Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Wasiirka Gaashaandhiga Waxaan la wareegnay Wasaaradii gaashaandhiga, Shiirkole, iyo Warshadii Canah

Recommended Posts

Somalina   

Ciidamo ka tirsan kuwa Dooxada shabelle oo soo gaaray afaafka hore ee magaalada Baladweyne iyo Al-Shabaab oo difaac ka gaalay qeybo ka mid ah Degmadaasi Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay halkaasi ay ka socdaan dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada doxada shabelle iyo kuwa Al-Shabaab, iyadoo dhinacyada dagaalamaya ay isu adeegsadeen wixii hub ee ay heli kareen, ayaa la soo sheegayaa in gudaha magaalada ay isaga barakaceen dadkii degenaa.

 

Ciidamada Dooxada shabelle iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca ayaa la sheegayaa in saakay aroortii hore ay soo galeen halka loo yaqaan Jante Kundishe, waxaana la sheegayaa in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay halkaasi isaga baxeen, kaddib markii is rasaaseyn socotay muddo kooban ay dhex mareen labada dhinac.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Al-Shabaab ay saakay u soo gudbeen dhinaca bari ee magaalada Baladweyne oo kala qeybisa buundada, halka ciidamada Dooxada shabelle ahna la sheegay inay iyana haatan ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

 

Dagaalada ka socda magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ilaa iyo haatan si xowli leh u socda, wixii warar ah ee ku soo kordha waxaad kala socon doontaan hiiraanweyn online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dagaal xooggan ayaa ka bilowdey degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo taas oo dhacda xadka dalka Kenya.

 

Kooxda al-Shabaab oo halkaas ka talinaayey ayaa saaaka goor hore ka baxay magaalada waxaana dagaalku ka dhacay duleedka magaalada Beled Xaawo iyada oo wararku sheegayaan in dagaalku hadda soo gaarey magaalada gudaheeda.

 

Maalmihii la soo dhaafey ayaa laga dareemaayey deegaanka Doolow oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunnah dhaq-dhaqaaq ciidan.

 

Dhanka kale waxaa dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayaa magaalada Beledweyne, wararka aan halkaas ka helayno ayaa sheegaya in ciidamada al-Shabaab ay isaga baxaeen magaalada kadib markii ciidamo ka tirsan dawladda kumeelgaarka ah ay soo fariisteen meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Beledweyne.

 

Dagaaladan ayaa u muuqda kuwo qorsheysan iyada oo ciidanka Burundi ee AMISOM ay maanta dagaal aad u xooggan ku qaadeen Xarakada al-Shabaab ee ku sugan Mudisho, waxaana ay dagaalkaas kula wareegeen saldhiyo waaweyn oo ay iska lahaayeen Shabaabku.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

They will lose Hiiraan quite easily. Gedo and the south will be more of a problem. AMISOM have shown they have enough strengths to bring an end to the game in Mogadishu, but they dont want to, nor do their handlers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu Wednesday 21 February 2011 SMC

 

 

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baladxaawo ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda KMG ah ay gacanta ku dhigeen Degmadaasi kadib markii saacad ka hor dagaal ku qaadeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo halkaasi horay ugu sugnaa.

 

Dagaalkaasi ayaa sababay inay gacanta u gasho degmadaasi ciidamada Dowladda, iyadoo dad badan oo rayid ah degmadaasi ka qaxeen, iyadoo degmadaasi ay gudaha u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah oo iyagu ah kuwa qaba tababar fiican.

 

Ciidamada Dowladda KMG ah sarkaal u hadlay ayaa sheegay in ciidanadooda ay wadan qorshe ay ku doonayaan inay dib ula wareegaan deegaano dhowr ah oo uu sheegay inay ka saarayaan deegaaanadaasi Al-Shabaab.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in sidoo kale Degmada Luuq uu ka jiro dhaq dhaqaaq dagaal, lagana cabsi qabo inuu halkaasi u dagaal iyana ku dhaxmaro Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Al-Shabaab

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu Wednesday 21 February 2011 SMC

 

 

Waxaa saakay xiran isku socodaka dadka iyo gaadiidka ee Suuqa wayn ee Bakaaraha, kadib markii saakay waaberigii uu dagaal ka dhacay wadadii kaliya ee suuqaasi loo maraayay ee Jidka warshadaha.

 

Ganacsigii suuqaasi ayaa maanta waxa uu yahay mid xiran gebi ahaantiisa, iyadoo dadku ka cabsi qabaan in dagaalku uu gaaray Suuqaasi oo ay hadaba goobjoogayaal u sheegeen saxaafada in rasaas xooggan laga maqlaayo.

 

Rasaas xooggan ayaa laga maqlaayaa daafaha iyo gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo la sheegayo in Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan suuqaasi.

 

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ayaa u muuqda kuwo dagaalka iminka socda Horumar ka samaynaaya, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab, hase yeeshee Abaanduuliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya C/kariin Dhagabadan uu sheegay inay guulo ka gaareen dagaalkii saakay, islamarkaana ay ciidamdooda sii socdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this