Sign in to follow this  
isqarxis

hees ku sabasan xaalda dalkayga Somaliland

Recommended Posts

isqarxis   

hees kusaabsan xaalada dalkayga somaliland iyo

madaxdayda oo aan garan la,ahay waxa ay damacsan yihiin iyo

meesha ay wax u socdaan oo ilaa iyo hada laguba jaha wareersan

yahay dawladii kulmiye ee kusoo baxday codka shacabka

 

 

Akhris fiican.by Osman yusuf.Denmark.

 

 

Kulmiyow dalkeenii daacuun ku noqotoo

daaficiina lummisoo dariiqaynu hayniyo

ka talawday dayrkii distoorkeenu

dhigayoo wisiiradi darjiidhoo mid

waliba tantii guud mid qabiil kadoorbiday

ciidankiina dummisoo deegaan la,leeyahay

dammac reero kalla galay ayaad daafac

leedahay dulmmigaa ayaa dhigay?

dhiiga daadanaayiyo denbigaa

ayaa galay?qoontaydin dammaq

deen sidee loo daweeyaa?

kulmiyow dareen adag shirarkaydin

damacdeen London looga degel

dhigay waxa dabada kaga jira

somalilandiid iyo qaar laduufsaday

wisiirkeeni loodiray dariqeeni

ka,an baday miyaad daafacaysaan?

maxaa keenay doodaha? iyo caydan

daalacan?miyaa laydin doorsaday?

mise waad duraw deen?denbigaad

gelaysaan distoorkaydin jebiseen

dalkeenaad halayseen mucaaridkaad

duraysaan madanbaydin moodeen?

Xirsi geenan doobta leh Cabeindka

loo diray wuxuu doono fali kara

dahanshiil kasaaqiday daa diyihay

odaygii ay shacabku doorteen kala dilaya ina land

miyaan xeer dabraa jirin?duulista iyo hawwadii

ninkii heedhe loodiray sharaftii dalkeeniyo haduu

derajadii helay caydan uu jilbaha daray

maxa nuun da waynoo dirkiyo laftaba

xulay qabiil daafac weeyaan mise

waa dakane hore iyo xeelad kale dege?

dulmiguu kagalay reer sidee loo daweeyaa?

 

Ruug cadaadi geenii duqa reerka ugu wayn

ee,ay shacabku doorteen majaraa u duugnaa?

mise waa ladoorsaday?dawladeeni ina land

dawga ay kusocotaa hadaan maanta laga dayn

dariiq oodan weeyaan iyo diris sokeeyaad

afartaa madaabacay. Dood kalana waan furay,

kulmiyow dalkeenii deganaansho lagga waa dariiqii

hargaisaa daarihii lagu bayaa Polis-kii daraa iyo

Sirdoon keeni dihinaa saw maydin kala dirin

qaaraan duniba war u hayn daaduumay

beri hore bari lagama soo dirin danbigeeda

yaa qaba?shacabkii kudoortaa diif adagi haysaa

sixir barar dulleeyaa dusha sare kasaarteen

dan,yartiina lee,doo macaluul dushiinay dariiq yadda

lajiifaan denbi meesha lagu galo ama eexda lagu

dedo Nimcadaa kadu rugtoo Duufaan hadheeyiyo

Abaaraa dureeyee Deeqdii Eebe laba waa

Biyo dhaamis baa dilay Roobdoona lama

dirin Dawladan sugaaynaan qaladkay dedaysiyo

dalba juuqe heeday ayay daafac leedahay

dood kalana furatoo qabilaysi doontee golayaashi

didisee guurtidii dayaysee danta ay kaleedahay

waynu daawan doonaa shacabkow bal daawadda

afartaa madaabacay dood kalana waan furay.

Duqii reer jabuutiyo Dilaagii madoobaa somali

kala dilay dilaalkii as qaysnaa dabinada xidh xidhi

jiray qarankeenan dihin weli sidii loo durayn

laa ina Cigaal kadaafacay mididii dabka lahayd

Riyalana kudeyay marar dammaciisu muu hadhin

waanu ina dul joogaa kulmiyaanu dagayaa

Ismail doraad dermadii casaydee dariiq yada

idiin dhigay ayaad daacad moodeen Libaax yadii

dalkeeniyo Caybalkii saxeexdeen ninka maanta

daganow taariikhda duuga ah waa mid kuugu

daabacan danbigana Adaa qaba duqa reerka

ugu waynow ama hooy is daba qabo oo duuga

wax u eeg ama sii dur duriyoo Geriyaad dusheedii

duufaan hagugu dilo. afartaa madaabacay. dood

kalana waan furay shacab keenan deriska ah

duulkaa nin wadda dhalay dadka reer Hargaisaad

afarteeda daamood waa duul walaalo ah oon

laysku diri karin dab munaafaq soo shiday aanu

abid duraynayn waxase maanta ugu daran

wisiirkeeni soo degay tiknikada ladaba dhigay

daan daansigaa baxay tolow yaa ladagayaa?

danna gaara weeyaan shacab koo la kalla

dilo daan daan u kalla baxa waana xaajo dedan

weli danta ay kaleeyiin ummad yahay bal daawadda

madaxdaynu diraniyo waxa loo dan leeyahay laba

aan is doonayn kala durugsan weeyaan duqa reerka

ugu wayn malaa waa ladoorsaday?

baaq yada is daba maray eedahan *****lka

leh in shaarooyin kaa dedan xulufaysi doonkaa

medhyahan durradda sidda30 sano wixii tegay

wuxuu maanta daran yahay Ahmed jabane doox

doox,eel durugsan soofaadh danta uu kaleeyahay

shacab yahaw dareenkaa Ana waan kadigayaa

ninkii shacabku doortow dal daloolka muuqdiyo

arimahan is dabayaal mallaa daacad kama ihid

dooda waxaan kuxidhayaa Adigiyo dareenkaa

nin kastoo danbaaba,baba Aakhiraw danbaysee

maantaad dunida joogtaa oday yahaw is daba

qabo daa danaasiyo dirir sokeeyaad dulmmi

Adigu haw gelin taariikhda duuga ah denbigeed

iska ogaw.qarankii laguu diray yaan dammac

shishee yaad heedhe dayrka kaaridin,Xamartaa

dubuu helay kursigaan dawaysmayn yaanu

kaagan kaa dummin dammacaa iska ogowWisiiradan

darjiidhka ah dabar gaara la ogow xisbiyadan

dan kula wadda yaan cadawgu kugu dirin

abtirsiimo duugawdee yaanay heedhe kulla

degin dadka kii shisheeyiyo iyo deriska aad

tahay Aday daacad kuuyiin dawladuna inoo

siman dooduna inoo xidhan nin qabiilku

doorsaday heedhe yuu daf soo odhan iyo

daafac reerkii Dubahaygu yuu helin heedhe

waan kadigayaa.

 

barre408@yahoo.dk Osman Yusuf Denmark.

 

http://www.togaherer.com/2011/02/24/hees-ku-saabsan-xaalada-dalkayga-somaliland-by-osman-yusuf/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this