Sign in to follow this  
Liqaye

Iskaashi dhinaca Ammaanka la xiriira oo ay wada gaareen maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug

Recommended Posts

Somalina maan arkin Bowden oo ka cabanaya taas waliba waxan arkay in labada magac eeh dariska ah la is barbardhigo waba shay fiican oo walaaltinimo muujinaya ta webebka wa caadi idinkuba webebka reer Somaliland waad akhridan anaguna wanu akhrina wa iska caadi ileen isku af baynu wax ku qornayee webebka aad ka hadlaysey xita arimaha khuseeya dalkayaga wax wa ka so qoran marka dee wa inaynu eegno manay ahayn,. Wa inaynu derisnimada aynu xoojino manay sida ahayn awoow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaji, si fiican baan isku baranay halkan kow dheh. :D

 

Runta waad ka orodaa sidii caadada ku ahayd labo dheh!.

 

Marka sedexaad, anaga wadan gaar ah uma aragno Waqooyi Galbeed or British Somaliland iskamana fogeyno sida aad adiga iskaga fogeyso Soomaliya. Xataa xafiiska immigration xafadiina ku yaala map xusaya calamada Afrikaanka dhan waxad ka tirtirteen calanka Soomaaliyeed keliya. Yacni intaas waa nacayb aad u qabtaan Soomaliya ayaa heerkaa idin gaarsiiyey.

Maskaxdaadana sida ay u shaqeyso waa wax loo wada jeedo, even JB ayaa kula yaaban (the irony eh), marka aniga waxaan kugula talin lahaa inaad saan isu dhaanto oo yeelato meel laguu raaco.

 

Nimankaa gaalada ahina hadaad title-ka ka bedeshaan idinku uun baa is ceebeynaaya oo fools u eg, cid kale ma dhibeyso.

Professionalism ma exercise-gareysaan markaad niman UN-ka title u sameeyey website yadiina ku bedelaysaan nacayb aad u qabtaan Soomaliya awgeed?.

Intaan dhihi karo waan ku idhi. Inaad isku noqoto ilaahay ha kugu gargaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

eeg dhibaatada idin haysata waxa weye anagu waxanu idin leenahay waxad tihin umad anu jaarnahay laakin idinku ta ma qadarisan oo waad xadgudubtan oo Somaliland waxad u haysatin , wax hadyad la idin siiyey lixdanadi oo loogu deeqay bakara market marka intay waxasi idinka dhadhacsantahay isla jaan qaadi kari meyno awoow mid labaad ,,magaca UNta Colaad lo qabo maha Somalia ileen magaca somalia na wu ku xusanyahay meesha labadi ba la is barbardhigay adigu laakinsie waxaad diidaysa in magaca somaliland la xuso dee awoow ta anagu wanu xuseyna ila yaw madiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Awoowe google their names or go to the UN website and find out yourself what their titles are. Wax la is barbar dhigey malahan, stop making up stories.

 

Buhoodle weli calanka baluuga ayaa ka taagan awoowe, waxaana dooneysaan inaad ku qasabtaan iney idin raacaan, cid Somaliya ka socota oo qori idin haysata ma jirto oo idin leh na soo raac. Marka get your stories together awoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;704910 wrote:
Awoowe google their names or go to the UN website and find out yourself what their titles are. Wax la is barbar dhigey malahan, stop making up stories.

 

Buhoodle weli calanka baluuga ayaa ka taagan awoowe, waxaana dooneysaan inaad ku qasabtaan iney idin raacaan, cid Somaliya ka socota oo qori idin haysata ma jirto oo idin leh na soo raac. Marka get your stories together awoowe.

haye qori ma wadatan eeh laakin afka hanaga sheeganina marka wa iska heshiinayna.. Buhoodle wa shuqul daakhiliya xita calanka Itoobiya ka tagan so ma ogid lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;704916 wrote:
Ouch@ethiopian flag... any evidence?

 

Intaad noo soo ordaysaan waa idin sheeganeynaa.

ma anaga idin so ordayna habaka yaabin halkinaas baanu idinku duceyna lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Ximan iyo Xeeb oo been abuur ku tilmaamtay inay midoobeen Galmudug :confused::confused:

 

Cadaado: (Sh. M. Network) Maamulka Ximan iyo Xeeb ee gobolka Galgaduud ayaa been abuur ku tilmamay inay midoobeen Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

 

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed Cumar (Hagafeey) oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa uu beeniyay in la mideeyay Ciidamada Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo kuwa Maamulka Galmudug State.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in hadaladii dhawaan ay ka maqleen Idacaadaha qaar ee sheegayay in la mideeyay ciidamada labada Maamul ay tahay wax ka majiraan islamarkaana aysan jirin meel ay ku midoobeen labada ciidan, waxaana uu intaasi ku daray in xiligaan aan munaasab ahayn arintaasi.

 

Max’ed Cumar (Hagafeey) ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inay jireen kulamo ay yeesheen Taliyayaasha ciidamada labada Maamul ee Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in kulamadaasi looga hadlayay sidii loo hishiisiin lahaa Maleeshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda labadaasi Maamul, isagoo sheegay in hadalkaasi uu yahay mid looga been abuurtay shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulka Ximan iyo Xeeb.

 

Ugu dambeyn ayaa Afhayeenka waxaa uu sheegay in wadaan hadaladii loogu doonayay in lagu hishiisiiyo Maleeshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda labada Maamul ay meel wanaagsan marayaan islamarkaana goor dhow la filayo inay kasoo baxaan hishiis wax ku ool ah.

 

Dhowaan ayay aheyd markii Xasan-Timo wayne oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug uu sheegay in labada Maamul ay mideeyeen Ciidamooda taasi oo uu ku macneeyay sidii ay ugu hortagi lahaayeen kooxo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Xuduuda ay wadaagaan labadaasi Maamul.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this