Sign in to follow this  
Peace Action

Laascaano People Demonstrate Against SL -Killed Maimed

Recommended Posts

Faahfaahin Mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

 

Mudaharaadyo balaaran ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool shalay isla markaana rabshado watay.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaaya in dadka halkaas ku dhaqan ay shalay isugu baxeen banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday maamulka Somaliland oo gacanta ku haya magaaladaas.

 

Mudaharaadyada shalay ka dhacay Laascaanood ayaa waxaa ka dhashey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyadoo la isku khilaafsanyahay tirada dadkii ku dhintey.

 

Ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood ayaa isku deyey in ay kala ceyriyaan dadka banaanbaxa dhigaayay oo isugu jirey rag,haween iyo Caruur,balse ay ku guuldaraysteen.waxaana jirtay in rasaas ay ku fureen dadkaasi banaanbaxayay.

 

Mid kamid ah Odeyaasha ku dhaqan Laascaanood ayaa warbaahinta u sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen rasaastaas isla markaana sidoo kale Ciidamada ay xireen boqolaal Caruur iyo Haween banaanbaxayay.

 

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa saaka u muuqata mid degan iyadoo xalay fiidki laga maqlaayay qaybo kamid ah magaalada rasaas waaweyn.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Skirmishes between SL and PL have already started at the outskirt of the city(LA.) And it appears that Siilaanyo's bad policies are finally coming to bite him in the rear. Let the wheels of liberation roll!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo Maanta maalinkii labaad ay Banaanbaxyo rabashado Wata ka dhacayaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee Puntland kuwaas oo ay samaynayaan qaarkamid ah dadka deegaanka oo ka cabanaya Tilaabooyinka Somaliland ay ka samaynayso geyiga SSC islamarkaasna ay Somaliland qeybo badan oo kamid ah banaanbaxayaashaas xirtay ayaa ay markii ugu horeysay Dawlada Puntland si kulul uga hadashay Tilaabooyinka Somaliland.

 

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka dawlada Puntland Axmed Cali Askar ayaa sheegey in Somaliland ay labadii cisho ee lasoo dhaafay dad shacab ah ku xirxirtay magaalada Laascaanood kuwaas oo ay kujiraan Tobonaan Odayaasha & Waxgaradka reer Laascaano ah,waxaana uu Wasiirku sheegey in ay jiraan dad shacab ah oo ay waxyeeleeyeen Ciidamada Somaliland.

 

Axmed Cali Askar wuxuu sheegey in ay Somaliland doonayso inay si khasab ah ku maamusho shacabka reer Laascaanood oo uu sheegey inay imika bilaabeen kacdoomo ay isaga kicinayaan Somaliland,waxaana uu sheegey in ay dawlada Puntland ka digayso in ay Somaliland isku sii daydo inay shacabka awood ku muquuniso taas oo uu sheegey inay shacabkooda difaaci doonaan iyagoo qaadanaya Amarkii uu horey madaxweynaha Puntland u baxshay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siilaanyo's now has more than he can chew. Why did he have to sent his troops to Kalshaale to support his kin? Now he makes it easy for Puntland to portray Siilaanyo as warmonger bent on clan warfare.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaal ka tirsan Somaliland oo lagu dilay Magaalada Laascaanood

 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliland ayaa habeenimadii xalay lagu dhex toogtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyadoo mid kale la dhaawacay.

 

Madaxii ugu sareeyey waaxda dambi baarista ee gobolka Sool u qaabilsanaa maamulka Somaliland ayaa kooxo hubeysan xalay ku dileen magaalada Laascaanood,waxaana lagu magacaabi jirey Maxamuud Maxamed Xirsi,waxaana sidoo kale la dhaawacay kuxigeenkiisa.

 

Goobta lagu diley Sarkaalkaas ayaa sidoo kale lagu toogtay qof haweenay ah oo ganacsi ku lahayd,lamana yaqaano ciddi ka dambeysay dilalkaan.

 

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa isla xalay bilaabay baaritaano la xirrira falka lagu diley Sarkaalka ka tirsan waaxda dambi baarista ee gobolka Sool.

 

Dilka ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Laascaanood ay ka dhaceen labadii maalmood lasoo dhaafay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday maamulka Somaliland,waxaana banaanbaxyada dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartey dad shacab ah iyadoo sidoo kale la xirey dad badan.

 

Magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale marar badan lagu diley Saraakil iyo Taliyaal ka tirsan Ciidamada maamulka Somaliland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this