada amaanka deetana gacanta lagu soo dhigay dhamaantood.

 

Weerarka xalay waxaa ku geeriyooday askari katirsan ciidamada Policka waxaana gacanta looga dhigay gaarigii ay weerarka ku soo qaadeen halka wararka qaarsheegayaan in qaarkood xabsiga ladhigay.

 

Laamaha amaanka Gobolka Mudug ayaa sheegay in baaritaano dheeriya samaynayaan kuna dadaalayaan sidii ay gacanta ugu soo dhigilahaayeen maleeshiyaadka duulamada ka soo qaada koonfurta Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Gaalkacyo: Askari iyo haweeneey ku dhintay rasaas lagu furay goob dadku ku badan yahay

 

Galkacyo, April 03 - Laba qof oo ay midi ahayd haweenay ayaa xalay dhintay kadib markii koox hubaysan ay goor fiidkii ah tacshiirad ku fureen waddo halbawle ah oo dhex-marta magaalada Galkacyo.

 

Qofka kale ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada ammaanka ee Puntland iyada oo dadka wax laayay ay rasaasta ka fureen afaafka hore ee xerada warshadda Galleyda ee Galkacyo. Qofka dumarka ah ayaa iyadu ka mid ahayd dad halkaa marayay.

 

Si rasmiya loogama oga jihada weerarka gaysatay. Hayeeshee, sarkaal ka tirsan ciidamada bilayska oo aan doonayn in magaciisa la sheego ayaa Radio Daljir u sheegay in ay ahaayeen rag ka soo tallaabay dhinaca xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Galkacyo markii danbana ay u baxsadeen. Nooma suura-galin in aan warkaas ka xaqiijinno ilaha ammaanka ee maamul-goboleedka Galmudug.

 

Laba todobaad ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale rag hubsani meherado lagu caweynayey ay rasaas oodda uga qaadeen taas oo iyana sababtay dhimashada labo nin oo dhallinyaro ah iyo dhaawac tiro intaas ka badan.

 

Falka xalay dhacay ayaa la tilmaamay in uu ahaa mid lala bartilmaameedsanayey askariga ka tirsan ciidamada amniga ee Puntland waxana jira warar haddiiba la isla dhexmarayo oo dhacdadan la xiriirinaya hawl-gallo ciidamada nabad-galyadu shalay ay ka sameeyeen waddo u baxda dhinaca waqooyi ee magalada Galkacyo gaar ahaan agagaarka tuulada Beyra oo koox jid-gooyo ah oo kana soo jeedda koonfurta gobolka Mudug ay jid-gooyin dhigteen, kuna baarteen gaadiid iyo dad waddadaasi ku safrayey.

 

Hawl-galkaasi oo dhacay shalay galinkii danbe, waxaa lagu soo qabtay saddex nin oo ka mid ahaa raggii falalkaasi baarshada ah ka sameeyey jidka aada Beyra iyo Bursaalax, kuwaasi oo midkood uu ahaa dhawac xilligii ciidanku gacanta ku dhigeen, haatanna lagu daweynayo isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo.

 

Falalka hadda soo cusboonaaday ee baarashada gaadiidka iyo galidda waddooyinka iskugu jira ayaa ah kuwo horay dhaw jeer uga dhacay waddooyin badan oo ah kuwa magaalada Gaalkacyo ka soo gala dhinaca waqooyiga, waxaana laga nastay arrimahaan kaddib markii dhawaan ay ka dhaceen isku dhacyo hubaysan oo dhiig badan ku daatay, sababna u noqday yaraansha is-dhaxgala iyo wada daaqista dadyawga gobolka deggan.

 

Tallaabooyinkan ayaa noqonaya imtixaankii ugu horeeyay ee soo food-saara heshiis dhinacayo badan oo amnigu ku jiro, kaasoo ay dhawaan kala saxiixdeen maamullada Galmudug iyo Puntland.

 

Diiwaanka wararka

Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this