Sign in to follow this  
Siciid1986

Shirweynihii Ugu Caalamisanaa Ee Maalgashi Loogu Samaynaayo Somaliland Oo Ka Dhacay London+Sawiro

Recommended Posts

(London-HNW) Waxaa maanta ka dhacay caasimadda waddanka Ingiriiska ee London kulan taariikhi ah oo aan hore u dhex marin xukuumadda Somaliland iyo dawladda Ingiriiska. Kulankan ayaa wuxuu dhexmaray Waftigii seddexda wasiir ee ka socday xukuumadda Somaliland iyo laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Ingiriiska, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa agasimayaal, sherkado ganacsi, maal qabeeno iyo dadkaloo caan ah. Shirkan ayaa ka dhacay Huteelka wayn ee Marriot oo ku dhaw xarunta looga arrimoyo barlamaanka dawladda Ingiriiska ee magaalada London.

7.jpg?w=640&h=480

Shir waynahan oo ay soo qaban qabaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda boqortooyada Ingiriisku waxaa ka soo qaybgalay xagga dawladda Britain laba wasiir oo ka tirsan xukkuamdda dawladda Ingiriiska iyo waftigii seddex wasiir ahaa ee ka socday dawladda Somaliland ku waas oo u hogaaminayay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland. Shirkan oo si ballaadhan ay dawladda Ingiriisku ammaankiisa u ilaalinaysay una agaasintay, waxay ahayeen masuuliyiinta dawladda Ingiriiska ka socday ee shirka u matalaayay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Mr. Henry Bellingham, Iyo Wasiir ka socday wasaardda arrimaha mucaawinada dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska (DFID), Mr. Stephen O´Brien, Agaasinaka Wasarradda Arrimaga Dibadda ee Ingiriiska ee Afrika, Jonathan Allen, Agaasinaka Bariga iyo Badhtamaha Afriak ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Marwo Sarah Tiffin, safiirro, maalqabeenno, iyo masuuliyiin tiro badan oo ka socday xukuumadda Ingiriiska.

5.jpg?w=640&h=480

Dhinaca Somaliland waxay kala ahayeen masuuliyintii shirkan caalamiga ah uga qaybgalay waftigii seddexda wasiir ee Somaliland oo kala ah Wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo biyaha, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire. Waxaa kaloo goobta ku sugnaa Maxamed Yusuf oo ah ganacsade u dhashay Somaliland oo deggan Britain, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Axmed Cumar Sangoore iyo waskiilaka Rugta Ganacsiga ee Somaliland ee UK, Abdikarin Cabdi Aadan.

8.jpg?w=640&h=480 Parliamentary Under-Secretary of State for International Development - Stephen O'Brien MP

 

 

Waxaa ugu horayn kulanka khudbad dheer oo nuxurkeedu taabanaayay xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee Somaliland shirka ka soo jeediyay wasiir khaarijiga Somaliland, Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar, oo si qoto dheer uga waramay baahida Somaliland u qabto maalgashi dhaqaale oo wayn si loo sameeyo fursado shaqooyin loogu abuuri karo dhallinyaradda Somaliland, laguna adkeeyo guulaha shacabka Somaliland ka soo hooyeen dhinacyada nabadgalayadda iyo dimuqraadiyadaba. Wuxuu ku ammaanay dawladda Ingiriiska taagerada dhaqaale ee ay u kordhisay Somaliland iyo wadashaqaynta tooska ah ee ay Britain markasta la garab taagan tahay shacabka nabada jecel ee Somaliland. Waxaa kaloo isna madasha hadal dheer ka jeediyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire, oo isaguna faah-faahin ka bixiyay xaaladda horumarineed iyo baahida xagga gargaarka ee Somaliland ay u baahantahay. Wuxuu wasiirku aad uga hadlay saxadda maalgashiga ee Somaliland iyo shuruucda iyo siyaassadda xukuumadda ee ku wajahan sidii maalgashi dibadeed loogu heli lahaa Somaliland, isagoo tilmaamay in shirkadaha caalamku ay gacan fiican ka heli doonaan dawladda Somaliland.

3.jpg?w=644&h=302 Wasiirka Qoryashanta Qaranka. Dr. Sacad Cali Shire, Iyo Wasiirka Macdanta Iyo Biyayaha Somaliland Eng: Xuseen Cabdi Ducaale Oo Sharxaaya Maalgashiga Somaliland

 

 

Waxaa isaguna ka hadlay shir waynaha wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale. Waxanu wasiirku si waafiya oo qoto dheer uga warbixiyay khayraadka dabiiciga ah ee illaahay ku manaystay Somaliland. Wuxuu wasiirku si ballaadhan uga hadlay khayraadka ay ka midka yihiin batroolka, gaaska iyo macadanaha laga helo dhulka hoostiisa oo u sheegay inay Somaliland ka buxaan. Waxaa kale oo u ka hadlay siyaasadda iyo sharciga ay Somaliland u marayso ka midhodhalinta soo saarka kharaadkaas iyo nidaamka dalku u marayo heshiisyada shirkada adduunka. Khudbadii wasiirada kadib waxaa isagu hadalka u baxay wasiirka wasaardda arimaha dibadda ee Ingiririska u qaabilsan Afrika, Mr. Henry Bellingham, wuxuuna sheegay siday dawladda Ingiriisku ula dhacsantahay horumarka iyo dimuquraadiyadda ka hanaqaaday Somaliland, yadoo ay wax kasta hoosta ka soo bilabeen, taas oo u ku tilmaamay mid tusaale u ah Somaalida kale iyo Afrikaba.

11.jpg?w=640&h=480 Maalqabeenada Iyo Wasiirada Ka Socda Dawladda Ingiriiska ee Shirka Ka Qaybgalaayay Oo Si Muqaala Au U Tusayaan Wasiirada Somaliland Qaabka Sahlan Ee Loo Maalgashan Karo Somaliland

 

 

Waxaa kaloo ka hadlay shirka Wasiir ka tirsana Wasaaradda Mucaawinada Dibadda iyo Iskaashiga ee Ingiriiska, Mudane Stephen O´Brien, wuxuuna ka waramay siday u laban laabeen deeqda ay siiso dawladda Ingiriisku Somaliland, taas oo ay uga danlahayeen in la dhiiri galiyo wax qabsiga iyo dawlad wanaaga ka hirgalay Somaliland, isla markaana ay Somaliland awoodo inay maal gashadaan sherkadaha iyo maal qabeenada waddanka Britain. Inta ka dib waxaa madasha ka dhacay doodo iyo iswaydaarsi wadatashiyo wasiiradda labada dawladood ee Somaliland iyo Ingirriska dhexmaray, waxayna ka hadleen sida ugu haboon ee Somaliland loo maal galin karo, iyo shuruucda loo maraayo. Arrintan ayaa ah talabadii ugu horeysay ee ay Somaliland u qaado xagga maalgashiga shisheeye, waxayse waxkasta ku xidhnaan donaan siday uga faa´ideysato dawladda Somaliland ee u hoggaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)

76427_1349511956945_1805732516_696010_35

Waftiga wasirada ee ka socday Xukuumadda Somaliland ayaa lagu wadaa inay bari sii wadaan kulamada ay la leyihiin dawladda Ingiriiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this