Sign in to follow this  
Siciid1986

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Ka Soo Laabtay Socdaal Uu Ku Tagay Shiinaha

Recommended Posts

Wasiirka arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal qaatay maalmo oo uu ugu maqnaa dalka Shiinaha.

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa Martiqaad uu ka helay Daldaha shiinaha ku tagay, waxaana masuuliyiiintiisii uu la kulmay ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dalka iyo waxyaabaha ay Somaliland uga baahan tahay in laga caawiyo.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta wasaaradda Arrimaha dibada, kaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska wararka ee Shabkada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, waxaan warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan Waxaa maanta dalka ku soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo safar hawleed ku tagay dalka Shiinaha.

Socdaal Wasiirka oo ka denbeeyay martiqaad ay xukuumadda Somaliland ka heshay dawladda Shiinaha ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo dhisi lahaa xidhiidh iskaashi oo dhexmara labada dal ee Shiinaha iyo Somaliland oo ku dhisan wax-wada qabsi iyo wadashaqayn dhinacyo badan leh.

 

Wuxuu intii uu joogay wasiirku dalka shiinaha uu la kulmay masuuliyiin ka tirsan dawladda Shiinaha iyo shirkado madaxbanaan oo dalka shiinaha u qaabilsan hawlaha iskaashiga caalamka iyo maalgalinta. Waxaana laga wada hadlay qodobo aasaas u noqon kara iskaashi balaadhan oo labada dhinac dhex-mari kara.

 

Waxay tallaabadani salka ku haysaa siyaasadda xukuumadda ee ku jahaysan balaadhinta iskaashiga iyo waxwada qabsiga ay Somaliland doonayso inay dunida la yeelato. Taasi oo la rajaynayo inay suuragalin karto in Somaliland kor u qaaddo awooddeeda dhaqaale iyo ta wax soo saarba.

 

Sida laga warqabo waxaa Somaliland hadda ka jira baahi loo qabo in maalgalin shisheeya la helo oo abuurta shaqooyin iyo dhaqaale oo uu dalku aad ugu baahan yahay. Waxaa isa soo taraya tirada dhalinyarada aan shaqayn iyagoo leh xirfaddii shaqada, shaqo la´aan awgeed. Hadii ay Somaliland ku guulaysatao hawlgaladan waxaa la qorshaynayaa in muwaadiniinta Somaliland ee shaqaysaa ay kordhi doonto. Arrintaasi oo wax ka tari karta horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabadgalayada.

 

Dawladda Shiinuhu waxay aad u danaynaysaa inay la shaqayso dawladda Somaliland. Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas Ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this