Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War deg deg ah: Xarakada Al Shabaab oo Iclaamisay dagaalo kala bax ah oo lala galo dowladda

Recommended Posts

Kadib markii ay dowladda Soomaaliya ay iclaameysay dagaalo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa taasi si deg deg ah uga jawaabtay Xarakada Al Shabaab oo iyadu weerar ba’an lagu yahay.

 

Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa dhawr daqiiqadood kahor iclaamiyay dagaalo xoogan oo ka dhan ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isagoo ka sheegay Idaacada IQK oo ku hadashay afka Xarakada Al Shabaab.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay in maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolada dalka Soomaaliya ay si deg deg kusoo gaaraan magaaladda Muqdisho, ayna ka qeyb qaataan dagaalada kulul ee la-filanaayo in’ay ka dhacaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Sidoo kale guud ahaan ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu ugu baaqay in’ay soo xaadiraan faruumaha hore ee Jihaadka uu sheegay in’ay kula jiraan ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

 

Dhanka kale afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa wacad ku maray in’ay xoog magaaladda Muqdisho uga saari doonaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Amisom, isla-markaana wuxuu sheegay in’ay meesha ka saari doonaan hanjabaadaha adag ee kasoo maaxanaaya dowladda iyo Amisom.

 

Hadalkaan kasoo yeeray Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu kusoo aadayaa, kadib markii ay dhawr daqiiqadood kahor ay dowladda sheegtay in’ay Shabaab ku wiiqi doonaan dagaalada kulul ee ka curtay magaaladda Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Mujaahidiinta Soomaaliya oo Wilaayaatka dalka faray in ay duullaan ku qaadaan cadawga ayna Feejignaadaan.

 

 

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaalad deg deg ah gelisay dhamaanba wilaayaatka Islaamiga ee dalka Soomaaliya waqti ay Mujaahidiintu u gurmanayaan dadka abaareysan.

 

Hogaanka Sare ee Mujaahidiinta ayaa goordhaw oo caawa ah Iclaamiyay in Muslimiinta ku dhaqan wilaayaatka dalka lafaray in ay duulaan ku qaadaan cadawga islamarkaana ay feejignaadaan.

 

 

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo Caawa ka hadlay Idaacadda Qur'aanka Kariimka ee Muqdisho ayaa sheegay in Xaalad Ta'ahub ah lageliyay dhamaanba wilaayaatka dalka.

 

 

Mujaahidiinta ayaa shacabka Muslimka ah iyo Mujaahidiintooda amar ku siiyay in ay duulaan qaadaan, inkastoo aan weli la faah faahin sababta keentay feejignaanta iyo duulaan qaadidda hadana warar ay heshay Wakaaladda SomaliMeMo ayaa sheegaya in Cadawgu uu dhaq dhaqaaqyo ka wado Doolow,Yeed,Feer Feer iyo Libooyo Kenya oo dhamaanba xad beenaad laleh wilaayaatka dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;696500 wrote:
So much for Farmaajo's 100 day to capture the South of Somalia..

Iclaamidii Shabaab waxaa ka horeeye Dagaal caawa ay iclaamiyeen Dowladda Shariif.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Al-habaab weligoodba wax baan baabi'inaynaa bay lahaayeen ee booto miyaa weli u hartay? Ilaahay kuwaan iyo waxa kale ee dhibka wadaba Soomaali haka qabto wax wanaagsanna ha ugu beddelo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xaaji Xunjuf;696511 wrote:
shacabka may u tudhan both alshabaab and Amisom should stop fighting in civilian populated areas

Waaba talo fiican oo maba xuma ee adigu kuwa aad taageertid maa shacabka Kalshaale iyo Waqooyi Galbeed inay u turaan aad ugu baaqdid, mise jees-jees baa meesha yaal iyo maroodigu takarta Saaran uma jeedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Xaaji Xunjuf;696511 wrote:
shacabka may u tudhan both alshabaab and Amisom should stop fighting in civilian populated areas

maba u malayneynin in aad garashadaa ledahaye, lakiine su aasha mudan in la iswaydiiyo waxay tahay malitia SNM EE aad kadhalatey ee xasuuqaya tadka reer buuhoodle shacab ma aha miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this