Sign in to follow this  
diplomate2010

Waxgaradkii iyo Odayaashii laga soo qafaalay Magaalada Jowhar oo lagu xiray Warshada Baastada

Recommended Posts

Iyadoo maalin ka hor Al-Shabaab Odayaa iyo waxgarad reer Jowhar ay ka soo kaxeeyeen Magaalada Jowhar, kadib markii ay ku soo daadgureeyeen Gaari Hoomey ah ayaa qaar ka mid ah Odayaashaas waxaa lagu xiray Warshada Baastada ee Magaalada Muqdisho.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ilaa Tobanaan Odayaal lala haray markii Muqdisho la keenay, halka qaarkii kalena la fasaxay, waxaana Odayaasha hada xiran ay gaarayaan tobanaan.

 

Xariga Odayaashan ayaa yimid kadib markii Odayaashaas ay ka hor yimaadeen amar Shabaabka u jeediyeen oo ahaa inay beelahooda ka keenaan ilaa labo boqol oo dhalinyaro si loo dagaal geliyo.

 

Inkastoo aanay inoo suura gelin magacyada Odayaasha ayaa hadana waxaa ku jiray Odayaal caan ka ah Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Magaalada Jowhar, kuwaasoo lagu yaqaanay xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta.

 

Shabaabka ayaa hada culeys saaraya deegaanada Shabellaha Dhexe, iyadoo cadaadiska qeybaha bulshada ay ku hayaan uu yahay mid aad uga duwan kuwa Gobolada ay ku hayaan.

 

Maamulka ugu sareeya Gobolka oo aan u dhalan ayaa si bahdilaad ah iyo cadiifad ka muuqata bilaabay inay ula dhaqmaan dadka min caruur ilaa ciroole, iyadoo Magaalada Jowhar ay ka mid tahay goobaha ugu daran ee dadka deegaanka cadaadiska iyo caburinta ay ku hayaan Maamulka ka arrimiya.

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali civil war has never reach this point where by people are forced to fight for agenda , Kids , Elders and Female’s are being send to the front by force .

Alshabab leaders are cowards …………….. They Hide in the jungle’s make video threads in bunkers ,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tool

 

Email ugu *** saaxiibkaa warkaan

Daabaco warkaan

 

 

Muqdisho:-Shabaab oo Gurmad ahaan Muqdisho u soo geliyey Dhalinyaro iyo waayeelo tababar aan qabin.(Warbixin)

4. marts 2011

 

APL

 

 

 

 

Muqdisho(Allpuntland)-Shalay, xalay ilaa saaka ayaa lagu waramayaa in magaalada Muqdisho ay soo galeen gurmad kuwii ugu badnaa abid oo aan tababar qabin kuwaasi oo magaalada Muqdisho laga soo geliyey Gobolada Sh/Hoose, Sh/Dhexe , Baay iyo Bakool.

 

Maamulada Al Shabaab ee Gobolada Gurmadka laga keenay ayaa bilaabay marka hore in dadka ay isu yeeraan meelo fagaaraha iyagoona wacyi gelin ka dib ugu baaqayey in ay ka qeyb qaataan dagaalada ay ugu yereen jihaadka ee ka socda Muqdisho iyo Gobolada qaar.

 

Olalaha dagaal ugu yeerka ah ayaa waxaa qiirad lagu geliyey dhalinyaro xaafadeed kuwaasi oo iska diiwaan geliyey goobo maamulada Shabaabka ay cayimeen, waxaana durbo dhalinyaradaasi lagu geliyye xerooyin.

 

Madaxda Shabaab ayaa waxaa ka daadigi waayey gurmadka dhalinyaro ee isu diiwan gelisay ka qeyb qaadashada dagaalada, waxaaan kulamo lala qaatay Odayaal Beleedyada gobolada oo loo sheegay in dhalinyaro badan nin walba beeshiisa uu uga soo xeri geliyo Shabaab hasa ahaatee qaar ka mid ah odayaasha ayaa keeni waayey tiro ku dhow cadadi laga rabay, waxaana ka dib iyaga qudhooda laga dhaadhiciyey iyadoo qasab uu ku laran yahay in dagaalada ay ka qeyb qaataan.

 

Mid ka mid ah dhalinyaro laga soo ka xeeyey Degmada Afgooye ayaa APl u sheegay in tababar kooban la siiyey oo ah sida qoriga loo qabsado iyo sida loo rido oo kaliyah, waxa uuna sheegay qof kasta loo dhiibay qori iyo rasaas aan badneyn.

 

Dadka degan degaanka Suuqa xoolaha oo ay soo marto wadada ka timaada degaanada Gobolada Sh/Dhexe iyo kuwa ku nool degaanka ceelasha Biyaha ee ay soo marto wadada iyana ka timaada gobolada Sh/hoose , Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in ay indhooda mar walba qabtaan gaadiidka kuwa Xamuulka ah oo ay ka buuxaan dhalinyaro iyo Odayaal qaarkood da' ah oo isugu jira dad ku faraxsan ka qeyb galka dagaalada iyo kuwa caajis laga dheehan karo.

 

Qaar ka mid ah Eheleda Shabaabka ay soo dagaal geliyeen wiilashooda iyo Odayadooda ayaa sheegay in caruurtooda xamaasad ay soo qaaday halka Odayaashan qasab lagu soo kaxeeyey, waxa ayna shegeen in Shabaabka jooga Gobolada ay aad u madax adag yihiin oo ay adagtahay in rabitaankooda laga horyimaado, waxa ayna Alaah ka baryayeen in wayeelada iyo Dhalintaba iyagoo bad qabo uu dib ugu soo celiyo deegaanadooda.

 

Sidoo kale Gurmad sidaan oo kale ah oo laga uruuriyey qeybo ka mid ah Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa la geeyey duleedka magaalada Beledweyne oo ay isu horfadhiyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab iyana waxaa jirta in gurmad laga uruuriyey Gobolada Jubooyinka iyo Gedo kuwaasi oo lagu xoojiyey dagaalada Degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo.

 

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda Shabaab ayaa waxaa ka daadigi waayey gurmadka dhalinyaro ee isu diiwan gelisay ka qeyb qaadashada dagaalada, waxaaan kulamo lala qaatay Odayaal Beleedyada gobolada oo loo sheegay in dhalinyaro badan nin walba beeshiisa uu uga soo xeri geliyo Shabaab hasa ahaatee qaar ka mid ah odayaasha ayaa keeni waayey tiro ku dhow cadadi laga rabay, waxaana ka dib iyaga qudhooda laga dhaadhiciyey iyadoo qasab uu ku laran yahay in dagaalada ay ka qeyb qaataan.

 

 

Godan and Dahir Aweys are comparable to Congo and other African rebel leaders who in the past used child soldiers by force … kidnapping civilians and forcing them to Fight.,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this