Sign in to follow this  
Liqaye

Murashaxa Madaxweynimada Soomaaliya oo Nairobi Marti qaad ugu sameeyay xildhibaannada baarlamaanka

Recommended Posts

Liqaye   

Isniin, Maarso 14, 2011 (HOL) – Prof. Axmed Muumin Warfaa oo ah murashax u tartamaya xilka hoggaanka Soomaaliya doorashooyinka madaxweynenimo ee sanadkan dhammaadkiisa ka dhaca Soomaaliya ayaa qado-sharaf ugu sameeyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya hotelka Hilton magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana sidoo kale xafladdaas ka qaybgalay aqoonyahanno, siyaasiyiin, odayaal-dhaqan.

 

 

Warfaa1.jpg

 

Prof. Warfaa ayaa ah oo in badan kusoo dhexjiray siyaasadda in ka badan 30-sano, muddo dheerna bare ka ahaa jaamacado kala duwan oo caalamka dacalladiisa ku yaalla ayaa *****lka ka qaaday inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee dalka Soomaaliya marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan oo lagu wado inay dhacaan doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

 

Xafladda ayaa waxaa khudbado kasoo jeediyay aqoonyahanno ay ka mid ahaayeen Prof. Cadde Duqow oo ah ruux u soo joogay aasaaska baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in baarlamaanku uu ka badbaadiyay dalka Soomaaliya hadimooyin kala duwan oo loo maleegay.

 

Warfaa2.jpg

 

Prof. Ccadde wuxuu ammaan u soo jeediyay baarlamaanka Soomaaliya oo had iyo jeer u taagan inay toosiyaan ayna turxaan-bixiyaanna mushkild walba oo dalka ku timaadda, haddana uu xil weyn ka saaran yahay inay si xeel-dheer u doortaan mas'uulkii ummadda Soomaaliyeed ka badbaadin lahaa qalalaasaha weli taagan.

 

Intaas kaddib, waxaa makarafoonka si lagu soo dhaweeyay Prof. Warfaa oo halkaa ka jeediyay khadubad uu diirradda ku saaray waxyaabaha ka maqan Soomaaliya oo haddii loo helo ay la simi kara dowladaha ugu horreeya dunida, kuwaasoo uu ku sheegay inay ka mid yihiin: cadaaladda, waxbarashada iyo sinnaanta.

 

Prof. Warfaa wuxuu sheegay in baarlmaanka Soomaaliya uu ku saxan yahay go’aankii uu ku gaaray inuu kororsado xilligiisa shaqo, isagoo taas sabab uga dhigay inay ka badbaadinayso dalka inuu meel cidlo ah kusoo dhaco.

 

Warfaa4.jpg

 

Murashaxa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya Prof. Axmed Muumin Wafaa ayaa ka sheegay xafladda uu xildhibaannada iyo marti-sharafta kale shalay u sameeyay in haddii loo doorto xilka madaxnimo ee Soomaaliya uu ku shaqeynayo cadaalad, uuna xoogga saarayo sidii lagu soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka.

Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay xubno uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo soo dhaweeyay murashaxnimada Prof. Warfaa isagoo sheegay in siyaasadda Soomaaliya ay tahay mid aad u dhib badan jidka loo marayana uu yahay mid qodax badan, lagana doonayo Prof. Warfaa inuu u dhabar-adaygo mashaakilka soo wajihi doona.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare ayaa isaguna xafladda ka sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka hoggaamineed ee Soomaaliya. Balse Xildhibaan Xasan Abshir Faarax hadalka mudane Qanyare daba socday ayaa yiri: "Mudane Qanyare haddii aad murashax tahay xildhibaannada qado u samee oo meeshaa kaga dhawaaq, laakiin ma ahan inaad qadada Prof. Warfaa kula daarato."

 

Mudane Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa baaq u jeediyay baarlamaanka Soomaliyeed, kaasoo ahaa in xilliga loo baahan yahay in hoggaanka dalka loo doorto aqoonyahan Soomaaliyeed sida Prof. Warfaa.

 

Sidoo kale, xildhibaan Sheekh Aadan iyo Xil Cabdalla Boos oo iyaguna ka hadlay xafladda ayaa soo dhaweeyay murashaxnimada Prof. Warfaa, iyagoo Alle uga baryay in haddii uu Soomaaliya wanaag uu ku garab-galo doorashadiisa.

 

 

Xubnihii halkaas ka hadlay oo aad u fara badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane Xassan Abshir Faarax oo cadeeyey in Prof. Warfaa uu yahay geesi Soomaaliyeed haddii uu tartanka madaxtinimada uu ka qaybgalana uu ugu shubi doono, balse wuxuu sheegay inuu isaguba ka fikirayo inuu isku sharraxo hoggaanka Soomaaliya iyo in kale.

 

Warfaa4.jpg

 

Ugu dambeyn, xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa bogaadin u jeedisay Prof. Warfaa, waxayna sheegtay inuu yahay mas'uulka ugu habboon ee xilkan qaban kara, isagoo kalena aanu weli soo marin Soomaaliya.

 

Prof. Axmed Muumin Warfaa oo horay u ahaa la taliyaha madaxweyne Sheekh Shariif ayaa xilkaas iska casilay sannadkii hore, kaddib markii uu sheegay inuusan howshaas wadi karin, isagoo ugu dambeyn sheegay inuu socdaal ku tegi doono gudaha dalka Soomaaliya.

 

Fatuma Isse Mohaoud, Hiiraan Online

Faduma@hiiraan.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this