Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG parliamentarian negotiations with Alshabaab is a must

Recommended Posts

Xildhibaan: Waa lagama maarmaan in wada hadal lala galo Shabaab

 

Nairobi: (Sh. M. Network) Mudane ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in wada hadal lala galo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab si loo helo nawad waarta.

 

 

Xildhibaan C/raxmaan Salaad Cali (Qoryooley) oo ka mid ah Mudanayasha barlamanka KMG Soomaaliya oo mudo ku sugnaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya oo u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda kala guurka ee xiligaan ay wajahayso dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in Xarakada Shabaab oo mudo ay dagaalamayeen dowladda Federalka Soomaaliya wadahadal lala galo ay tahay lagama maarmaan, waxaana uu tilmaamay in dhiig lagu dhiiq uu san wax xal ah ugu jirin Umadda Soomaaliyeed.

 

 

 

Mar Idaacadda Shabelle ay wax ka waydiisay Xildhibaan Qoryooley, kulamo maalmihii dambe la sheegayay inay ka dhacayeen magaalada Nairobi islamarkaana ay yeelanayeen Mudanayaal ka tirsan barlamanka oo la sheegay in looga soo horjeeday Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan Xildhibaanada ku sugan dalka Kenya todobaadkaan gudahiisa ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho si loo helo hogaan cusub maadaama uu tilmaamay in uu dhamaaday xiligii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Inkastoo dhowr jeer Mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Federalka KMG Soomaaliya ay sheegeen inay wada hadal lagalayaan Xarakada Shabaab si loo helo nawad waarta ayaa hadana Mas’uuliyiinta Ururka Al Shabaab marka ay warbaahinta ka hadlayaan waxa ay sheegaan in dowladda KMG Soomaaliya ay kasaarayaan guud ahaan dalka islamarkaana ay la galayn wax wada hadal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

^ The Al- Shabab terror group leaders seem to rather want to negociate with Somaliland enclave leaders than with the TFG.

 

Wonder why.

Share this post


Link to post
Share on other sites

XX ama waadan fahmeynin ama waa iska indhatireysa, Al shabaab dowladnimo iyo nabad ma rabaan, base ay rabaan iney dhisaan lagaga weeraaraya aduunka, Ibrahim Al-maqdis oo Merka joogo sow kii dhahaaye Alaska ilaa japan ilaa syberia ayaan qabsaneynaa, ma niman ajeendahaas wato ayaa lala heshiin karaa..

 

sii kastaba ha ahaate no aqoonsi for you adeer

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba waan ogahay Alshabaab siyasad fiican kuma shaqeyaan laakin wa ereyo ay iskaga hadleen dad ka mid ah oo ka tirsan shabaabka Siyadasada Shabaab wala badali kara wa in meel dhexe la iskugu imaado , Dawlad Shabaab way raban laakin dawlad nooca TFG ayayse rabin sh sharifku so ma ahayn nin ka tirsananin jiray kooxdi islamic courts union isku wax bay raban sharciga islaamka laakin waxa weye inay ku heshiyeen qabki la isku xukumi laha it's that simple ma waxaas oo dhan aad ogtahay bay dad intaas u fara badani u barakacayan oo dhimanayan ilahow miirka iyo maanka hanaga qaadin,, aqoonsiga aad sheegeysid na halkeed kala soo baxday topica la qabso adeer

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;705123 wrote:
ICU iyo shabaab waa kala duwan yihiin mana isku dhaw.. sii fiicana aan uu kasaaya damacaada ee waxba hays wereerin..

ICU iyo Alshabaab wax u dhexeya ma jirto wa isla iyagi uun Kooxdi ICU qayb ba dalka ku sii hadhay qeyb na Eritrea bay u qaxday daahir aweys iyo sharifka kooxdi ku hadhay waxay ahayeen muqaawamo Shabaab bay noqdeen sh sharif na marki danbe wa ki ku biiray Dawladi TFG aweys na waki xisbal islam samaystey damacaad sheegeysid wamaxay

Share this post


Link to post
Share on other sites

horta sirar badan ayaa jirto oo aan la socdo, icu xataa hadeysan weerari laheyn iyaga is dagaali lahaa ileen ninba mowqif uu lahaa,, for example xassan daahir madaxweyne uu rabay inuu ahaado, shariif in lala heshiiyo geedi iyo cabdullahi uu rabay 2006dii october, iyo ragaan jihaadiyiinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;705128 wrote:
horta sirar badan ayaa jirto oo aan la socdo, icu xataa hadeysan weerari laheyn iyaga is dagaali lahaa ileen ninba mowqif uu lahaa,, for example xassan daahir madaxweyne uu rabay inuu ahaado, shariif in lala heshiiyo geedi iyo cabdullahi uu rabay 2006dii october, iyo ragaan jihaadiyiinta.

U malayn mayo sharif inu berigi, rabay inu la heshiiyo TFG wuxu ba aha ninka ayadaha quraanka dalilsan jiray oo odhan jiray inta ay xabashidu dalka joogta wax wada hadal ah nama dhex mari karaan gaalada iyo gaal kalkaalka waan xasuusta madaxweynaha dalka suudaan mudane Cumar Xassan al bashir ba gogol fiidiyey oo yidhi heshis baan dhex dhigaya kooxaha Somaliya isku hirdayaa laakin weynu ognahay halkay ku danbeysey, xassan daahir aweys runti wa la odhan kara inu xukun jecelyahay laakin wa nin qadiyad adag weye wuxu shalay xaaraan ku sheegeyey maanta xalaal u noqon meyso i respect him for that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariifka runtii wuu rabay in lala heshiiyo dowladda balse khilaafka ka dhaxeeye maamulka maxkamadaha intuu xoogeystay ayaa gacan ka ahdal laga cabsaday saas ayuu ugu tanaasulay mowqiifkiisa,markaasey caruur yar uu direen khartoum oo ka socday ICU halkey dhinaca TFG-da ay ka socdeen Geedi iyo Cabdullahi yusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qarax lagu weeraray Saldhiga Ceelasha biyaha ay ku leeyihiin Shabaab

 

March 24, 2011

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Qarax bambaano oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa waxaa lagu weeraray saldhiga ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

 

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Ceelsha biyaha ee duleedka Muqdisho, caawa maqribkii ayaa qarax xoogan oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, waxaa lala eegtay saldhiga ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin isgoyska Ceelasha biyaha, waxaana qaraxa kadib Al Shabaab ay fureen rasaas dhimasho iyo dhaawac geysatay.

 

Qaraxa ayaa Al Shabaab waxaa uga geeriyooday hal askari iyadoo 2 kalana ay uga dhaawacmeen balse rasaas ay fureen ciidamada Al Shabaab qaraxa kadib ayaa waxaa ku dhintay qof haweeney ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 4 kale sida dad goobjoogayaal ah ay Shabelle u sheegeen.

 

In mudo ah ayay ciidamada Al Shabaab waxaa ay halad galiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ay sameeyeen howlgalo gaaban oo ay ku raadinayeen dadkii ka dambeeyay weerarkii bambaano.

 

Ciidamada Al Shabaab ayaa sidoo kale qarax kadib waxa ay la soo baxeen gaadiid ay ku xiranyihiin codbaahiyaal, kuwaasi oo ay dadka ugu sheegayeen in waqti hore ay magaalada ka xaroodaan.

 

Xaalada ayaa haatan waxaa ay tahay mid cakiran, iyadoo cabsi darteed ay u xirmeen howlihii ganacsiga ee ka jiray deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn cida ka dambeysa weerarkaani bamgacmeedka oo horay ay ugu soo caanbaxeen Al Shabaabka lagu weeraray Caawa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

QUOTE]Siyadasada Shabaab wala badali kara wa in meel dhexe la iskugu imaado , Dawlad Shabaab way raban laakin dawlad nooca TFG ayayse rabin

Xaajiga halasii qodqodo warar badan oon reer koonfurku ogayn buu hayaa!:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qofka waxan soo malmaluuqay maaha qof caqli leh haba yaraate ,,, Shabaabna waxba kama yaqaano ,,,, isaga ha loo diro bal inuu soo noqdo iyo in kele :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

"Qofka waxan soo malmaluuqay maaha qof caqli leh haba yaraate ,,, Shabaabna waxba kama yaqaano ,,,, isaga ha loo diro bal inuu soo noqdo iyo in kele"

 

LoooL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this