Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: TFG will not be attending the Peace Conference in Nairobi

Recommended Posts

Somalina   

shirkakenya.jpg

Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan ka qaybgalayn shirka la isugu keenayo maamul goboleedyada dalka ka jira ee lagu wado inuu bisha soo socota dhamaadkeeda lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna shirkaas ku tilmaameen mid caqabad ku ah howlaha dowladda.

 

Wasiirka Warfaafinta, Boosatada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, C/kariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in go’aankan lagu gaaray shir ay maanta yeesheen golaha wasiirada DKMG ah, isagoo sheegay in golaha wasiiradu ay ergayga gaarka ah iyo beesha calaamka ka codsadeen in xal u helidda arrimaha Soomaaliya loo daayo shacabka Soomaaliyeed.

 

“Golaha wasiirada dood dheer kaddib waxay isku raaceen inaysan ka qaybgalin shirka Nairobi, maadamaa uu caqabad ku yahay horumarka ay dowladda KMG ah ka sameysay afartii bilood ee ay jirtay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga,” ayuu yiri wasiirka oo wareysi siiyay VOA-da markii uu shirka wasiirada lasoo xiray.

 

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado wada-tashiyo ay la sameynayso qaybaha kala duwan ee bulshada sidii nabad waarta loo heli lahaa, ayna u aragtay inaysan haboonayn in waqti lagu lumiyo ama lagu mashquulo isku keenida maamullada dalka ka jira.

 

Mar la weydiiyay su’aal ahayd waxay DKMG ah ku qoonsanayso shirka maadaama ay ka mid yihiin waxyaabaha looga hadlayo xallinta khilaafaadyada u dhexeeya hay’adaha dowladda, ayuu ku jawaabay: “Runtii khilaafyo yaryar waa jiraan waana la xallin karaa, balse uma aragno shirka inuu yahay mid lagu xallinayo khilaafaadyadaas.”

 

Wasiirka warfaafinta DKMG ah wuxuu intaas ku daray in ergayga Qarammada Midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ka codsanayaan inay ku ixtiraamaan mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran dowladda Soomaaliya xal u helidda dalka ayna ku taageeraan.

 

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in iyaga loo daayo xal khilaafaadyada Soomaaliya laguna tixgeliyo, isagoo xusay in DKMG ah ay beesha caalamka ka helaan dhaqaale taasna ay uga mahad-celinayaan.

 

Dhanka kale, dowladda Jabuuti oo dalkeeda lagu qabtay shirki lagu soo dhisay DKMG ah ayaa iyaduna kasoo horjeesatay shirkaas kuna tilmaantay mid looga horjeedo shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalkeeda sannadkii 2009, waxayna uga digtay madaxda dowladda Soomaaliya inay ka qaybgalaan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda Federaalka oo Qaadacdey Shirka Nairobi

 

Shir Ay isugu yimaadeen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta looga doodey waxa laga yeelayo shirka beesha caalamku dooneyso in lagu qabto magaalada Nairobi kaas oo looga arinsanaayo qorshaha xaaladda kalaguurka ah marka la gaaro bisha August oo ay ku egtahay jiritaankii sharciga ahaa ee DFKG.

 

Golaha xukuumadda ayaa isku raacey in aan shirkaas aan laga qaybgelin maadaama uu caqabad ku yahay horumarka laga gaarey arrimaha amaanka, sida warka loo dhigey. Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale baaq u direy Dr.Mahiga iyo Beesha caalamka, waxaana ay u sheegeen in jaangoynta siyaasadeed ay iska leedahay Xukuumadda Fedraalku sidaas darteedna lagu ixtiraamo.

 

Maalintii shalay waxaa tegay magaalada Muqdishi Dr.Augustine P. Mahiga ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya uga wakiilka ah, waxaana uu halkaas gaarsiiyey casumaad ku aadan shirka Nairobi isaga oo kulamo la qaatey Madaxweynaha, Afhayeenka baarlasmaanka iyo Raysalwasaare Farmaajo:

 

Warsaxaafadeedkii ka soo abxay golaha Wasiirada hoos ka akhri:

 

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada

 

Muqdisho, March, 31.2011——— Shirkii caadiga ahaa oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa looga dooday shirka la sheegay inuu ka dhacayo bisha April 2011 magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Goluhu wuxuu soo dhoweeyey dadaalka beesha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augastina Mahiga, wuxuuna garwaaqsaday culeyska uu xilliga kala guurka ahi ku hayo ummadda Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay iaan shacbigeena ka gudbinno xilligaasi.

 

Dood dheer iyo falanqeyn kadib, goluhu wuxuu go’aansaday in dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya aaney ka qeyb galin shirkaasi maadaama uu caqabad ku noqonayo horumarkii laga sameeyey dhanka sugida amniga, dhaqaalaha, siyaasada, arrimaha iyo bulshada iyo maamul wanaagaba.

 

Dowladda Federaalka KMG ah waxay wadaa inay wadatashi la sameynayso odayaasha, waxgaradka, culimada, siyaasiyiinta, haweenka, maamulada iyo bulshada rayidka ah si loo xalliyo tabashada shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, loogana wada shaqeeyo danta guud ee dalka, dadka iyo diintaba.

 

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa baarlamaanka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay taageeraan go’aankan dhaxal galka ah si looga fogaado wax kasta oo wiiqi kara midnimada iyo danaha guud ee ummadda.

 

Waxaa hubaal ah in waqtigii yaraa ee ay jirtay xukuumadan cusub ay gaartay guulo la taaban karo oo saldhig u ah ka gudbida waqtiga kala guurka ah, balse ay u baahan yihiin dhameystir.

 

Jaangoynta siyaasada Soomaaliya waxaa mas’uul ka ah xukuumada Federaalka ee Dowladda Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxaan ugu baaqeynaa ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo dhamaan beesha caalamkuba inay nagu ixtiraamaan mas’uuliyidda Dastuuriga ah ee uu goluhu leeyhaya, naguna taageeraan howlaha culus ee ay ku jirto dowladd Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

 

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

I guess then Mahiga's plans are dead in the water, NW somalia, the TFG and Galmudug have all showed him the door to the left :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

TFG can't survive with out UN support it's not smart to Boycott the UN peace led Mahiga Conference it's not like the TFG can exist with out UN support , eventhough the so called UN peace deal will not bring any solution since the big stakeholders Alshabaab are not invited (Amiir Godane and his crew ) it seems only the pirates want Mahigas efforts to be successful and they support the peace conference in kenya just so that they can be the successors of the current TFG leaders

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Xaaji do you see know why its easier to copy paste than think critically?

 

If the UN conference is pointless if alshabaab are not represented as you said then surely there is no point for the TFG to participate? as for puntland and all that who cares?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Serves them right anyway. The international community should not get involved just leave Al shabab and TFG together to fight to the last man standing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Thereby your clan states recognition closer, did not work for 20 years with diffrent players...but its okay keep on flipping the same switch like an autistic kid expecting a different result.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Liqaye the only autistics are those who keep choosing the same TFG 4.5 every once in 4 years and expecting a different result. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this