Sign in to follow this  
Somalina

Gaadhi Xukuumada Siilaanyo Leedahay Oo Maanta Hargeysa Lagu Gubay

Recommended Posts

Somalina   

Written by Qaran news

Mar 27, 2011 at 09:37 AM

 

Gaadhi Dawladu Leedahay Oo Ka Hawl-gala Xafiiska Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Maanta Ku Shufbeelay Xafiiskaasi Hortiisa

 

 

Hargeysa (Qaran news)- Gaadhi ka mida ku dawlada ee GT ah oo uu leeyahay xafiiska Hanti dhawraha Guud ee qaranka Somaliland, ayaa maanta ku shufbeelay xafiiskaasi hortiisa.

 

Gaadhigani GTda ah oo ahaa nooca loo yaqaano (MarkII) kana mid ahaa Gaadhiika dawlada ee qaada xubnaha shaaqalada ka hawl gala xafiiska Hanti dhawraha Guud ee qaranka, oo sumadiisuna tahay Somaliland GT 499, ayaa maanta abaaro 10:30 subaxnimo u shufbeelay xafiis kaasi hortiisa, iyada oo markii dambena intii aanu keeni qarax ay kooxaha damdamiska Caasimadu ku Guulaysteen in ay Bakhtiiyaan.

 

Ilaayo hada lama garanayo sida uu dabkaasi u kacay iyo waxa uu ka dhashay, sida ay sheegayaa dad Goobjoog ahi waxa mar kaliya lagu war helay Olollka iyo qiiqa gaadhigaasi ka kacaya, isla markiiba waxa bakhtiinta gaadhigaasi u hawl galay dadkii shacanka ahaa ee Goobtaasi ka ag-dhawaa, iyada oo lala boobay biyo iyo ciid wixii ay gacantu haleeshay.

 

Intaasi ka dib waxa Goobtii soo gaadhay Gaadhiga dab-damiska Dawalada hoose ee Caasimada, laakiin nasiib daro dadkii goobtaas ku sugnaa oo haween iyo dhalinyaro arday ah u badanaa ayaa Shiid ooda kaga qaaday gaadhigii damdamiska ahaa, iyaga oo ka jabiyey muraayada hore, waxana ay ku cababayeen in uu habsaamay oo aanu markiiba iman, waxa markiiba dadkii waaweynaa iyo masuuliyiintii isku dayeenin ay dajiyaan Dadkaasi kacsanaa, iyaga oo ku guulasytay in uu dabdamiskii shaqadiisa bilaabo.

 

Dadaal adag oo hawl badan qaatay ka dib waxa ay kooxaha dab-damisku ku guulayteen in ay gaadhigii iyo geed uu hoostaanaaba bakhtiiyaan.

 

Dawarqalkii gaashigaasu waday oo waxa laga weydiiyey in uu faahfaahin ka bixyo dabkaasi ayaa hadalkiisa ku soo koobay “ anu gaadhiga isaga oo caadiyaan ka dagay, waxa cilada aan lahayn, xafiiskaan galay, dabeedna waxaan ku soo baxay buuqa iyo qalada la leeyahay gaadhiga la ha bakhtiiyo, mise waa gaadhigii aan imika isa oo caadiay ka tagay oo Dabka iyo olalaka ka baxayaa cirka isku shareeray, ma garan karo isada oo dabkaasi ku kacay” ayuu yidhi dirawlkii gaashigasi waday.

 

Arintani dabka qabsaday gaadhi ay leehaya Dawlada Somaliland oo ah dhacdo ku cusub shacaka ayaa waxa ay tahay dood cusub oo ku biirtay dhaliisha mar walba Xukuumada loo soo jeediyo ee ah in aan wax masuuliyad ah layska saarin gaadhiidha Qaranka, isla markaana masuul waliba si masuuliyada daro ah danihiisa gaarka ah ugu qabsado, marka ay gaadiidkaasi xumaadaana aan waxa shaqo ah laga qaban, waxana soo baday waayadan maahmaah muujinaysa dacaynaanta gaadiidka dawlada oo ah( adeer aniga Gaadhigayga ma waxaad moodaysaa Gaadhi dawladeed, GT ), maahmaadi ayaa nuxurka ay wadataa ay tahay in gaadiidka dawlada mar walaba loo wado si xooga, isla markaan ay wax daryeela lagu samayn.

 

 

Xigasho: Oodweyne news

Share this post


Link to post
Share on other sites

SSC is a terrorist organisation with links to al-Qaida. It's no surprise that they are willing to commit terrorist acts like the above one.

 

Btw, Somalina rather then giving this excellent news of a car being burnt, why don't you tell us how many innocent lifes have been lost today, taken by the TFG so called government and the African Bantu mercenaries protecting them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

iyada oo markii dambena intii aanu keeni qarax ay kooxaha damdamiska Caasimadu ku Guulaysteen in ay Bakhtiiyaan.

Haye ..

 

isla markiiba waxa bakhtiinta gaadhigaasi u hawl galay dadkii shacanka ahaa ee Goobtaasi ka ag-dhawaa, iyada oo lala boobay biyo iyo ciid wixii ay gacantu haleeshay.

Haye ..

 

dadkii goobtaas ku sugnaa oo haween iyo dhalinyaro arday ah u badanaa ayaa Shiid ooda kaga qaaday gaadhigii damdamiska ahaa, iyaga oo ka jabiyey muraayada hore, waxana ay ku cababayeen in uu habsaamay oo aanu markiiba iman

 

 

Funny eh ?? :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Siilaanyo is amazing, in less then a year he has caused more instability then Riyaale did in his more then 5 years!

 

JB can laugh at it and try and downplay it all he wants, but the fact remains Siilaanyo has never left the triangle of Hargeysa, Bebera and Burco! The people are becoming fed up with a man with such a past!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this