Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sheekh Muuse Sheekh Nuur ( Sheekh Muuse Cadde) Xaafidullah: Ethiopia Cadaawad nagala dhaxeyo ma jiro

Recommended Posts

Sheekh Muuse Sh. Nuur (Cadde) oo ka mid ah culumaa'uddiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay diinta u ogolaaneyso in ay si nabadgelyo leh kula noolaadaan dadka heysta Diimaha kale, isla markaana ay haboon tahay in laga faa'iideysto.

 

SHeekh Muuse oo ka hadlayay kulan magaalada Den Haag ay isugu yimaadeen Soomaalida ku nool Holland ayuu ka sheegay in Itoobiya Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida ay u sameysay ixsaankii Labaad, isla markaana aysan jirin xiligan colaad u dhaxeysa labada shacab.

 

"Waxaa la leeyahay Itoobiya waa caddow Islaam, taasina ma ahan wax jira, maxaa yeelay Itoobiya waxay Muslimiinta u sameysay ixsaankii Labaad, Asxaabadii markii ka soo hijroodeen Gaaladii waxaa magangalyo siiyay Boqor Najaajigii xukumayay Itoobiya, oo diiday in la laayo Asxaabadii, sidaasna ku nabadgalay, ixsaanka labaadna waa tan ay Soomaalida u soo gurmatay xiligii Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi oo dadka badbaadinayay" ayuu yiri Sheekh Muuse Cadde.

 

"Dad badan ayaa aaminsan in Itoobiya ay caddow ku tahay Soomaalida, laakiin ma qabo taas, waad aragtaan Walaalaheena Soomaaliyeed nabadgelyada ay ku heystaan Addis Ababa" ayuu sii raaciyay Sheekh Muuse Maracadde. "Hiindo dile qori kugu dhibayo iyo Gaal aad la noolaato iskuma dhawa" ayuu sii raaciyay Sheekha.

 

Sheekh Muuse Cadde ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta Sacuudiga oo ah dal Muslim ah dadka Soomaaliyeed oo xaalad adag ku jira in dalkooda laga soo tarxiilo, "Sacuudiga waa dal Muslimnimada nala wadaago, gabdhaheenana maanta wey soo tarxiilayaan" ayuu intaa raaciyay Sheekha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheykh Caliyaale ka yimid u ekaa

 

war Ethiopia dhul bey naga heysataa waana laga saaraya dhulkaas

 

Gaashaamo Harshin waxey ka heystaa reer SLAND

Bokh Geladi xaey ka haysta reer Pland

Mustahil Ferfer waxey ka heysata reer USC

etc etc etc

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Waxaa la leeyahay Itoobiya waa caddow Islaam, taasina ma ahan wax jira, maxaa yeelay Itoobiya waxay Muslimiinta u sameysay ixsaankii Labaad, Asxaabadii markii ka soo hijroodeen Gaaladii waxaa magangalyo siiyay Boqor Najaajigii xukumayay Itoobiya, oo diiday in la laayo Asxaabadii, sidaasna ku nabadgalay, ixsaanka labaadna waa tan ay Soomaalida u soo gurmatay xiligii Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi oo dadka badbaadinayay" ayuu yiri Sheekh Muuse Cadde.

Sheekha Allah ha u dambi dhaafo, hadalkaas aad buu u qaldanyahay, Itoobiya is and will always be our enemy, taas caamada soomaalida baa xataa og. more than 700 years baynu itoobiya taariikh dagaal wadaagnaa, goormaynu saaxiibnay? Hadii la leeyahay "waa bay asxaabta soo dhaweeyeen, waana way soo gurmadeen" well what about all the other times ay itooboya iyo soomaliya dagaal dhex mareen? Mida kale, hadaynu walaalo nahay maxay dhul nooga haystaan? Lastly waa gaalo, waligeena walaalo ma noqon doono, Allah baana carshiga korkiisa nooga iclaamiyey. Haday itoobiya rabaan in aynu iska ahaano two nations oo isku agyaalo, without cadaawad they could start by giving us our land back, intay naga haystaan, waa waxa ugu yar ay samayn karaan.

 

Laguma qiimeeyo calaaqadda ka dhaxaysa labo wadan "mayee dad baa ku nool caasimadooda", for example, there a lot of Afghanis, and Iraqis living in USA peacefully, does that mean the US inaynan cadaw ku ahayn Afqanistan, and Iraq?

 

"Dad badan ayaa aaminsan in Itoobiya ay caddow ku tahay Soomaalida, laakiin ma qabo taas, waad aragtaan Walaalaheena Soomaaliyeed nabadgelyada ay ku heystaan Addis Ababa" ayuu sii raaciyay Sheekh Muuse Maracadde.

Alxamdulillah, intaynu aaminsanahay Itoobiya inay cadaw inoo yihiiin bay nafi inugu jirtaa, maalinta ummadda soomaali oo dhan ay aaminaan in ay itoobiya walaalo nahay, waa maalinta ay inoo dhamaatay. Cuz than si aayar ah baa wadanka la inooga wareegi, cuz again that's the nature of kufar. Allah baa quraanku ku yidhi

"O you who have believed, do not take as intimates those other than yourselves, for they will not spare you [any] ruin. They wish you would have hardship. Hatred has already appeared from their mouths, and what their breasts conceal is greater. We have certainly made clear to you the signs, if you will use reason."

 

Marka Sheekhu wuu ku qaldamay mas'aladaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waraa jiirow afka suubso where i come from culimaddu lama caayo. hadaad la doodeysid oo ka cilmi badan tahay PM-ka telkiisa aan kugu siinayaaye la dood bal.

 

 

Gaashaamo Harshin waxey ka heystaa reer SLAND

Bokh Geladi xaey ka haysta reer Pland

Mustahil Ferfer waxey ka heysata reer USC

etc etc etc

War soomalida ayaaba dhexdeedi is heysato maxaa xabashi lala dagaalama yaaqey, JigJiga kuwa ayaa jiro oo sheeganaya Ethiopian iyo kuwa kaso horjeedo sida ONLF iyo Xoreynta soomali galbeed, ONLF vs Xoreynta Somali galbeed VS New Police,,, idinka is dila lee kedibna ethiopia cadow waaye dhaha bal heshiiya oo mideysanaada kedib dagaalkii wuxuu noqonaa legitimate hadaf ayuu lahaana laakin intey saan ku soconeyso waa a bad triangel, marka halaga fikiro taas.. Anigiibaa is gaaleeysiineyno oo hebel waa Murtad iyo hebel waa Khawaarjiji dhahaaye, marka waa pointless statement in la dhaho ethiopia ayaa cadow ah imbeesha anaga is colaadineyno oo cadow isku ah, ma layla qabaa???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oba hiloowloow, waxaa isku kaa qaban la' inay soomaalidu is layso iyo inay Itoobiya cadaw inoo tahay.

Laa shaki inay soomaalidu cadaw isku tahay meelo badan, oo ayagu wax badan isa soo laayeen, taas kuligeen waynu u jeednaa, wayna jirtaa wali. Laakiin taasi ma waxay keenaysaa inay Itoobiya aynan cadawgeena ahayn?

 

Saaxiib wixii soomaalideena dhex yaala, waynu habayn, markastana waynu iska wacdin, oo is canaanan, cuz waa internal affairs, arimo soomaalida dhex taala, laakiin in arintaas darteed la dhaho "war soomaalidu bal idinu heshiiya, itoobiyana cadaw inooma aha" waa hadal aad u qaldan.

 

Bal adigu su'aal, Soomalideenu fahany inaynu isu xunahay e, oo meelo badan inagu qabiil iyo balo daran isku layno, taas fahanay. Laakiin Itoobiya ka waran? ma walaalaheen baa, mise waa cadawgeena? Adoo raali ah bal iiga jawaab intaa.s

Share this post


Link to post
Share on other sites

xabashigu hadu dalkaga ku soo duulo wa wajib inad la dagalaantiid sabab dalanu lahayn bu ku soo duulay hadu laakin dalkisa ka joogo wax aad u gardareysatiid majirto

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this